Author Topic: Su'aal: luga xanunka maxa keeno?  (Read 7568 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hadrami

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: luga xanunka maxa keeno?
« on: April 21, 2015, 01:47:41 PM »
Asalamu Aleikum dhamantin wan idin salaamay qasatan doctor ka, Dr. su'aashan hore ayaa lagu weydiiyay laakin xooga way kaduwan tahay ee waa xanun lugaxa, kamaso bilaabanin dhabarka ee kali lugaxa hoose, waxan dareemaya markan dukanayo oo an udhaco sujuuda kama soo kici karo xanun iyo markan seexanayo habenkii laakin markan soconayo waa ok. gortan bilowday waa mar an ka qeybgalay tar tan orod ah ugu yaran waxan orday 4 KM oo an joogsi lahen kadib xanunkan ayaa igu bilowday, dhowr doctor ayan u tagay daawo ayay iso qoren waxba kama dareemin like: bumato, Analgesic, Anti-Inflammatory (VOREN) iyo daawo xanun joojin. plz Dr. any suggestion?  thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: luga xanunka maxa keeno?
« Reply #1 on: April 25, 2015, 12:08:24 PM »
In xanuunka ku hayo aad fahantid waxay ka qeyb qaadanaysaa filashada iyo rajada caafimaadka inta ay la eg tahay.
Cillaldaadu waxay ka dhalatay in aad orod dheer gashay adigoo aanan murqaha lugahaaga khaas ahaan kuwa gadaale aysan tababar ku fiican aysan qaadanin.
Murqaha gadaale ee lugta "claf muscles" waa murqaha ugu muhiimsan xilliga orodka, waaa muruq aad u wayn una baahan qulqul dhiig siyaado ah weliba markii la ordayo, taasoo lugta ay ka hesho oksajiin ku filan si aysan murqua dhaawac u gaarin.
Cadaadiska siyaadada ah oo aad muruqa saartay weliba adigoo aanan nasiino u dhaxaysiin, waxay keentaa in muruqaa uu giigsanaado oo shaqo ku jiro muddo dheer taasoo uu ku waayo oksajin ku filan waxayna keentaa in uu dhaawac gaaro unguyada muruqa, barar iyo daqnasho siyaado ah weliba markii aad giijisid sida in aad faraha fooddooda ku istaagtid oo kale ama markii aad sujuudda ka soo toosayso.
Xanuun dareemidda waa astaan in aad murqaha nasiino galisid oo aadan rucleyn ama orod kale samayn inta muruqaa ku xanuunayo, dad baa si qalad aaminsan in jimicsi dheeraad ah ay lugaha u baahan yihiin si xanuunka kaaga tago, taasi waa qalad wayna kaaga sii daraysaa.

Talo:
1- Xanuun baa'biyaha wad.
2- Muruqa nasiino ku filan sii
3- Salaadda kuris ku duko
4- Wax qabow waad saari kartaa muruqa, hana u dhawayn wax kulul ama qandac ah.

Muddo ka dib waad raysan doontaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 164157
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 65056
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 10878
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14717
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15749
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc