Author Topic: Fitamiin Walba Iyo Cunnada Laga Helo!  (Read 95367 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Mohamedalhashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Fitamiin Walba Iyo Cunnada Laga Helo!
« on: May 18, 2015, 11:30:35 AM »
Asc somali doc  slan ka bacdi  sidee lagu gartaa in qofka vitamin la,aan ama vitamin yari ay hayso...vitaminadee ayaa si gaara jidhku ugu baahan yahay.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Astaamaha vitamin la'aanta?
« Reply #1 on: May 21, 2015, 11:57:46 AM »


Fatamiinnada waa waxyaabo badanaa jirka uusan samayn laakiin cunnada iyo cabitaananda laga helo, waa walxo muhiim u ah shaqada jirka si aad u hesho nolol caafimaad leh.

Fitamiinnada way badan yihiin, mid walbane wuxuu ka qeyb qaataa shaqo gooni ah ama wuxuu wax u taraa xubin jirka ka mid ah.

Fitamiinka hadduu qofka ku yaraado waxuu dareemaa astaamo u gaar ah fitamiinkaas jirka ka maqan, hadduu qofku xanuusnan yahay ama uusan qaadan karin cunno isku-dheelli tiran ama u baahan yahay fitamiin dheeraad ah sida xililga uurka oo kale waa in uu qaataa iyadoo daawo ah si jirka uu uga faa'idaysto, laakiin intaas haddii aysan jirin oo qofka cunnadiisa isu dheelli tiran tahay, uma baahna kaniini ama sharoobo fitamiin ah.

Fitamiinka oo kugu bato iyadane waxay keentaa dhibaatooyin kale oo caafimaadka waxyeelleen kara.

Fitamiinnada ugu muhiimsan jirka waxaa ka mid ah:
1- Vitamin A: Wuxuu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka.
Qofka markuu ku yaraado waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo khaas ahaan xilliyada mugdiga sida habeenka oo kale.
Waxaa fitamiinkaan laga helaa korootada, beerka, kalluunka, caanaha khamiirsan, ukunta qeybteeda jaallada ah.

2- Vitamin B1: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Thiamine" wuxuu muhiim u yahay in unugyada jirka ay tamar ka sameystaan cunnada karboohaydaraytka leh, wuxuuna u muhiim u yahay haweenka uurka leh, wuxuu kaloo muhiim u yahay murqaha iyo caafimaadka wadnaha iyo unugyada neerfaha. waxaa lagu fahmaa qofka uu ku yaryahay xanuun barar wadnaha iyo murqaha wadnaha oo weynaado taasoo keento howlgab wadne u gaar ah fitamiin yarida noocaan ah.
Waxaa laga helaa caanaha la qallajiyay sida booraha oo kale, ukunta, digirta, lowska, qamadiga, gallayda, sabuulka iyo masagada.

3- Vitamin B2: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Riboflavin" wuxuu caawiyaa fitamiinnada kale, wuxuuna muhiim u yahay korriinka jirka iyo soo saaridda unugyada cascas ee dhiigga, sidaa darteed dhiig-yarida ayuu ka hortagaa.
Wuxuu kaloo caawiyaa soo saaridda fitamiin B3 iyo B6.
Waxaa laga helaa qudaarta, saladka, koostada, ukunta, caanaha iyo hilibka lo'da, caanaha fadhiga iyo saliidda kalluunka.

4- Vitamin B3: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Niacin" wuxuu muhiim u yahay maqaarka iyo neerfaha, wuxuu kaloo si gooni ah uga duwan yahay fitamiinada kale in uu hoos u dhigo dufanka dhiigga ee loo yaqaanno "Kolestaroolka".
Fitamiinkaan waxa jirka ku yareeyo cabidda khamriga, waxaa lagu gartaa markuu jirka ku yaraado dheefshiid xumo, caajis, maqaarka oo si sahlan u dillaaci karo, lalabo, matag iyo diiqad ama niyadjab. markuu jirka uu aad ugu yaraado wuxuu keenaa xanuun loo yaqaano "Pallagra" oo lagu garto maqaarka oo dildillaacsan, shuban badan iyo dhimir beelis.
Waxaa laga helaa afokaadada, ukunta, rootiga badarka laga sameeyay, kalluunka dhanaan, loosta, baradhada macaan iyo hilibka.

