Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?  (Read 7090 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sagal12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« on: March 31, 2015, 09:22:38 AM »
Asc wan idin salaamay meelkasta aad joogtan sida wanagsan aad wax nogu qabateen suasheyda waxe tahay waxan isku arkay xabeeb markaa uurka yeeshay kadib dhaqtar ayaan aday qalabka nagaha marke uurka leeyihiin calosha laga saaro ayee iga sareen kadib waxe igu dhahen waxyar calamad ayan aragnaa lakiin dheecan ayee dhuunta kaqadeen side igu yirahdeen wax qatar ah mahan ha walwalin marka ma iisharixi kartiin hadii aqoon uledihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« Reply #1 on: April 02, 2015, 04:57:51 PM »
Xabeebta waxay ka mid tahay waxyaabaha sida dabiiciga u yimaado xilliga uurka, maadaama isbadal jirka ku dhacayo, hormoonno badan la soo deyniyo, jirka wuu barararaa oo cabbirkii lagu yaqiinay wuu iska badalaa meelaha bararo waxaa ka mid ah, bocorta ama xubinta jirka u qaabilsan cod samaysanka, taasne waxay keentaa xabeeb.

Waxaa intaa sii dheer, xilliga uurka laabjeexa wuu siyaadaa isagane wuu keenaa xabeeb.

Waxyaabaha kale ee keena xabeebta uurkane aan xiriir la lahayn, halkaan ayaad ka akhrisan kartaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5327.0.html

Dheecaanka laga qaaday dhuunta waxaan filayaa inay la xiriirto qanjirka thyroid-ka oo isagane xabeebta keeno hadduu jirado ama cillad ku timaado.

Dheecaanka jawaabtiisa wixii ka soo baxo waad nala socodsiin kartaa, laakiin waxaan ku weydiiyay ma jiraa dhiig lagaa qaaday oo lagu ogaanayo shaqada qanjirka thyroid-ka mise ultrasound ayaa lagaa saaray iyo dheecaan laga qaaday kaliya.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Sagal12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« Reply #2 on: April 04, 2015, 10:18:54 PM »
Asc walal mahadsanidiin mida kale aniga waqtiga aan uurka lahaay waxa kaso waqti cunugeyga hada wuxu jira halsano iyo bar mida kale markaa cilada aan isku arkay ayan dhaqtarka laxariiray waxan ushegay waxan kadaremayo dhuunta kadib waxe iga qaden dhiig jawabtiisana waxba kameesan arkin side ishegen ka dib waxe iishektay dhaqtarada in ee iidireso ultrasound  marki Le sarayna waxe ishegen mesha inee wax ku arken dhuunta ayuu iga galiyay wax up igu shegay inetahay dhecaan inuu kaso qadayo jawabtada dhaqtaradaada ayan kugu sodiraa kadib ayadaa kula soxariireso dr waxan kuweydiinayaa hadu waxan yahay thyroid xaga dhasha ma iga hor istagi karaa madama hada cunugeyga wan nujiyaa wax dawo uurka leskaga ciliyana maqato cadadeydana wey qaldan tahay labo dii bilod Mar baa helaa xaga cadada wan kala xariiray dhaqtar waxena igu dhaheen waa naaska nuujintiisa ciladaas mahadsanidiin markaste sida nogu adegten ilahey haniiga abaal mariyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« Reply #3 on: April 07, 2015, 03:45:54 PM »
Qofkii lagu arko barar qanjirka thyroid-ka waa in marka hore scan la saaro si loo ogaado bararka ma labada qeyb ee qanjirkaa mise meel ka mid ah iyo bararka nooca uu eg yahay, waana in laga qaado dhiig lagu ogaanayo shaqada qanjirka inuu shaqaynayo, inuu howlgabay iyo inuu siyaado u shaqaynayo, haddii shaqada normal tahay, waxaa loo gudbaa wajiga labaad oo dheecaan ayaa laga qaadaa si loo ogaado bararka ma xanuun buro ah oo kansar miyaa keenay mise way iska bararan tahay.

Kadib haddii xanuun kansar laga waayo, waxaa la fiiriyaa in ay qofka dhib ku hayso sida inuu ceejis dareemaayo oo kale ama xididada dhuunta ay cadaadis saarayso ama wax liqidda qofka dhibayso markaas waa laga qalaa, haddii dhib wayn qofka ku haynin waa loo daayaa laakiin takhtarka ayuu joogto ula xiriiraa si loo ogaado wixii ku soo kordho.

Hadduu qanjirka shaqaynayo, uurka dhib uma keeno, laakiin hadduu howl gabo ama kacsan yahay uurka way saamaysaa.

Waxaan filayaa in aan kuu faahfaahiyay jawaabta aad doonaysay.

Midda labaad, waa caadi, naas nuujinta way keentaa caadada oo wareerto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Sagal12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« Reply #4 on: June 16, 2015, 06:59:22 PM »
Asc walaalayal aad iyo aad ayaa umahadsantihiin markaste  sidaa noga mahi tirteen sualahena ilahey ajar haniiga siiyo suasheyda waxe tahay thyroid-ka mahan aye igu dhaheen waxa dhuunta kahayo dhiigi lega qaday jawabtiisa waxe igu yirahden waxba maqabtit lakiin wax aan layabay aye iishegen  waxe tahay dhuunta waxa kahayo aye igu yirahden kalciam qeeb kamida daalki badnaa aad daremi jirtay waxas waye marka hada kahor aye iga heleen kalsiyon la.an waxeena iiqoren 6bilod dawo D fatamin ah marka dhamestayna dhiig kale aye iga qadeen waxena iishegen inu fiican yahay hada meeshi laga rabay garay  waxena dhaheen 3bil kadib ayan kaqadena dhiigkale inuu hos u dhacay iyo inkale marka waxa iga jahil bixisiin Dfitimin iyo dhuunta maxa xariir kadhaxen karo lakiin sidan uqatay dawada wey kayaratay dhuunta xabeebta inkasto eesan iga wada bixin xabeebta hadaa kor uqeeliyo oo kale riixraxyo ayan daremaa  mahadsanidiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xabeeb markaan uur yeeshay?
« Reply #5 on: June 17, 2015, 11:09:03 PM »
Dhuunta waxaa ku taallo qanjir daris la ah kan thyroid-ka oo loo yaqaanno "Parathyroid" howshiisa waa kontoroolidda maadada kaalsiyamka jirka, hadduu qanjirkaa kacsan yahay, wuxuu keenaa kaalsyam yari, astaamaha qofka uu dareemayane waxaa ka mid ah "Xabeeb", markuu qanjirka heerkiisa ku soo laabto oo kaalsiyamkane normal noqdo, xabeebta way tagtaa.
Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26013
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26718
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24992
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9990
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay nin dhalin yara ah Oo Ka Ganacsada iibinta Gaaska?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6158
Last post March 18, 2016, 12:05:20 PM
by SomaliDoc