Author Topic: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?  (Read 41349 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Saakit

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
« on: April 28, 2015, 01:31:37 PM »
Asc dr salan ka dib , waxaan raba inaan ku weydiyo cididiifka iyo waxaw yhy iyo sida lagu daaweeyo ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
« Reply #1 on: May 02, 2015, 12:03:14 PM »


Cididiiftu waa waa dildilaaca yaryar ee ku yimaada maqaarka ku yaala salka cidiyaha, kuwaaas oo fiiqfiiqmo oo aad ka dareentid xanuun marka aad goyneysid.

Dad badan baa ka sheegto arintaan, asbaabaha keenana waa lagu kala duwan yahay, waxyaabaha keeno waxaa ugu muhiimsan:

  • Dhaawac kaa gaaro cidida dhinaceeda oo aad u yar sida in aad wax ku xoqatid oo kale.
  • In xasaasiyad aad wax ku qabtid ay kaa gaartay faraha taasoo keenta in hilibka cididada uu qalallo oo fiiq fiiq yeesho.
  • Maqaar qalleelka ayaa keena sida dadka uu ku yaryahay vitamiinada qaar.
  • In aad gacmaha joogto u dhaqdo adigoo adeegsada wax kiimiko leh sida saabuuanda ama daawooyinka kale ee gacmaha lagu dhaqdo.
  • In cidiyaha aad marsatid wax dhib u geysan karo hilibka cididada taasoo cidi diif samayn karo.

Sida ugu haboon ee aad ula tacaali kartid cidi diifta haddii ay dhowr jeer kugu soo laalaabato waa in aad:
  • Iska ilaali in aad fiiqdo cid diifta, haddii kale way kugu soo laalaabanaysaa oo dhaawac joogto ah ayay isku badali kartaa.
  • Ku dadaal nadaafadda cidiyahaaga, iska daa haddii aad wax kiimiko leh gacmaha ku dhaqatid ama aad marsatid.
  • Kor qalleylka kaga hortag kareemyada leh petroleum-ka sida faasaliinta oo kale.

Haddii aad fiiqdid oo ay nabar yeelato oo barar ama dheecaan aad ku aragtid waxaad u baahnaan doontaa in aad qallajiyo u qaadatid oo aad dhakhtar la xiriirtid.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Saakit

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
« Reply #2 on: May 02, 2015, 06:26:03 PM »
Dr aad baan kugu mahad celinaya , teda kale mushkiladan hada ayay i haysataa wax badana waan isticmalay qalajiyo wax weena iima tarin markastana markaan is dhaho waad ka reesatay way igu soo noqota , marka maxaan sameeya oo aan ku daweyaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
« Reply #3 on: May 07, 2015, 11:48:20 AM »
Cididiifta uma baahna qallajiyo in aad u qaadatid ee ka fogow waxyaabaha kor ku xusan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56019
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107031
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58031
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62353
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29016
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc