Author Topic: Su'aal: Asmada iyo dhabar xanuunka xiriir ma yeelan karaan?  (Read 6002 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Asmada iyo dhabar xanuunka xiriir ma yeelan karaan?
« on: April 15, 2015, 09:12:11 AM »
Digtoore salaan qaali ah kadib waxa igu dhacay mudo lafdhabarka oo i xanuunta dhaqtar ayaan la xiriiray waxa la igu dhahay waxa qabtaa asmo kadib baaritaano kale waxa la iga helay TB mudadii aan qaadanayay dawada TB da lafdhabar xanuunkii waan ka wanaagsanaaday xitaa hadii aanan qaadan daawada asmada oo umaba baahnaan jirin caabuqii iyo garbaha dhabarka dhexdooda i xanuuni jiray wuu iga haray 4 bil markii eey ka soo wareeegtay waxan isku arkay dhabar xanuunkii iyo sidii aan ahaan jiray markii aan TB da la iga daweeyn hadaanan qaadan dawada asmada waxan dareemaa xanuun laf dhabarka garbaha dhexdooda ah 6 bil ayaana qaatay dawada TB da dawada asmada aan u qaato waa bahal la dhuuqayo oo baroon ah midabkeeda maxa igula talin lahayd waxan is dhahaa TB dii ayaan weli sifiican u dhamaan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Asmada iyo dhabar xanuunka xiriir ma yeelan karaan?
« Reply #1 on: April 16, 2015, 10:50:37 AM »
Neefta ama xiiqda xiriir lama lahan dhaawac ay ku samayso lafdhabarta ama xanuun mudadaas ku hayn kara.
Xiiqda waa xanuun sida allerjiga oo kale wuxuuna ku dhacaa hawo mareenada sanbabka, daawadiisane waxaa ka mid ah daawada aad dhuuqdid.
Waa cudur raaga oo qofka kama baxo badanaa, daawadiisane markii ay ku qabato ayaa la qaataa.
Wixii intaa dheer oo warbixin ku saabsan xiiqda halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html

Tiibishada way ku dhici kartaa meel walba waxaana keeno jeermis ilma-aragto ah oo saameyn kara sanbabada, lafdhabarta iyo meel kasta oo jirka ka mid ah, qofka markii laga daaweynayo waa in la hubaa maadaama daawada ay muddo qaadanayso, waxyeelo kalane qofka gaarsiin karto.

Haddii xanuunkii tiibishada aad u qaadatay uu ahaa mid sax ah, muddadii loogu talagalayne aad dhamasatay, baaristii ugu dambaysayne takhtarka ku fasaxay oo ku yiri waad raysatay, u malayn maayo in su'aasha ah amaysan tiibiida iga bixin in ay meesha imaanayso.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Tiibishada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html

Taladayda waa in aad ku laabataa takhtarkaaga ama u tagtaa takhtar kale si aad u ogaatid waxa dhabarka kaa haayo waxa ay noqon karaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16771
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14359
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33591
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39973
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87206
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!