Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qof qeylinaya oo aan seexanayn?

(1/1)

Camaar123:
Asc dhamaan waxan salaamayaa bahda somali medical iyo dhaman takhtarada ka hawl gala...salaan kadib waxan idin weydiinaya qof xanuusanaya oo madaxa tayfoodh kaga dhacay oo qaylinaya mar qudha an aamusayn oo an se xanayn oo leh waa la isixray oo an wax cunayn wax na cabayn hoyadedna ku leh imaadan dhalin oo rag ka dhex hadlayo gabadhaas xanuunkeeda iyo wixii talo ah no shega........wbtf

SomaliDoc:
Fadlan halkaan ka akhriso xanuunka tayfoodh-ka waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,548.0.html

Typhoid madaxa intuu galo, calaamadaha aad tilmaamaysid ma keeno, laakiin malaariyada way keentaa.
Marka hore, qofka quraan hala saaro, way dhici kartaa in ay jinniyo tahay, kadibne la xiriira takhtar-ka dhinaca maskaxda ah khaas ahaan hadduu qofka muddo xanuunsanaa.
Caafimaad baan u rajaynayaa

Navigation

[0] Message Index

Go to full version