Author Topic: Su'aal: waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa?  (Read 4772 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nimcooy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa?
« on: April 12, 2015, 11:54:42 PM »
asc Dr ka wad kumahadsantahy sida wanaagsan eed noogu faaiidaysid marwalaba walaalo suaal ayaan kuwaydiin lahaa wa xanuun in mudo ahba aan ku la dhibanahy waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa mudo gaadhaysa 3 sano lkn sandkan udanbeeya waxaan dareemayaa xanuun joogto mar marna isku dhadhaw waxan dareemayaa xanuun sidiin in ay meel islisayso ama meel istaabanayso oo kale siiba markan fadhiyo ama socdo waxay ubadantahay markaan cunto cuno waxan daremaya o kale hadan wax culus qaado oon foorarsado waxan dareemaya in laba shay is kormaryaan o kale




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: waxa i xanuunta naaska bidix hoostiisa?
« Reply #1 on: April 16, 2015, 09:58:00 AM »
Naaska bidix hoostiisa waxaa ku aadan wadnaha, astaamaha aad dareemayso in ay wax is taabanayaan ama is dul fuulayaan markaa fooraarsatid ama dhaqdhaqaaq samasysid waxaa lagu ogaan karaa in feeraha lagaa saaro raajo iyo in wadnaha laga fiiriyo hadduu barar ku jiro taasoo keensan karto in xadkiisa uu ka baxo.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad takhtarka u sheegtid haddii ay jiraan calaamado kale oo la xiriiri karo wadnaha ama sambabada sida neefsashada oo ku dhibto, qufac, daal iyo tabar darri, xiiq iyo neef-qaad markaa howl samaysid.

Midda kale ee aad ka dhawaajisay oo ah in aad dareemaysid markaa cunto cuntid iyadane waxaa keeni kara eerno ga sho caloosha iyo jidiinka oo gudaha feeraha u soo riixdo markuu qofka cuno, calaamadaha aa dareentayne waa la dareemi karaa inkastoo ay la socdaan laabjeex badan iyo bog xanuun, halkaan ka akhriso waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html

Laakiin intaa waxaa ka horreeya oo idil adigoo takthar la xiriiro si baaris guud laguugu sameeyo, sadax sano way badan tahay haddii aadan takhtar la xiriirin.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniintayda midig way ka yar tahay xiniintayda bidix?

Started by Muwadin_QaranBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7455
Last post November 16, 2018, 01:43:21 PM
by Sadaq10
Su'aal: Waxa soomaalida ay u taqaan "Ilkow"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8399
Last post January 16, 2019, 01:53:17 PM
by SomaliDoc
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291856
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxa idhabay finanka wajiga anigon waxba marin wajiga?

Started by XaliimoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15781
Last post February 10, 2016, 03:35:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay xiniyo xanuun gaar ahaan tan bidix?

Started by GalooldahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7054
Last post October 27, 2016, 03:28:30 PM
by SomaliDoc