Author Topic: SU'AAL: DHAGA CULAYS?  (Read 5154 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Alkaraar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
SU'AAL: DHAGA CULAYS?
« on: April 26, 2015, 06:11:56 PM »
ASC DHAMAAN DHAKHAATIIRTA WEBSITEKAN IYO MACAAMIISHABA  WAAN SALAAMAYAA SU AASHAYDII UGU HORAYSAY EE AAN SOO WAYDIIYO WEB KU SAABSAN CAAFIMAADKAYGA  WAXAAN AHAY WIIL 23 JIR AH OO DHAGA CULUS ILLAA IYO YARAANTAYDII WAAN DHAGA CUSLAA ANOO DHAGA CULUS BAAN CAQLIYAYSTAY WAALIDKAYGU WAXAY II SHEEGEEN ANIGOO JIRA DHAWR SANO IN AY DHAGAHA BIYO IGA YIMAADEEN KADIB MARKAY ARKEEN ANIGOO OOYAYA ISLA DHAWR JIRKAYGII AYUU DHAGA CULAYSKU IGU BILAABMAY WAXAAN KU SOO DHIGTAY DHAGA CULAYKAAS DUGSI HOOSE DHEXE SARE ILLAA JAAMACAD HADANA WAAN SHAQEEYAA WAQTIGAYGA INTA BADAN AYAAN LA KULMAA DHIBAATO XAGGA MAQALKA AH, HADAAN KA WARAMO DHAGAHAYGA CAAFIMAADKOODA WAXAY KU SUGNAADAAN MARXALADOOYIN KALA DUWAN KOL DHAG KAMIDA AYAA MAQALKU II KORDHAA SI FIICAN BAAN U MAQLAA SIDII IYADOO WAX DHAGTA IGAGA JIRAY IGA BEXEEN OO KALE MAR MARNA WAY IS XIDHAAN OO WAY CUSLAADAAN. MAR MAR  DHEECAAN BAA IGA YIMAADA WAXAAN MUDDO HAL SANO AH LAGA JOOGO KU TIJAABIYAY SALIID XABASUUD WAY I FURMAYAN DHAGUHU LKN DHEECAAN BADAN BAY I YEELANAYAAN OO IGA SOO DAADANAYA ISKUMA DAYIN DHAKHTAR INAAN TAGO LKN MARKASTA NIYADDA AYAAN KA JECLAHAY IN AAN IS DAWEYO. DHAKHTAR DHAGAHA OO KALIYA AH AMA ENT AH BAAN RAADIYAA LKN ETHIOPIA OON KU NOOLAHAY INTA BADAN LAGAMA HELO LAGA YAABAA ADDIS ABABA LKN DHAQAALAHAYGA OON II SAAMAXAYN IN AAN DHAKHTAR TAGO AYAA IGA XANNIBAYA. MARKA WAXAAN KA CODSANAYAA SOMALIDOC IN LA IGU CAAWIYO TALO TUSAALE IYO TILMAAN MAHADSANIDIIN.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: DHAGA CULAYS?
« Reply #1 on: May 02, 2015, 11:30:00 AM »
Dhaga jignaanta waa calaamad la arko haddii dhaawac uu gaaro unugyada mqalka u qaabilsan ee dhagaha, waxa keeni karo waxaa ka mid ah hadduu kugu raagay caabuqa dhagta ku dhaco ee loo yaqaano "Otitis Media" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html

Sida aad tilmaantay xanuunka wuxuu kugu bilawday adigoo yar, marmarka qaar waxaad dareentaa in hal dheg maqalkeeda uu ficnaanayo, dheecaan badane waad yeelataa.
Waxaa laga yaabaa xilliyada hargabka inay kaaga sii daraan oo maqalka sii daciifo, sdiaa awgeed waa muhiim in aad la xiriirtid takhtar E.N.T ah si loo eego dhegaha gudahooda haddii ay jiraaan dheecaan dhex fadhiyo, haddii xuubka maqalka u udilaacsan yahay, haddii wax ka soo baxay uu jiro iyo haddii cilald kalaba ka jirto.

Waa laga yaabaa in la xallin karo arintaada, inkastoo caabuqa ku dhaca bartamaha dhegta markuu raago ay dhib noqoto si loo baa'biyo, laakiin dadka qaar way ka caafimaadaan.

Haddii maqalka oo sidaa sii ahaado, waxaa laguu qori karaa samaacado codka kuu dheeraayo oo aanan la dareemi karin in ay ku xiran yihiin waana qasab in marka hore aad takhtar aragtid.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6977
Last post September 22, 2015, 01:36:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qiimaha Caafimaad Ee Saliida Dhaga Yaraha Iyo Sida La Iskugu Daaweeyo?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9546
Last post October 20, 2016, 08:47:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 50468
Last post March 09, 2016, 05:10:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax culays markaan ka soo kaco?

Started by guuleed1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3564
Last post May 05, 2019, 11:51:10 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?

Started by LixleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 4302
Last post November 04, 2015, 11:13:49 AM
by SomaliDoc