Author Topic: SU'AAL: INDHO XANUUN?  (Read 4222 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ibnumaxamuuud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
SU'AAL: INDHO XANUUN?
« on: April 20, 2015, 09:07:17 PM »
ASC dhakhaatiirta waa idin salaamay, salaan ka dib waxaa ixanuuntay IL muddo dhan 2 asbuuc ka hor, waana isha midig, waxaan dareemay xanuun subixii markaan soo kacay wax hore oo iga gaarayna ma jirto. ishu way iguduudatay waana ixanuuntay ilaa qaybta dambe ee suuniyaha ku beegan, sidoo kale way yaraatey ishii. waxaan utagay dhakhter wuxuu isiyay daawo, waa ku fiicnaaday xanuunkii waa iga tagay lkn waxaa dhacdey dawadii markaan qaatay waxaa shucaac iga galay ishii  oo waxaad moodid dahaar ayaa ishii iga fuulay taaso keentay inaan arki waaayo qoraalka yaryar oo dhan iyo qoraxda oo aad moodidi inay aad ii dhibayso oo meshas bar tilmaameedsanayso.

 Waxaan dhakhaatiirta ka codsanayaa arintaas inay talo iga siiyaan iyo waxaan sameeyo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: INDHO XANUUN?
« Reply #1 on: April 25, 2015, 11:11:41 AM »
Waxaa laga yaabaa in takhtarka uu kaa daaway caabuq indhaha sida daafka oo kale maadaama il xanuun iyo gaduudasho la soo toostay, marmarka qaar daawooyinka inta aad qaadanaysid ama maalmaha ka dambeeyay way keenaan astaamaha aad ka cabanayso, laakiin haddii muddo ka soo wareegatay waxaad u baahantahay in taktharka aad ku laabatid si indhaha lagaaga fiiriyo haddii caad uu fuulay ama hadduu cadaadiska indhaha uu kacsan yahay.
halkaan ka akhriso qoraallo al xiriiro xanuunkaaga:
Caabuqa indhaha "Daaf"= http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html
Caadka Indhaha "Cataract"= http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html
Cadaadiska indhaha "Glucoma" = http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33875
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32946
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 24063
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 42303
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29988
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc