Author Topic: Su'aal: Iga jaahil bixiya cudur aan garan waayay?  (Read 3818 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su'aal: Iga jaahil bixiya cudur aan garan waayay?
« on: March 31, 2015, 05:35:41 AM »
Asc doctors waxaan rabaa inaa iga jaahil bixisaan cudur aan ku wareeray waxuu yahay, mudo 7sano ka hor ayaan waxaa qabi jiray cudur uu dhaqtar iigu sheegay inuu yahay qalal, laakiin aniga mid ku wareeray waxay ahayd cudurka qalalka qofka markuu qabto horay ayuu ka dhacaa  laakiin aniga waxaan arki jiray iftiin sida nal ka dib waan soo carari jiray ilaa sariirta ka dib ayaa iftiinki waxaa isoo dhex gali jiray suurad qof biniaadam oo kale markaas ayaan suuxi jiray, dhaqtarka waxuu ii qoray kiniinka qalalka intan kiniinka cunaayo maan suuxi jirin, almuhim somalia waan ka soo tagay qurbaha ayaan imid cudurki waxaa igu danbaysay anoo africa mudo 7 sano iskuma arag oo maan suuxin laakiin mar mar waxaan dareemaa iftiinki aan arki jiray,marka waxaa iga jaahil bixisaan arintaan i haysato. Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Iga jaahil bixiya cudur aan garan waayay?
« Reply #1 on: April 02, 2015, 04:40:00 PM »
Qallalku wuu noocyo badan yahay, waxaa jiro nooc aan la dareemaynin in qofka uu qallal hayo, waxaa jiro nooc jirka meelo ka mid ah ay dubaaxinayso sida afka geesihiisa, isha korkeeda ama baalasheeda ma murqaha addimaha, waxaa jiro nooc xubin jirka ka mid ah ya jarreynayso kaliya, waxaa jiro nooc qofka uu neefsiga dhibaayo una badan xilliga uu jiifo qofka, waxaa jiro nooc jirka uu dhan ruxanayo waxaa jiro nooc qofka la dhacayo, marka qofka markii qallal laga helo nooca uu yahay waa inuu ka ogaado dhakhtarka.

Dhakhaatiirta waxay u kala qaybiyaan:
1- simple seizure
2- partial seizure
3- complex seizure
4- generalized seizure

Magacyo kale oo loo yaqaano xittaa way jiraan, marka haddii aadan suuxaynin oo istaagga aadan ka faniinaynin, macnaheeda ma ahan qallal ma qabtid.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Qallalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9438
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 17918
Last post May 20, 2012, 01:27:19 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7293
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8547
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc
Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 3
Views: 56216
Last post June 30, 2018, 08:20:49 AM
by Abdikadir abdi jama