Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cuncunka indhaha caruurta?

(1/1)

Gacalsame:
asc walalayaal waan idin salaamay wanaaga aad heysaan ilaah aakhiro ha idin kugu bedelo su,aasheyda waxay tahay
wiil yar oo 3 sano jir ah ayaa waxa uu qabaa cun cun indhah ah ayaan markuu joogo waa kusoo kaceysaa maanta dhan waa uu jijibinaa indhahana guduud ayeey noqonayaan marka somalidoc canugaas maxaa lagu sameeyaa maxaase kaani karo

SomaliDoc:
Waxaa la dhahaa "Allergic conjunctivitis" oo ah macnaheeda daafka xajiinta ah, waxuu qofka dareemayaa cuncun siyaado ah iyo in ay qashin indhaha kaga jiraan camal, wuxuu leeyahay qofka ilin badan iyo iftiinka oo dhibo.

Waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtar u geysid waxaa jiro daawooyin xajiinta indhaha ka jabiyo oo loogu tala galay, haddii boorka uu dhibayo waxaa loo qori karaa ookiyaalo boorka iyo iftiinka qoraxda ka ilaaliyo hadii wax kale uu dhibsanayane waa laguu sheegi doonaa.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan indho-gaduudashada iyo daafka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version