Author Topic: Su'aal: Sigaar cabistu qallalka ma daaweyssaa?  (Read 3170 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sigaar cabistu qallalka ma daaweyssaa?
« on: April 17, 2015, 04:51:59 PM »
Asc dhakhaatiirta, waxaan qabaa su,aal taasoo ah: waxaan qabi jiray cudurka qalalka waxuu igu bilawday 14 jir meelahaas, kiniinka qalalka ayaan qaadan jiray, ka dib africa waan ka soo tagay. cudurkii mudo 7sano ah iskuma aanan arag oo macnaha maan suuxin, xataa wax kiniini ah maan qaadan mudada 7 sano ee uu iga maqan yahay cudurka laakiin mar mar ayaan arki jiray calaamado inuu cudurka isoo qabanaayo laakiin ma badneen, marka waxaan rabaa inaan ogaado cudurka qalalka qofka maka dawoowi karaa madaama uusan 7sano igu dhicin  anigoon wax dawo ah aanan qaadan mase la dhihi karaa sigaar cabistu cudur aad qabto way qarin kartaa macnaha nokotiinta sababtoo ah mudadaas uu cudurka iga maqan yahay sigaarka ayaan aad cabaa, markaa fadlan jawaab aan ku qanco ayaan idinka rajaynaa waadna mahadsantihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sigaar cabistu qallalka ma daaweyssaa?
« Reply #1 on: April 20, 2015, 01:55:29 PM »
Cudurka qallalka wuu istaagi karaa oo qofka wuu ka maqnaan karaa muddo isagoo aanan daawa qaadanin, khaas ahaan hadduu qofkaas daawadii loo qorayay oo in muddo ah joogteeyay.
Daawada qalalka loo isticmaalo waxay saxdaa korontada maskaxda ay isku gudbiso taasoo khallalka ka ilaalisa, haddii qofka in muddo ah isagoo daawo qaadanaya ugu yaraan 2 illaa 3 sano usuan isku arkin, waxaa dhacda markuu qofak daawada joojiyo inaysan ku soo laaban.

Midda xigta ee ku saabsan sigaarka ama maadada ku jirta ee nicotine-ka aqoon dheeraad ah looma lahan in qallalka lagu daaweeyo inkastoo ay jirto xaalad gabar yar oo maraykanka daga uu dhakhtar sheegay in nicotine-ka lagu dhajiyo maqaarka ay ku caafimaaday, laakin wax si cilmiyaysan iyo baaris lagu ogaaday ma ahan.

Midda aad ku hubin kartid in qallalkii uu kaa tagay ama in xiriir la leeyahay sigaar cabista waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirtid takhtar ku taqasusay cudurrada neerfaha "neurologist" si uu kuu saaro qalab loo yaqaanno "EEG" oo lagu ogaanayo korontada maskaxda adigoo sigaar cabin iyo adigoo sigaar cabaya iyo wixii talo dheeraad ahba.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 3966
Last post October 16, 2016, 06:35:46 PM
by SomaliDoc
Qallalka (Epilepsy)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 28536
Last post September 09, 2009, 11:45:17 AM
by SomaliDoc