Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?

(1/2) > >>

A/qadir Abdi:
Asc Dr. Waxaad Information Iga Siisaan TB-da Ku Dhacda Qanjidhada Waxa Keena,Astaameheeda Iyo Waliba Sida Loo Daaweeyo Aad Baan Idiinku Mahad Naqayaa Bahda SomaliDoc

SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan tiibiida qanjirrada ee loo yaqaanno "Goondallaariyo": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html

A/qadir Abdi:
Dr. Lakin Aniga Waxa I Bararsan Kaliya Qanjidhada Ku Yala groin Area Ama Afsomali Lagu Dhaho Saracda Wax Xanuun Ahna Iguma Hayaan mana waawaynaanayaan dheecaana ma leh waliba dusha lagama arkayee marka aad taabato ayuunbaad dareemaysaa kuukuuskan Illaa Iminka Sanad Baan Sidan Ahaa Markaa Dr Maxay Noqonaysaa Bay Kula Tahay

SomaliDoc:
Qanjirrada waxaa ka qeyb qaataan difaaca jirka waxayna ku jiraan meelo badan oo jirka ka mid ah sida saracda, kilkilaha, qoorta, caloosha, feeraha iyo meelo kalaba.

Haday bararaan waxay noqonaysaa sadax mid:
1- Xanuun qanjirka ku dhacay sida tiibiida ama kansarka oo kale, mana ahan macnaheeda in qanjir gooniya aya tiibiida ku dhacdo, qanjir kasta way ku dhici kartaa, inkastoo ugu badan tahay midda qoorta gasho.
2- In uu jiro infekshan badan oo jirka la dagaallami waayo, taasoo keento in qanjirraad bararaan, qanjirka bararn waxuu ku tusinayaa infekshan meesha uu ka jiro, haddii midda saracda ay bararan tahay waxuuu infekshan ka jiraa inta saracda ka hooseyso.
3- Haddii dheecaannada qanjirada soo daayo ay ku xirmaan oo meel ay ka baxaan waayaan.

Sidaa awgeed, waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirtid takhtar si loo ogaado waxa keenay in qanjiradaada ay bararaan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

A/qadir Abdi:
Dr. Ma Laga Yaabaa In Ay Saamayn Ku Yeelato Fertility ga

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version