Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno kolba aaryo ama oof / oodin?  (Read 102321 times)

0 Members and 8 Guests are viewing this topic.

Offline Umu Munazal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeno kolba aaryo ama oof / oodin?
« on: April 15, 2015, 08:12:20 PM »
Asc, waxaan ahay Hooyo aad u xanuuno dhinac marka ay neefsaneyso markIi igu horeysay waxay ahed anoo uru leh waxana isleyahay waxaa kUgu kenay wadanka oo ad u qaboba ana tabardari I heyso awged jakada xerin qeybteda feraha. Markoo sa I'd I xannu oo an dhaqtarka tago waxa leyga hela infekshIn dhiiga aha. Waxaa hal mar la iii siyay antibiyotik kadib wan ficnaday. Hada xanuunki ima deyn waxa uu I qabtasitartiib ah. Dhaqtarkeyga marka ku dhaho waa aryo ima fahmo.




Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeno kolba aaryo ama oof / oodin?
« Reply #1 on: April 16, 2015, 07:57:36 AM »
walal aniga laf ahaantayda dhibtaasi way i haysataa waxana iigu horaysay 2001 anigoo yar ayaan maalin meel dukaan ah debeda uga baxay anigoo dhididsan, waxaana is taagay meel laydh qabow ka dhacayso, isla markiiba waxaan dareemay xumad iyo nabar sida oofka oo kale ah oo laakiin ka xumad badan kana dhidid badan oo warwareegaya oo saacadba dhinac uga wareegaya feedhaha.

waxaan u tegay dhakhtar wuu i baadhay wuxuu yidhi oof kuma hayee Esr-kaaga ayaa waxyar kacsane anti-biotics-kaa qaado.
waan qaatay waan ku raystay mudo yar ka bacdi sidii uun buu xanuunkii iigusoo noqday.

dhakhtarkastaana wuxuu odhanayaa kool-ba-aariya wax la dhahaa ma jirto.
dhakhtarka ugu sahlan ee i ixtiraamaa wuu ka aamusaa markaan koolba-aariyadaa kusoo hadal qaado wuuna ignore-gareeyaa.

markii dambe waxaaan go'aansaday in aan dhakhtaradaba iska daayo maadaama oo aanay waxan fahmayninba oo qaarkood igu yidhaahdeen jidhkeenu malaha meel dabayshu ka gasho iwm.

iminka waxaan iska isticmaalaa xumad jebin markasta oo aan adkaysan waayo, xanuunkiina iminka wuxuu ku wareegay madaxa oo xitaa marka aan anigoo dhididsan laydha u baxo inta madaxu aad ii xanuuno ayaan wareerayaa oo sidiii wax sakhraansan ayaan u ciir ciirayaa.
haddaba dhakhtarada waxaan ka codsanayaa xanuunkan inay baadhaan oo aanay oof ama aydhin uun ku qansaraasine bal ay ogaadaan xanuunkan asalkiisa iyo waxa uu yahay iyo weliba saamayntiisa jidhka uu ku yeesho.

walal jawaabta waan kula sugayaa.....

F. G.
hadda markaan baadho ee aan shaybaadhkasta tago "ESR-kayga saamayn kuma yeelato oo waa normalkiisii.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno kolba aaryo ama oof / oodin?
« Reply #2 on: April 16, 2015, 11:12:39 AM »


Xanuunka aad tilmaantay wuxuu u jiraa sida aad u dareentay laakiin ma ahan hawo feeraha gashay oo ku dhex meeraysanayso inkastoo sida qofka u dareemayo ay sidaas u eg tahay.

Koolba-aaryo sida soomaalida qaar ay u taqaano asakiisu waa af-talyaani markii la tarjumane waxay noqonaysaa "hawa qabow", wuxuuna marka ugu horeeyo ku bilawdaa qaab infekshan ah, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa "Pleurisy" wuxuuna asiibaa xuubka ama dahaarka ku harayraysan sanbabka ee loo yaqaanno "Pleura" wuuna ka duwan yahay cudurka oofwareenka ama niyuumooniyada oo iyadu sambabka ku dhaco.

"Pleurisy" waa caabuq ku dhaca xuubka sambabka oo ah laba dahaar oo aad u khafiif ah sida sawirka hoose ka muuqdo, xanuuno badan ayaa saameyn kara xuubabkaas oo ay ka mid tahay tiibishada, markaasne waxaa galo biyo inta u dhaxeysa labada xuub, waana laga miiraa markuu badan yahay..



Maxaa keeno xanuunkaan?
Tusaale ahaan, qofka markay dabeel qabow ku dhacdo waxaa hura xuubka ku dahaaran sambabka, taasina waxay danqisaa neerfaha dahaarka "Nerve irritation", isagaa keeno xanuun qofka naqaska ku dhagayo khaas ahaan markuu qufaco ama neef jiido ama hindhiso ama dhaqdhaqaaq sameeyo, xanuunka markuu cusub yahay ayaa ugu daran, waqtiyadaas wuxuu badanaa wataa qufac iyo qandho, laakiin qofka markii la siiyo daawo qallajiyayaal ah, qufaca iyo qandhada wuu ka roonaadaa, laakiin xanuunka ayaa ku hari kara in muddo ah. badanaa xanuunkaan marka ugu horayso wuxuu soo boodaa habeenkii.

