Author Topic: Su'aal: Qadaadka ayaa i xanuuna wuuna is lisaa?  (Read 5221 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Qadaadka ayaa i xanuuna wuuna is lisaa?
« on: April 14, 2015, 12:55:38 PM »
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan diktoorada sharafta iyo maamuuska u saaxiibka ah ee www.somalidoc.com ka hawlgala iyo asaxaabta aanu webka ku wada taxanahay.

intaa ka bacdi waxaan dhakhtarka waydiin lahaa;
walal waxa i xanuuna qadaadka, ""luqunta xageeda dambe ee timuhu luqunta kasoo galaan""
markastana waxaan rabaaa in aan daliigo oo gacanta ku tuutuujiyo.
Inta badana marka halkaasi i xanuunto madaxa oo dhan ayaa i xanuuna.

markii ugu horaysayna waxaan u tuhunsanahay inay igaga dhacday (hawo kolba-aariya). oo berigii ay bilowga ahayd feeraha (ribs) ayaa i xanuuni jiray oo marba dhinac ayuu xanuunku u guur guurijiray waxaana dareemi jiray xumad badan iyo dhidid aan xad lahayn waana wareeri jiray some times.

calaakuli xaal walal xanuunkii halkaa surka ugu saraysa ayuu fadhiistay oo aad ii xanuuni jirtay, beryahan ugu dambeeyayna waxaan dareemaa sanqadh "shanqar" aan maqlo markaan meel deggan joogo oo aan ka dhex baxo samxada gawaadhida iyo dadka.

sanqadhuna waxay u baxaysaa ama ay u eegtay markaad sacabadaada ama calaacalaha oo qalalan is is marmarisid sanqadha ay sameeyaan.

sanqadhaasina waxay ka baxaysaa halka i xanuunaysa ee qadaadka.

waad mahadsan tihiin wll


Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qadaadka ayaa i xanuuna wuuna is lisaa?
« Reply #1 on: April 16, 2015, 10:26:37 AM »
Haddii cilladaan aad dareemaysid ay tahay mid kugu raagtay oo aana wadin astaamo kale sida qandho, caajis murqaha guud ama dhibaato kale oo jirka meel kale kaa haysato, waxaa dhici karta lafdhabarta surka in ay cillad ka jirto.

waxaana la dareemaa astaamaha aad dareemaysid oo ah in murqaha ay ku togtogmaan oo aad jeceshahay mar kasta in laguu daliigo ama laguu tuutuujiyo, iyo in ay shanqar ka maqlaysid ama marmarka qaar dhinac fiirinta ay kugu daqnanayso ama u bogaysid.

Waa xanuun u baahan in la hubiyo jiritaankisia iyadoo surka lagaa saaro scan ama raajo si loo ogaado haddii lafaha surka ay fiiq yeesheen taasoo xagatin u geysay kara neerfaha siiyo dareenka iyo giigsanaanta murqaha qadaadka.

Daliigista iyo jucjuinta way kaga sii dari kartaa ee iska hubi in aysan cillad ka jirin dhinaca lafaha surka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: