Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Aad ayay u yartahay sariir qoynta da'da aad tilmaantay, waana dareemi karaa culeyska ay ku hayso qofka ka cabanayo.
Waxaan eebbe ugu rajaynayaa inuu ka joojiyo oo u soo celiyo kontoroolkiisa.

Midda xigta, ma jirto daawo kaadida qallajinayso ee waxaa jiro daawo kaadida dib dhigayso in la soo daayo iyadoo yaraynayso giijis-ka murqaha kaadi haysta, inkastoo daawooyinkaas ay leeyihiin waxyeello badan, takhaatiirtane kuma taliyaan in la joogteeyo.

Midda kale ee xigta waa kastuumo ama nigis ka samaysan cudbi oo ku rakiban qalab alarm leh oo qofka markuu kaadi billaabi rabo ayaa alarm-ka wuu shidmaa, qofkane wuu ka soo kacaa inta uusan isku kaadin, tani waxay takhaatiirtu sheegaan in qofka uu ku baranayo habeen soo kicista, iyo in markii kaadida qabato uu hurdada ka soo boodo isagoo la qabsaday qalabkii uu isticmaali jiray.

Waxaa kaloo jiro jimicsi lagu xoojinayo murqaha miskaha iyo kaadi haysta, si aysan si sahlan kaadida qofka iskugu shubin hadduu jiifo iyo hadduu soo jeedama.

Laakiin waxaa intaa ka horreeyo oo dhan in baaritaanno oo uu ku jiro qalabyada lagu baaro kaadi mareenka ama dareemada kaadida kontoroolo in la marsiiyo si loo ogaado haddii ay jirto cillada haba yaraatee ka qeyb qaadan karto dhibaatadaan.

Qofka sidaan oo kale dhowr takhaatiir inuu la xiriiro ayaa muhiim ah iyadoo meelo kala duwan ka eegayay bukaanka, takhtarka xagga neefaha "Neurologist", Takhtar ku taqassusay kaadi mareenka "Urologist", Takhtar ku taqasusay cilmo-nafsiga "Psychologist" iyo haddii iyagaba ay kugu la taliyaan takhaatiir kalaba.

Laakiin waxaan kugu boorin lahaa in aad dadaalka aad wadid ee soo kicinta joogtada ah, cabitaanka biyaha oo la yareeyo habeenkii, iyo isagoo kaadiya xilliga ugu dambeeyo oo uu jiifanayo aad sii wadid, waa arrin ka qeyb qaadan doonto xalka cilladaan.

Shucayb:
Waad mahadsantahay dre  aad baad u mahadsantahay  insha allah wixi karankayga ah waan u samaynaya dr. sadexdaas dhakhtar ee aad igula talisayna  sadexdaba waan marinaya mid walba gaarkiisa insha allah   
Talooyinkaagu  muhim bay ii yihin markasta    waad mahadsantihin
runtii waxad haysaan shaqo aad u muhiim ah waxaanan idinkula talin laha si xoojinta hawshani 

Mar labad iyo mar sadexaadba  waad mahadsantihiin  dr.
Asc wr wb  garabkina alle hagalo

THANKS!!!!!!!!

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version