[bSababta loo dareemayo maxay tahay?[/b]
Qofka markuu neefsanayo, sambabada way kala baxaan, wuxaana markaa is taabanayo ama is xoqoyo dahaarkii ku hareereesnaa sambabada qofkane wuxuu dareemaa xanuun siyaado ah oo qofku la neefsan karin maadaama dahaarka sambabka uu leeyaha dareensidayaal aad u badan, mararka qaar isxoqaas wuxuu sameeyaa cod uu maqli karo dhakhtarka dhagaysanayo codka neefsashadaada, waxaana codkaas loo yaqaanaa "Pleural rub". hadduu xanuunka sii socdo daawo la'aan, dadka qaarkiis waxaa dheecaan ku samayma labada xuub dhexdooda, waxaana mararka qaar lagu arkaa raajada in biyo yar ay ku jiraan dhinaac sambabka ka mid ah.

Sidee loola tacaalaa xanuunknaa?
Xanuunka marka ugu horreysa uu qofka dareemo aad buu u daran yahay, wuxuuna qofka u baahan yahay xanuun baa'biye ka dajiya xanuunka iyo antibiotic tayo leh muddo toddobaad ah, waxaa loogu dari karaa mararka qaar daawooyin kale sida Vitamin B12, mararka qaarne "Steroids" oo muddo kooban. Qofkane wuu ka raystaa qufaca, qandhada iyo dhaqaska inkastoo dadka qaarkood dareenka xanuunka uu ku haro, laakiin ma ahan xanuun daran oo dadka badankood uma raadsadaan dhakhtar maadaama ay dareemaan muddo gaaban, kadibne markuu xanuunka ka fuqo, noloshooda ayay sii wataan.

Haddii marka ugu horayso aan si sax ah loo daawaynin xanuunkaan, caabuqii xuubka sambabka gaaray wuxuu reebaa dhaawac danqin kara neerfaha, waxaana la dareemaa xanuunkaas xaalado gooni ah khaasatan markuu qofka howl culus ama shaqo ku qabto meel dabayl leh, sidaa darteed dhalinyaradu waxay isku arkaan markay banooni ciyaarayaan, haweenkane markay dharka ku dhaqaan daashka ama barsadda guriga. Sidaa darteed haddii aad ku dhidid meel dhaxan ah xanuunkii hore ayaa kugu soo kici kara, marba meel ayaana xanuunka ka dareemi kartaa waana astaan lagu yaqaano xanuunada neerfaha oo guurguura laakiin muddo kooban ayuu qofka haayaa oo ka yar sidii hore. Wuxuu kaloo xanuunkaan soo kici karaa ama dareemi kartaa markuu hargab cusub kugu dhaco.

Xanuunka markuu qofka ku raago sidaan oo kale, qallajiyayaasha wax ma taraan, way jiraan dad badan oo ku fiicnaadaa daawooyinka qaar sida daawada Vitamin B12-ka, waxyaabaha kale oo wax la iskaga garto waa isku duugista saliida xabad sowdada oo qandac ah habeenkii, waxaa kaloo waxtar lagu arkaa isticmaalka basbaaska iyadoo cunnada lagu darsanayo. dadka qaarne waxaa loo sameeyaa "chest physiotherapy" oo ah jimicsi sambabada loogu tala galay.

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?
Waxaa muhiim ah inta aadan is dhihin xanuunkaan waad qabtaa in aad hubisid xanuuno kale oo badan oo u ekaan karo sida oofwareenta, qaaxada, wadna qabadka, gaastirikada iyo kuwa kalaba.

Badanaa qofka xanuunkaan ka cabanayo, baaritaannada waxba laguma arko sida dhiigga iyo raajada oo kale, tan ayaa keenta in bukaanka iyo dhakhtarka isku wareeraan, khaas ahaan markuu qofka aaminsan yahay in hawo feeraha uga jirto oo ku dhex meeraysanayso, dhakhtarkane uu ku adkaysto in qofka waxne uusan qabin, hawane aysan jirka gelin.!

Waxyaabaha kugu kicin kara xanuunka:
1- Iska ilaali in aad hawo qabow isku dhigtid adigoo dhididsan ama dhar khafiif ah xiran.
2- Roob ha u bixin haddii uu dabayl wato.
3- Darbi qabow ah ha ku tiirsanin adigoo feero qaawan ama dhar khafiif ah xiran.
4- Adigoo kulul ha isku dhigin mukayyaf ama marwaxad.
5- Haddii aad qubaysatid is qallaji inta aadan banaanka u soo bixin.
6- Adigoo dhididsan gaari dhakada haka fuulin, dabaysha daaqaddane ha isku dhigin.
7- Adigoo dhar khafiif ah wata, howl culus ha ku qabanin dibadda guriga sida ciyaarta banooniga, dhaqidda dharka IWM.
8- Marka ugu horreyso aa dareentid xanuunkaan la xiriir dhakhtar si uusan xanuunka kuugu daahin.

Ogow xanuunka markuu aad kuu hayo, qoorta iyo garbaha way kula xanuuni karaan.

Fadlan halkaan ka akhriso xanuunada lagu qaldo Koolba-aaryada:

Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeno kolba aaryo ama oof / oodin?
« Reply #3 on: April 18, 2015, 07:01:05 AM »
Dr waad mahadsan tahay walal.
weligay hadeer uun baan helay jawaabtii iyo sharaxaadii aan mudada dheer raadinayay ee koolba-aariyada ku saabsanayd.

dr mar labaad waan kaaga mahadcelinayaa sida fiican ee cilmiyaysan ee aad noogu sharaxday koolba aariyada iyo sida ay dadka u qabato, xaqiiqdiina astaamahaa aad sheegtay oo dhan waan ku arkay.

mida kale waxaad aniga shikhsi ahaan iga jaahil saartay xanuun aan madaxa ka dareemo oo aan moodayay in kolba aariyadu sababtay isna waad ii sheegtay in aanay kolba-ariya madaxa u wareegin.


mar sadexaad mahadsanid my dear dictor


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55882
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106887
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57901
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62227
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28939
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc