Author Topic: Waxyeellada Cudurka Macaanka ee Shabakada Dambe ee Isha  (Read 28210 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waxyeellada Cudurka Macaanka ee Shabakada Dambe ee Isha
« on: May 17, 2015, 06:48:37 PM »
HORUDHAC
Waxyeellada cudurka Macaanka ama Sonkorowga uu ku keeno shabakada dambe ee isha (diabetic retinopathy) wuxuu kamid yahay indha la’aanta ugu badan ee lagu maareeyo isbitaallada indhaha ee dalka, waane cudurka afaraad ee keena indha la’aanta aan ku daweyno gudaha dalka Soomaaliya marka lagasoo tago cudurada Caadka (Cataract), Biyaha (Glaucoma), iyo araga khaldama ee maraayadaha lagu saxo (refractive error). Hadaba maqaalkan waxaan ugu talagalay in aan tooshka ku ifiyo xanuunkan eysan dadka inta badan la soconin, wuxuu aqoon kororsi u noqonayaa cid kasta oo aqrisa, wuxuuna si gaar ah wacyigalin ugu yahay dadka qaba cudurka Macaanka.
 
WAA MAXAAY DIABETIC RETINOPATHY?
Cudurka Macaanka wuxuu dhaawac gaarsiiyaa xididada jirka si guud ahaaneed sida kuwa Wadnaha, Kilyaha, iyo Indhaha, gaar ahaan shabakada dambe ee loo yaqaano Retina (eeg sawirka 1aad), sidoo kale macaanka waxaa lala xariiriyaa cudurro kale oo ku dhaca indhaha sida Caadka iyo Biyaha, balse maqaalkan waxaan uga hadlidoonaa kaliyah xanuunka loo yaqaano diabetic retinopathy ee ku dhaca shabakada isha.

 
Hadaba si aan u fahanno waxa uu yahay cudurka, waxaa muhiim marka hore noo ah in aan wax yar ka fahanno halka uu waxyeelleeyo cudurka oo ah shabakada dambe ee isha. Retina waa halka ugu dambeysa isha ee uu ku dhoco iftiinka islamarkaane ku sameysa isbadallo, una dirta maskaxda dambe iyadoo u marineysa neerbaha araga si aan u aragno muuqaallada noo muuqda. Waxey ka koobantahay xuubab isdul saaran, xidido dhiig, iyo madaxa hore ee neerbaha araga (optic nerve) oo qeebteeda dambe ka baxa. Bartamaha shabakada waxaa ku yaallo qeybta qaabisha araga ugu badan, waxaane loo yaqaanaa Macula (eeg sawirka 2aad).


Cudurka diabetic retinopathy wuxuu keenaa araga oo hoos u dhaca ilaa heer indha la’aan, halista ugu weyn ee cudurkan lala xariiriyo waa kuwan hoose:
1.       Mudada uu qofku qabo cudurka Macaanka, waa halis keenaha (risk factor) ugu muhiimsan xanuunkan, boqolkiba konton (50%) dadka qaba cudurka Macaanka waxey qaadaan xanuunkan shabakada isha mudo 10 sanadood kidib markii Macaanka laga helay.Boqolkiba todobaatan (70%) waxey xanuunkan yeeshaan 20 sanadood kidib. Boqolkiba sagaashan (90%) waxey xanuunkan yeeshaan 30 sanadood kidib.
2.       Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dumarka marki la barbar dhigo raga (4:3)
3.       Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dadka aanan Macaanka iska maareynin
4.       Xanuunkan wuxuu ku badanyahay dadka leh nooca koobaad ee macaanka (type 1 diabetes)
5.       Qofku marka uu leeyahay xanuuno kale sida dhiig karka, halistu wey badataa
6.       Sidoo kale Sigaarka, buurnaanta, iyo subag-dhiigeedka waxey kor u qaadaan halista
 
CABASHOOYINKA IYO CALAAMADAHA CUDURKA:
Xanuunkan waxaa suurtagal ah in uu qofka gaarsiiyo dhibaato asagoonan weli dareemin wax cabasho ah. Cabashooyinka uu qofku la imaaanayo gabigoodba waa wax la xariira araga kaliyah, waxaane kamid ah:
1.       Mad madow hor yaaca indhaha: calaamadan gaar uma ahan xanuunkan, waxaane dhacda in badan in la arko iyadoo ishu caafimaad qabto.
2.       Araga oo shucaac yeesha (blurred vision)
3.       Kala sooca madabada oo adkaada (Impaired color vision)
4.       Madow ama arag-maqnaansho ku dhex jira muuqaalka uu qofku eegayo (eeg sawirka 3aad)
5.       Indha la’aan dam ah


Waxaa jiro calaamado badan oo uu dhakhtarku ka arki karo shabakada isha, waxaane ku xusi doonaa qeybta xigta ee aan uga hadlayo qeybaha cudurka. Si uu dhakhtarku u arko calaamadahan wuxuu eegayaa shabakada dambe asagoo adeegsanaya ophthalmoscope (ama slitlamp with hand-held Volk lens), ama wuxuu bukaanka ka qaadayaa sawir shabakada dambe (fundus camera), waxaa jiro baaritaano kale sida fluorescein angiography oo qofka lagu mudayo dawo madabeysa xididada si loo helo halka xiran, halka buufsan, halka jilicsan, iyo halka dillaacsan. Sidoo kale waxaa bukaanka la mariyaa baaritaan loo yaqaano OCT (Optical coherence tomography) oo si faahfaahsan loogu ogaado xuubabka ey ka koobantahay shabakada.
 
QEYBAHA CUDURKA:
Cudurkan wuxuu maraa maraaxil kala duwan
1.       Marxalada koobaad, Xanuun ku kooban xididada dabiiciga ah (Nonproliferative diabetic retinopathy): marxaladan waxaa aad u jilca xididada shabakada taasoo keenta in ey sameeyaan buufsanaan yaryar (microaneurism), dhibco-dhibco dhiig bax ah (dot and blot hemorrhage), iyo goobo-goobo cad cad oo ah haaro ka haray dheecaan engegay (exudates) (eeg sawirka 4aad). Marxaladan waxaa laga yaabaa in qofku uusan dareemin caalamado la xariira araga, umana baahna wax daweyn ah marka laga reebo Macaanka oo la maareeyo, iyo xanuunka oo si dhaw loola socdo (4-6di bilba mar).

2.       Marxalada labaad, dheecaan fariista bartamaha shabakada (macular edema): xaaladan waxey raaci kartaa marxalada koobaad ama marxaladaha dambe, waxaa sababa dheecaan kasoo baxa xididada jilicsan oo fariista inta u dhaxeysa xuubabka isdul saaran ee shabakada, waxeyna inta badan keentaa isbadal araga, inkastoo mararka qaar aanan la dareemin, xaaladan waxey u baahataa faragalin, waxaane ku faahfaahi doonnaa qeybta daweynta.
3.       Marxalada sadaxaad, xanuunka xididada oo bata (Proliferative diabetic retinopathy): waxaa marxaladan lagu yaqaanaa calaamadaha kore oo siyaada, waxaane u dheer oo u gaar ah xidido cusub oo sameesma (neovascularization). Xididadi dabiiciga ahaa ayaa xirmaya, waxaane ka dhalanaya nudayaasha shabakada oo aanan helin dhiig ku filan, waxey calaamad u dirayaan maskaxda, waxeyne maskaxdu amreysaa in xidido cusub la sameeyo, waxaane sameysmaya xidido aad u jilicsan, si fududne u dhiig baxa (eeg sawirka 4aad). Marxaladan waa mid saameyneysa araga, una baahan faragalin.
4.       Marxalada afaraad, xanuunka oo xadka ka baxa (advanced diabetic eye disease): waxaa dhasha xanuuno kale sida shabakada oo soo fuqda (retinal detachment), dhiig ku furma dheecaanka xabagta ah ee kala haya isha (vitreous hemorrhage), iyo nooc kamid ah Biyaha oo loo yaqaano neovascular glaucoma. Xaaladan aad ayey u adagtahay daweynteeda, waxeyna u baahan kartaa faragalin qalliin ah, taasoo keenta in bukaanka loo gudbiyo dhowr takhasus hoosaad oo ah indhaha, gaar ahaan takhasuska qalliinka xabagta iyo shabakada isha (vitreoretinal surgery).
 
DAWEYNTA CUDURKA
Waxaan kor kusoo xusnay in marxalada koobaad eysan u baahneyn wax daweyn ah, balse marxaladaha kale ey u baahan karaan daweyn, waxaan halkan ku faahfaahi doonaa hababka kala duwan ee loo daweeyo xanuunka anigoo xooga saari doona kuwa aan annagu imika ku sameyno dalka gudihiisa:
1.       Argon laser: qalliinkan laserka ah waxaa lagu toogtaa xididada cusub ee aan dabiiciga aheyn iyo kuwa dhiig baxaya, waxaa lagu garaacaa hareeraha ka fog bartamaha, boqolaal dhufasho oo gubid ah ayaa lagu sameeyaa halka dhibaatadu ka jirto. Laserkan waxaa lagu joojiyaa xididada fidaya iyo dhiig baxa, balse ma daweeyo dhiigi iyo dheecaanki meesha galay, taasoo keeneysa in bukaanka uusan isbadal deg-deg ah dareemin, balse isbuucyo kooban kidib waxaa dib u gurta dhiigi iyo dheecaanki araga hoos u dhigayay, bukaannada aan u sameynana waxey ka helaan natiijo anaga iyo ayaguba aan ku qanacno.
2.       Cirbad lid ku ah korida xididada: cirbadan la yiraahdo Ranibizumab (Avastin) waxaa lagu mudaa isha gudaheeda, cirbadan waxey joojisaa xididada fidaya, waxey saameynteedu wanaagsantahay marki la raaciyo laserka. Waxaa jiro ku dhawaad 50 bukaan oo aan 3di bil ee ugu dambeysay cirbadan kula mudnay isbitaalka Manhal Specialty Hospital ee magaalada Hargeisa, qaar kamid ah bukaanadan oo aragoodu ka hooseeyay 6/60 (10%) ayaa waxey heleen arag la mid ah ama ka wanaagsan 6/12 (90%). Waxaa jirta cilmi-baaris uu wado ururka Manhal Save Vision oo la xariira saameynta laserka iyo cirbada, iyo isbar-bar dhigida laserka, cirbada, iyo marki la’isku kabo, taasoo dhawaan loosoo bandhigi doono bulshada.
3.       Hababka kale ee loo daweeyo waxaa kamid ah dawooyin kale oo isha lagu mudo sida steroids-ka, iyo sidoo kale qalliinada qaar hadii loo baahdo.
 
TALO KU WAJAHAN DADKA QABA MACAANKA
Mar kasta oo ey badato mudada aad la nooshahay macaanka, waa badata halista aad ugu jirtid xanuunkan, hadaba si xanuunkan uusan u waxyeeleynin indhahaaga waxaad iga qaadataa talooyinkan:
1.       Iska maareey macaanka
2.       Sanad kasta hal mar indhahaaga ku samee baaritaan
3.       Hadii laguugu sheegay marxaladaha fudud ee cudurka, 4-6 bil kasta indhaha iska baar
4.       Hadii laguugu sheegay marxaladaha daweynta u baahan, 2-3 bil kasta ku noqo dhakhtarkaaga
5.       Ka fogow sigaarka iyo qaadka iyo wixii kasii xageeyaba
Wabillaahi towfiiq
*Maraajic (reference):
-Comprehensive ophthalmology A K Khurana
-Clinical ophthalmology Jack J Kanski, Brad Bowling 

W/Q: Dr.Axmed Maxamed Cali (Dr.Xalaal)
Dhakhtarka indhaha
Manhal Specialty hospital
Hargeisa
Caadle2@hotmail.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46505
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28930
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18447
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95969
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27102
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc