Author Topic: Su'aal: Waa maxay Inflammation?  (Read 6212 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Siciid Isse

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay Inflammation?
« on: March 25, 2015, 10:52:36 PM »
Asc Wr Wb Salaan Kabacdi waxaan rabaa inaan Dhakhaatiirta Wayddiiyo Su'aal

Su'aasheydu waxaay u dhaceysaa sidan Waa maxay  Inflammation , Sidee Ayuu udhacaa ( Machanism )  , maleeyahay noocyo ?

In physiology MAhadsanidiiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Inflammation?
« Reply #1 on: March 30, 2015, 02:20:09 PM »
Inflammation waa xaalad jirka qeyb ka mid ah ay lurto ama balbasho, wuuna ka duwan yahay caabuqa ama infekshanka.
Tusaale ahaan haddii meel jirkaaga ka mid ah, la dharbaaxo way soo barartaa, wayna kululaataa, midabkeedane wuu is badalaa, wayna daqnataa, taasi waa Inflammation.
Laakiin haddii meeshaan kasoo bax ka soo baxo oo dheecaan gashato waa Infection.

Iflammation-ka jirka gudihiisa wuu ka dhici karaa, sida kalagoysyada oo kale iyo meel kastaba, daaweyntiisuna way ka duwan tahay daaweynta caabuqa.

Waxaa loo kala qaybin karaa Inflammation degdeg ah sida tusaalaha kor ka muuqdo ama mid raago sida xanuuanda riixa, roomaatisamka iyo wixii la mid ah.

Haddii aad u baahan tahay warbixin intaa dheer oo ku saabsan qaabka uu u dhaco oo physiology ahaan, waxaan kugula talinayaa in bugaagta ka akhrisato, haddii ay jiraan meelo gooni ah aad fahmi la'dahay waan kuu sii waadixin karnaa.

Su'aalaha la xiriiro aqoonta caafimaadka ee ardayda u baahan yihiin in logoa faaideeyo waxaa lagu soo gudbiyaa qeybtaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,8.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67713
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70901
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63743
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48312
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46444
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc