Author Topic: Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?  (Read 95965 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?
« on: April 21, 2015, 11:16:29 AM »


Bidaarta aan dhaxalka ahayn oo cudurka noqoto waxaa loo yaqaannaa "Alopecia", waxayna timaadaa markuu difaaca jirkaaga uu la dagaallamo unugyada tinta ay ka soo askugmaan.
Lama garanayo sababta difaaca jirka uu ula dagaallamayo unguyada tinta soo saaro.

Bidaarta noocaan ah waxay ku badan tahay dadka ka da' yar 20 sano laakiin caruurta, haweenka iyo dadka waawaynba way gali kartaa.

Qaabkee ayay u billaabataa bidaartaan?
Waxay ku billaabataa iyadoo aad isku aragtid in tinta ay daadato ama tinta ay khafiif noqoto iyadoo madaxa uu ka soo muuqato meelo tinta ku yartahay.

Way dhacdaa marmarka qaar in tinta oo idil ay haaddo, waxay bidaartaan kaga duwan tahay bidaarta dabiiciga ah, waxaa laga yaabaa in tinta ay dib ugu soo laabato meel ay ka daadatay laakiin hadane meel kale ay go'do.

Boqolkiiba 10% tinta dib uguma soo laabato oo waa sidii ay uga guurtay laakiin dadka kale way ku soo laaban kartaa.

Yaa halis ugu jira in tinta ay soo laaban wayso?
1- Haddii dahxal ay jirto xagga qoyska.
2- Haddii bidaarta ay ku gasho adioo aanan qaan gaarin.
3- Haddii aad qabtid xanuun kale oo uu keeno cillad difaaca jirka ka jirto.
4- Haddii aad qabtid allerjiga dhaxalka ah.

Xanuunkaan ma la daaweyn karaa?
Xanuunkaan waa la daaweyn karaa laakiin lagama bogsan karo, wuu soo laalaaban karaa.

Sidee ku ogaan karaa in bidaartayda ay tahay noocaan?
Takhtarka wuu ku waraysan doonaa, wuuna ku wiisitayn doonaa, wuxuu ku waydiin doonaa qaabka ay bidaarta kuu gashay iyo xilliga ay kuu gashay iyo wixii isbadal ee markaa ka dambeeyay.
Kadib takhtarka tintaada ayuu baari doonaa inta uu qeyb ka gooyo, dhiigagne wuu kaa qaadi doonaa si loo ogaado haddii aad qabtid xanuunada difaaca jirka la xiriiro.

Sidee loo daaweeyaa bidaarta cudurka ah?
Badanaa bidaarta noocaan ahi, tinta sanad ka dib waxaa laga yaabaa in ay dib u soo dhalato, haddii sidaa ay dhacdo daawo uma baahnid.

Waxaa jiro daawooyin iyo saliid loogu talagalay iyo lagu daryeelo tinta xanuunkaan uu hayo oo uu kuu qori karo takhtar ku taqassusay cudurrada maqaarka haddii lagaa helo cilaldaan.

Waxyaabaha la isku daaweeyo waxaa ka mid ah in basada lagu duro daawo ka hortagayso in xanuunka difaaca jirka uu tinta saameeyo ama in lagugu daaweeyo shucaaaca dhal ah oo loogu tala galay xanuunnada maqaarka.

Dhibaato kale ma keeni karaa xanuunkaan?
Badanaa xanuunkaan wuxuu saameeyaa unugyada tinta, qaar madaxa qeybo ka mid ah ayuu ku egyahay waxaana loo yaqaannaa "Alopecia Areata", qaarna tinta oo idil ayay jirka ka buubisaa waxaana loo yaqaannaa "Alopecia Universalis"
Dhib intaa ka baxsan oo ay keeni karto bidaartaan ma jirto, laakiin waa arrin aan u fiicneen muuqaalka qofka oo saamayn karto nafsiyaatkiisa khaas ahaan hadduu yahay qof dhalin yaro.

Halkaan ka akhriso Cillada Timo daadashada ama go'goidda oo u badan haweenka
Halkaan ka akhriso Sida tinta loo beero: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7624.0

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama aad u baahan tahay warbixin dheeraad, halkaan ku soo weydii.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 22089
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25014
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16130
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31137
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24289
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc