Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi badan?
(1/1)
Shaakir999:
Asalamu calaykum marka hore
waxan qabaa su'aal ah
waxaan isku arkay kaadi badnaan,weliba markaan cabo ,shaaha ama biyaha,aanan badsan sida caadiga ah u cabo,2 bekeeri ama hal bekeri o shaaha , ah ,iyo hal koob o biyo ah,kaadi midabkedu yahay cadaan,imana xanuujiso si caadi ah ayey iiga soo baxaysa
SomaliDoc:
Kaadi badnaanshaha waxyaabo badan ayaa keeni karo, haddii aad aamisan tahay in aysan xiriir la lahayn cimillada oo is badalay sida qabow ama xilli roobeed la galay, cabitaankaaga oo batay, ama aadan qaadatay cunno ama daawo kaadida badinayso, waa in aad iska baartaa sonkor / kaadi macaanka ama infekshan-ka kaadida, haddii da'daaduna ka wayn tahay 45 sano waa inaad iska baartaa bararka qanjirka borostaatada, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7542.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version