Author Topic: Su'aal: Su'aalahayga sir ma la iiga dhigi karaa?  (Read 4007 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bilaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Su'aalahayga sir ma la iiga dhigi karaa?
« on: April 27, 2015, 05:18:11 PM »
asalaamu calaukum waraxmatulaahi wabarakaatuh.
aad ayaan idiin salaamayaa dhamaan maamulka boggan, aadna idiinku mahadcelinayaa sida wacan ee bulshada soomaaliyeed ugu fududayseen inay ka bogtaan xogta caafimaad ee ay u baahanyihiin iyada oo waliba ku qoran afkoodii hooyo kuna salaysan diinteena islaamka ah..maashaa alaah

Walaalayaaloow waxan jeclaan lahaa inaan dhakhaatiirta waydiiyo su aalo door ah oo aan jeclahay in la iga jaahil tiro lkn su aalahaas waxay u bahanyihiin inay noqdaan kuwo idinka iyo aniga ka dhexeeya oo any arki karin amaba akhrisan karin dadyowga kale ee isticmaala boggan ....hadaba halkee ama sidee ayaan macluumaadkaas sirta ah idinku soo gudbin karaa..
Mahadsanidin
salaamu calaykum




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Su'aalahayga sir ma la iiga dhigi karaa?
« Reply #1 on: May 02, 2015, 11:37:19 AM »
Bogaan waa mid public ah, waxaa loogu talagalay in laga wada faaidaysto, su'aasha aad qabtid waxaa laga yaabaa in dad kale ay heysato, isla jawaabta aan ku siinayane in ay ka faaidaan ayaa dhici karto, sidaa awgeed waxaan kula talinayaa dadka qabo su'aalaha khaaska u ah, qasab ma ahan in aad sheegto in aad adiga xanuunsan tahay ama aad magacaaga oo saxda ah aad ku soo gudbiso ama aad is tilmaanto.

Sidaa awgeed ma jirto jawaabo si shakhsi ah looga jawaabo, ee fadlan dadka qaba su'aalaha noocaas ah, hadda ka horne waan sheegnay, su'aalahaaga khaas ahaan ha u soo gudbinin ama magacaaga ha ku soo gudbinin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: