Marka hore waxaan ku faraxsanahay sida aad ugu kuur gashay fahmidda dhaqanka cunuggaaga, hooyooyin badan way ku adagtahay arintaan in ay fahmaan cillada heysato cunuggooda iyo waxyaabaha u gaarka ah ee uu kaga duwan yahay faciisa, kama hadlayo hadalka kaliya.
Xanuunada la xiriira cilldaha dhaqanka ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo "behavioural disorders" ma ahaan jirin cillado bulshada soomaalida aqoon dheer u leedahay ama aamisan tahayba, laakiin dhawaanahaan waxaa soo batay caruur badan oo waalidiintood ku qasbanaatay in ay geeyaan iskuullo khaas u ah caruurta u baahan daryeelka goonida.
Sababta cilladahaan ku badiyay illaa iyo hadda lama oga, inkastoo ay jiraan dad sheego waxyaabo badan sida tallaalka caruurta, cimillida iyo dhaqamada kala duwan ay ku dhashaan ama ku koraan, in soomaalida hidda socodkoodu u nugul yahay xanuunadaan, haddii wixii kicin lahaa ay jiraan sida tallaalka, daawooyinka iyo waxyaabo kalaba.
Way fiicnaan lahayd dad soomaali ah oo xiiseeyo diraasaynta cilladahaan inuu is barbar dhigo caruurta dibadda ku dhalata iyo kuwa gudaha ku dhasho, iyo haddii ay tahayba cillad jirta laakiin maadaama aanan aqoon buuxda loo lahayn aysan waalidiinta iyo takhaatiirta wadanka soomaaliya ka howlgasha aysan ku baraarugin ama u saariyaan cillado kale.
Waxa garashada xanuunada dhaqanka adkeeyo waxaa ka mid ah in astaamaha lagu garto ay ku kala duwan yihiin caruurta, qasab ma ahan in laga wada helo astaamahaas si loo dhaho: xanuunkaas ayuu qabaa, sidaa darteed takhtarka wuu kaga shakin karaa ilaa uu waqti fiican u helo cunugga oo uu la sheekaysto ama u fiirsado isagoo la dhaqmayo qof kale, maxaa yeelay ma ahan xanuun waraysi waalid wax lagu ogaan karo, ma ahan cillad baaritaan lagu hubin karo ee waa u fiirsasho iyo la-dhaqan wax lagu ogaado, waana sababta aan kuu leeyahay in aad u fiirsatid cunugaaga oo aad takhtarka warbixintaa la wadaagtid wax wayn bay ka qaadataa in xal la gaaro.
Astaamaha aad tilmaantay oo ah hadal-ka oo soo daahay, maahsanaanta ama la socosho la'aanta hadalka kaliya laguma ogaan karo cudurka autism-ka.
Fadlan halkaan ka akhriso waxa uu yahay Dhakaake ama Autism-ka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1052.0.htmlQoraalka astaamaha uu tilmaamayo oo dhan in laga helo ma ahan cunugga si loo dhaho, wuu qabaa cilladaan, qasabne ma ahan in laga wada waayo.
Laakiin waxaan kuu sheegayaa, cilladahaan heerar ayay kala leeyihiin, caruurta qaar way ka koraan oo isbadal ayaa ku yimaado, qaarne wuu ku daahaa, welwelka ugu weyn ee waalidka qabsado waa waxbaris la'aanta.
Waxaan kugula talin lahaa adiga iyo hooyooyinka heesto caruurta noocaan oo kale, in aysan niyad jab muujinin, in ay ogaadaan in ay jiraan dad mustaqbal weyn gaaray oo lagu tiriyo maanta aqoonyahannada caalamka wax ku soo kordhiyay in ay ahaayeen sidaan oo kale oo xittaa iskuullada laga bixiyay iyagoo la yiri waa doqomo, laakiin markii ay gaareen da' gooni ah ayay la soo baxeen maskax lala yaabay.
Ha is dhihin, cunugaaga wuu ku yasayaa hadduusan warkaaga la socon ama uu ku mashquulsan yahay wax kale adigoo la hadlayo, ha is dhihin waa rabshoole hadduu dagaalkiisa badan yahay, ha is dhihin wuu dhaga adag yahay haddii howshii aad u dirtay uu hilmaamo, ha is dhihin waa dhiblow haddii uu salka dhulka muddo ku hayn karin oo fudfudud yahay oo dhaqaaqiisa uu siyaado yahay, inta waa astaamo cillado dhaqanka la xiriira.
Waxaa jiro dhowr cilladooda dhaqameed oo aan dhakaakaha ahayn, waxaa ka mid ah cillad la yiraahdo "qalqaalinnimada iyo fudeedka caruurta" oo afka qalaad loo soo gaabiyo "ADHD", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.htmlHaddii ay jiraan warbixinno dheeraad ah aad u baahan tahay ama aad nagu soo biirinaysid waan soo dahwaynaynaa, haddii aad su'aal ka qabtid qoraallada aan kuu tilmaannay waad na soo weydiin kartaa si aan kuugu faahfaahinno.
Caafimaad ayaan u rajaynayaa caruurta xanuunsan oo idil.