5- Vitamin B6: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaannaa "Pyridoxine" wuxuu jirka u sameeyaa unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo kobciyaa shaqada maskaxda, wuxuu kaloo ku caawiyaa borotiinka in uu jirka ka faaidaysto, wuxuu kaloo caawiyaa farriiimaha dareenka ee neerfaha khaas ahaan kuwa addimaha.
Waxaa jiro daawooyin yareeyo fitamiin-kaan sida daawada tiibishada oo kale, waxaana la siiyaa qofka tiibishada laga daaweynayo daawadaan oo kaniini ah.
Waxaa laga helaa afookaadada, hilibka noocyadiisa kala duawan, digirta, gallayda, mooska iyo lowska.

6- Vitamin B12: Fitamiinkaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Cobalamin" waa fitamiin aad ugu muhiimsan habdhiska neerfaha jirka, wuxuu kaloo caawiyaa samayska unugyada cascas e jirka, qofka markuu ku yaryahay waxaa laga dareemaa dhiig-yari u gaar ah fitamiinkaan oo loo yaqaano "prenicious anemia" iyo dareenka neerfaha loo jirka ka tago khaas ahaan lugaha oo gaari kara heer in qofka u curyaamo dartiis, laakiin nasiib wanaag waa fitamiin jirka uu keydin karo hadduu qofka ku yaraado waxaa laga isticmaalaa keydka.
Waxaa laga helaa hilibka, ukunta, caanaha iyo wixii laga sameeyay, beerka, kilyaha iyo aargoosatada.

7- Vitamin C: waxaa kaloo loo yaqaannaa "Ascorbic Acid" waxuu muhiim u yaha caafimaadka ciridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cunanda ka nuugo birta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama boksoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka "Yiridka" waxaa laga helaa yaanyada, liinta, kabajka, baradhada iyo ananaaska.

8- Vitamin D: Wuxuu ka mid yahay fitamiinnada ay soomaalida safiican u taqaano khaas ahaan dadka ku nool dhulalka qabow ama barafka ka da'o waxaa laga helaa qoraxda iyo cunanda. 10 illaa 15 daqiiqo oo qoroxda la isku dhigo 3 jeer usbuucii way ku filan tahay in qofka uu fitamiinkaan ku filnaado, sidaa awgeed dadka meelahaa ku nool waa in fitamiin D-ga ay qaataan. hadduu jirka ku yaraado wuxuu keenaa xanuunka Gedefka "Rickets" iyo lafobeelka "Osteoporosis" wuxuu kaloo fitamiinkaan hadduu jirka ku yaraado yareeyaa maadada kaalsiyamka "Calcium" oo iyadane muhiim u ah lafaha.
marka wuxuu muhiim u yahay caafimaadka lafaha iyo ilkaha.
Waxaa laga helaa kalluunka dufanka leh, saliiddka beerka kalluunka, caanaha la warshadeeyay sida cheese-ka, fadhiga iyo caanaha subagga leh.

9- Vitamin E: Fitamiinkaan wuxuu caan ku yahay in uu sunta jirka ka hortago wuxuu caawiyaa samaysanka unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo ku caawiyaa jirka inuu ka faa'idaysto fitamiin K-ga.
Waxaa laga helaa afokaadada, saliida gabaldayaha, cambaha, babayga, saliidda gallayda iyo khudaarta mugdiga ah.

10- Vitamin K: Fitamiinkaan jirka wuu samayn karaa, waxaana lagu sameeyaa beerka wuxuu muhiim u yahay qulqulka iyo socodka dhiigga, si uusan u xinjiroobin, badanaa jirka kuma yaraado illaa inuu beerka xanuunsan yahay mooyee.
Waxaa laga helaa kabbajka, kalluunka ukunta, beerka iyo hilibka lo'da.

11- Folic Acid: wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yarayahay waana in la siiyaa haweenka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran.
Waxaa laga helaa gallyda, digirta, salbukada, falfalliirka, oranjada, liin balbeelmada, saliidda lowska, khudaarta iyo khamiirka cuntada lagu daro.

Ka akhriso halkaan su'aal ku saabsan haddii daawada fitamiinka aad qaadan kartid adigoo baahi u qabin.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55882
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8685
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10263
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18424
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14195
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin