Author Topic: Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!  (Read 41544 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Bismillah.

Sixirka, Jinniga iyo Isha intaba waa xanuuno jiro oo xaqiiqo ah oo diinteenna noo sheegtay.

Rasuulkeenane naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee wuxuu noo sheegay quraanka iyo ducooyinka in lagaga hortagi karo laguna daaweyn karo dhibaatooyinkaan.

Laakiin sababta igu kalliftay in aan qoraalkaan qoro ayaa waxa ay tahay wacyi galin ku aadan xanuunada maskaxda ku dhaca oo astaan ahaan u eg xanuunada jinniga, sixirka iyo isha laakiin aanan shaqo ku lahayn oo daawooyin laga qaato, dad badane ay isku qaldaan taasoo keensanaysa in qofkii uu xanuunkii la iil darnaado muddo badan iyadoo daawadii ay taallo.

Waxa jira dhowr dhacdo oo isoo martay oo aan aad uga xumaaday oo ku saabsanayd in dad qaba xanuunnada maskaxda ku dhaca muddo dhowr sano ah qarash badan lagu bixinayay sidii loo daaweyn lahaa iyadoo aanan takhtar la gaynin sidaasne ay waxyeello dheeraad ah la kulmeen.

Dhacdadii iigu xanuunka badnayd waxay ahayd gabar yar oo 13 jir ah oo qabtay xanuunka qallalka oo aan wada ognahay inuu yahay xanuun maskaxda ku dhaca oo leh daawo loo qaato oo lagu kontroolayo dhicitaanka iyo gariirka in laga garaaci jiray jinni iyadoo loo geynayay shiikh, waxaa la ii sheegay in maalin kasta la soo garaaci jiray, muddo markay sidaas ahayd ayaa waxaa shiikhii qoyska gabadha kula taliyay isagoo dad kale u soo maray in gabadhaan sixir iyo jinniyo badan hayaan, ciddeedane ay ku adag tahay in maalin kasto shiikha loo geeyo oo dagan tuulo aad uga fog midda qoyska gabadha ay dagan yihiin, sidaas awgeed in shiikha gabadha la siiyo isagane sidaas uu ku daaweysto oo waxaaba dhici karto in jinniga ka baxaba meesha haddii shiikha xaaskiisa ay noqoto!!.



Gabadhii shiikha ayaa loogu faataxeeyay wuxuu qabay muddo 3 sano ah, qallalkii waa sidiisii, ciddii warbixin dheeraad ah kama helaan, markay ahayd sanadkii 2007-kii ayaa hay'ad daaweysa cudurrada qalalka oo daawada bilaash ku bixiso ayaa mashruuc ka fulisay gobolkii cidda ay daganaayeen.

Gabadhii ayaa isibtaalka la keenay, waxaa loo qoray daawo la qaadanayo habeenkii hal mar, maalintii ayaa qalalka ugu dambeysay, laakiin gabadhii maskax ahaan ayay u jiratay oo waad dareemaysaa in aysan caadi ahayn markii aad la sheekaysato oo waxay dhaceeb iyo shock ka qaaday ehelkeeda iyo qraabadeeda iyo ninka lagu daray oo 40 iyo dhowr sano ka weynaa.

Cidii waxay ku tashatay in ay shiikha ka furtaan gabadha iyagoo ku andacooday in ay dibadda u qaadayaan si loo soo daaweeyo.

Sheekada halkaa ayaa iigu dambeysay, gabadhii meel ay ka baxday iyo shiikhii meel u dambeysay am garanayo laakiin sheekadii waxay xayaysiin u noqotay mashruucii lagu daaweynayay qalalka, waxaan xasuustaa muddo hal sano ka dib in mashruucii ay ka faaidaysanayeen dad kor u dhaafaya 700 oo qof oo bil kasta daawo ka qaadan jiray.

Sheekadaan waxay na tusinaysaa aqoon yarida haysata bulshadeena, waa sax in quraanka uu daawo yahay, ducadane ay daawo tahay laakiin in takhtar lala xiriiro dambi ma ahan, jinnigane kuma sii kacayo qofka haddii isbitaal la geeyo waa sida dadka qaar looga dhaadhiciyay.

Dhacdo kale wiil yar oo sida gabadha oo kale u xanuunsanaa oo isagane sixir iyo il laga daaweynayay ayaa intuu qallaly wuxuu ku dul dhacay burjiko shidan wuxuu ka gubtay qeybta hore, isbitaalka markii la keenay waxaa loo keenay takhtar hadda ka hor kula taliyay hooyada wiilka in uu qallal qabo daawane u qoray, markii uu hooayda waraystay waxay u sheegtay in daawadii laga daadiyaya lagane xoog batay loona sheegay in wiilka uu sixran yahay haddii aad daawadaan siisidne wuu ka sii darayaa!!

Sidaa awgeed waa muhiim in umadda laga wacyi galiyo arrimaha noocaan oo kale si loo badbaadiyo ubadka xanuunsan oo go'aan aana ka qaadan karin daryeelkooda caafimaad.

Xanuunada ugu baahan ee soomaalida ku qaldaan dhibaatooyinkaan waa labo kuwaas oo kala ah Qallalka iyo Xanuun maskaxda galo oo la dhaho "Iskitsofareeniya".

Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan labadaa cudur:
1- Qallalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
2- Schizophrenia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html

Wax ka baro xanuunadaan astaamaha lagu garto, waxyaabaha keeno iyo sida loo daaweyo, kana wacyi gali bulshada.

Taladaydu waxay tahay, adigoo qofka takhtar tusinaya ayaa hadane quraan iyo ducooyin ku akhrin kartaa, wax is diidaya ma ahan, fadlan dadka qaba astaamaha xanuuandaan kor ku xusan tusi takhtar.

Haddii aad qabtid su'aalo ku aadan qoraalkaan ama aad jeceshahay in aad ra'yigaaga ka dhiibato, waad ku soo dari kartaa.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Meel kaleba haka doonin!.

Anigan kula hadlaya ayaa xanuunsaday sanadkii 2007, waxa igu dhacay welwel, runtii waan garan waayay waxa i haya, ka bacdi waxaan kusii mashquulay xanuunkan aan garan'la ahay
halkaana waxa igaga kii korodhay diiqad, welwel hor leh iyo niyad-jab.

waan shaqayn kari waayay, aniga uun baa iska fekerayay.

waxa ka ii geeyay cilaaj wuxuu igu miisay dhir wuxuu igu dhejiyay electronic, waxba isma bedelaan.

cilaajkastaba markaan mudo ku wareego ee waxba is bedeli waayaan ayaan ka tagaa oo waxaan qabtaa mid kale oo cusub,
isaguna koow buu kasoo bilaabaa.

adigu markaan mudo sadex sano ah dhirtii isku gurayay ee ay waxba i tari waayeen, ayaa maalintii dambe waxa la ii sheegay shiikh meel jooga oo aan isagu dadka dhirtan badan siinin oo baadha uun.

waan u tegay, qur'aanka kariimka ah ayuu igu akhriyay, dhawr arrimood oo kale oo uu wax ku baadhana wuu i marsiiyay, wuxuu igu yidhi: waar  hadaad run doonaysid canuun cilaaj kuma hayee orod dhakhtar u tag.

Shiikh daacad ah buu ahaaye markuu intaa igu yidhi waxa iga degay culays aan ku qiyaasi karo 30kg oo sonkor ama bariis ah culayskood. ilaa waxa la iga dhaadhiciyay waxaad qabtaa jin, sixir iyo il'e.

qolyaha hore dhibaatada ay ii gaysteen ee ah dhirta noockasta leh ee ay igu miisayeen iyo qarashka igaga dhammaaday waxa ii dheeraa niyadda oo ay iga dileen, iyagoo iga dhaadhiciyay in aan qabo jin, sixir, il iyo waxyaabo badan oo ay dadku qaldaan.

Markuu shiikhii sidaa igu yidhi ayaan la xidhiidhay dhakhtaro aan la shaqayn jiray lkn iyaga laf ahaantoodu waxay isaga badnaayeen GP oo xanuunkan aadba umay fahmayn, iyaguna waxay ii qoreen dawooyinka dejinta ee hurdada badan.

inkasta oo ay naxdintii badnayd iyo cabsi gelintii cilaajyadu iga ba'day oo aan seexday, hadana welwelka waan sii dareemayay.

anigoo iska jaah-wareersan ayaan la kulmay webkan somalidoc.com,
waxaan galay qaybta xanuunada maskaxda.

markaan xoogaa akhrisanayay ee aan ogaaday in xanuunada maskaxdu aad ugu eegyihiin kuwan cilaajka, ayaan bilaabay in aan su'aalo idin waydiiyo.

In muddo ah markaan hadba su'aal idin waydiinayay ayaan fahmay xanuunka i hayaa nooca uu yahay, wuxuuna noqday OCD (obse. Combulsive disoder).

Maalintaas baa dhulka la i dhigay oo aan noloshaydii caadiga ahayd kusoo noqday oo shaqaystay oo niyadii ii degtay oo aan nefisay.

markasta waan idiin duceeyaaa walaal. alle kurbooyin aduunyo iyo kadeed aakhiro idin ma tuso, aduunka raaxo ku noolaada aakhirana jannada firdowza alle haydinku abaal mariyo.


 

SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21416
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 43973
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47768
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29329
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6957
Last post September 22, 2015, 01:36:10 PM
by SomaliDoc