Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ukunta ayaa daciif ah?

(1/1)

Deqacadey:
Suasheyda waa.  Sanadki hire ayaa. Ilmo iga soo dhaceen.  Dhaqtarka wuxu igu dhahey ukuntada ayaa daciif ah.   Sababtas ayaa keentay dhicinta.    Marka.  Waxa ku arkey. Compuyutarka.   Kaniinka  la dhaho Co10Q.      In u. Ukuntada kobciyo.   Ma.  Qadaan karaa. Kaniinka. Dhaqtarka oon I qorin.   Tan kale. Vitimiinada ku haboon.  Uurqadista ka hor   In la. Isticmaalo. I sheeg walal.  Waxan jira. 42 sano

SomaliDoc:
Co10Q waa maaddo nafaqo jirka uu ka faaideesto sida fitamiinnada oo kale, ma jiraan baaritaanno bini'aadanka lagu sameeyay iyadoo la adeegsaday maadadaan oo tilmaamayo in ugxanta ay xoojinayso, way jiraan dad ku qora meelaha in waxyar ay u leedahay ukunta waxayna dadkaas daliishanayaa baaris lagu sameeyay doolliyaal wadanka canada ee lagu arkay in bacrimista ugxanta doolliyada duqda ah ay wax u tarayso, sidaas ayaa loo mala awaalay in bini'aadankane uu ka faaidayo.

Ma ahan wax halis ama dhibaato kuu keeni karo, waxayna ka mid tahay daawooyinka iyadoo uusan dhakhtar kuu qorin la qaadan karo, laakiin waxaa ka muhiimsan daawadaan in aad takhtarkaaga waydiiso heerka ay marayaan hormoonnada bacriminta iyo kobcinta ugxanta ka qeyb qaato iyo in aad u baahan tahay in hormoonadaas iyagoo daawo ah in lagu siiyo.

Halkaan ka akhriso jawaab aan ka bixinnay mid su'aashaada la xiriirto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4697.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version