Author Topic: Su'aal: Daawada gaaska waan ku sii xanuunsadaa?  (Read 5285 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ifrahabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawada gaaska waan ku sii xanuunsadaa?
« on: April 02, 2015, 11:49:10 AM »
Asalaamu calaykum walaal wax  aan rabaa in la iiga jawaabo suaal aan ku  arkay sitekan oo ah gastarik markaa calaamadahii aad soo sheegteen walaalayaa dhamaan waan leeyahay laakiin hal dhibaato ayaa ihaysata marka aan dhakhatar u tago una sheego in gaas i hayaso wax la ii qoraa daawo hadaba marka aan qaato daawo ku saabsan gaas am wax yaalaha dabiiciga ah ee lagu dajiyo gaaska sida in caanaha daasadah la cabo dhamaan tood gaaska waa ay igu kordhiyaan iskaba daa in ay wax ii taraane mida kale marka ay iqabato inyar oo gaajo ah waan gariirayaa wax aanan noqonayaa qof awoodii oo dhan laga qaaday markaa maxaa igula talin lahayadeen daawo gaas loo cuno haba yaraatee ma isticmaalo kaliya wax iigu roon ee aan isticmaalaa waa in aan  iska ilaaliyo in aan gaajoodo had iyo jeeran wax aan cunaa cunto isku dhawaw oo fudud cuntadan maaha mid gaara ah ee waa waxii kolba aan helo daawo  gaas loo qaatan ma cuni karo waayo marka aan cuno wax ay aad iyo aad iigu sii kordhisaa  gaaska
aad iyo aad baan idiinku mahad celinayaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawada gaaska waan ku sii xanuunsadaa?
« Reply #1 on: April 02, 2015, 05:05:08 PM »
Waxaa dhici karto in gaaskaaga uu sameeyay boog calooleed haddii aad gariirayso markay gaajo ku qabato.

Dadka gaaska noocaan u wehliyo welwelka ama stress-ka ama laab-la-kaca, daawada gaaska kaliya waxba uma tarto waa in loogu daraa daawooyin dajiya welwelka.

Inta aan arkay dadka daawada gaaska aysan waxba ka tarin waa dad cilladoodu aysan gaas kaliya ahayn.

Waxaa kaloo dhici karo haddii aad leedahay bakteeriyada loo yaqaanno "H.pylori" oo keento boogaha caloosha, waxaad u baahan tahay daawo loogu talagalay oo lagu cirib tirayo bakteeriyadaa in aad qaadato oo daawo gaas kaliya iyadane wax ma tarto.

Waxaan kugula talin lahaa haddii aad joogtid meel laga helayo qalabka "Endoscopy-ga" in lagugu sameeyo, waa qalab lagu ogaado boogaha caloosha ee gaaska uu keeno.

Nabarro haddii ay jiraane waa in cad laga qaado oo la baaro, waxyaabo badan ayaa gaas u eg, laakiin ka duwan.

Midda ugu dambeyso, waxaan kugula talin lahaa in aad xameetada iska fiiriso oo qalabka ultrasound-ka lagaa saaro, maxaa yeelay badanaa calaamadaha caabuqa xameetada ama dhagaxa xameetada, waxay u eg yihiin calaamadaha gaaska oo kale, daawadiisane waxba kama tarto qofka.

Fadlan adigoo talooyinkaan maskaxda ku hayo la xiriir takhtar.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?

Started by ShucaybBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13473
Last post June 05, 2015, 07:25:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?

Started by QofcilmijecelBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 12993
Last post September 14, 2017, 05:06:20 PM
by drmire
Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12241
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 26641
Last post November 20, 2018, 03:32:30 PM
by SomaliDoc
Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin.. (WARBIXIN)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 34880
Last post April 21, 2011, 08:48:49 AM
by Drkheyre