Author Topic: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!  (Read 15108 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Asc wallaha wepkan qimaha badan io bulsho waynta ku xirinba
Bacda salaaaan,
Aaan u soo daa dago su.ashayda, oo aan kaga waramo xanunka i haya
Dictore waxaa dhagaha iga furmay guux oo ka yeraya labda dhagod dhaxdooda tasoo sababtay in gabi ahaan an maqalka gabo gaar ahan hdlka oo an fahmaynin xataa hadi uu qofka kor u hdlo. ama dhagda inta afka lasaro oo lagu hdlo xataa, kaliya buqa io guxa ka yerayo dhagaha ayaa saa'idaya markasan dhibsanaya qofka qayladeda lkn hdl kisa ma fahmayi waxa uu shegayo qofka hdladaya oo warka waxu ku qasma waxa dhagaha ka yerayo, dhibadadaan waxay i haysaa mudo 1sano 3blooda,
Waxayna ka bilaabaday markedi hore Cirbad TB oo aan 6bilood qaday. Magacedana layirahdo (Kanamycin,) io waliba dawo TB oo mudo 1sano io 8 bilood qada nayay, magacedana layiraah (Mult Drug Resistant),  Guuxa ama dhawaqa dhagaha ka yeraya waxuu igu bilawday markan 5 bilod marayay qadashda cirbdan io kinigaba, Dhakhtar Kaygina markas waxu nagu yiri guuxa waxa sababay waa cirbada kolkii ay dhamadana Guuxa wuu yarana kadibna dhagaha sidoo dii bay kuso labanayaan, isla Bishii ku xigtayba cirbadihi waay noo dhamden wana lega jojiyay, lkn kaninigii baa ilaa 1sano io 3bilood isii socday mudadaas dherna guuxa inuu sii ziyado mooye naqus man arag! Xataa dhakhtarka dhagaha wan u tagay lkn waxba musan ka qbn xldayda oo wuxu yiri dawadan aad qaada noysid aa sababtay marka hdii aay kuu dhamado dawada markaas ayaga iska soo ficnaanaya!! lkn ilaa hda wax kaso rayn ah ma daremaayo,
Hada dawadi TB way ii dhamaday gabigedba alx oo 6 bishaan may aay igu aked, lkn xanuunki dhagaha ayaa wali ladaala dhacaaya, sida darted fadlan i cawaya allahba wax cawiye oo dhorkaan su.alna iga siya fah fahin,
1)Xanunka guuxa oo dhagaha ku furmaa majiraa muxuu yahay fah fahin igasiya?
2)Majiraa qalab lagu baaro guxa dhagaha ka yerayo oo uu dhakhtarka ku ogan karyo dhawaqa gudaha ka shidan herkisa intu la eg yahy qalab lagu baaaro oo u gaar ah? anaan aheen kan dadka jig layasha ama kuwo maqalkoda hosiyo lagu baaro cabirka ay wax ka maqlaan,
3)Guuxa dhagaha iga furan dawo maledahy loo qaado oo malada wayn karaaa?
4)waxan joga dalka UGANDA majirabaad isledahay Dhakhatir xalda haygan Qaabishan oo wax kaqaban kara?
5)TB ama QAXADA Nucaas lega daweyay ee ah (Resistant) layirahdo fah fahin igasiya?
Ugu danbeen waxan si naxiriis leh idin kaga codsanayaa in aad isiisan Jawabo io fah fahino dheerad ah oo ku sabsan xldahayga waliba si dag dag ah si aan taloyinka aad isii saaan aan horay ugu fuliyo, ilaahay kheer badan ha idinkasiyo,
 Waxn sugaba wa jwb hina qimaha bdan wabilahi Towfiiq,




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #1 on: May 20, 2015, 05:49:37 PM »
Guuxa dhagaha iyo waxii ku saabsan kaga bogo qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html

Daawada Amikacin waxay ka mid tahay daawooyinka ugu daran oo dhagaha sumeeya, dhagoolnimada ay keenaan wa nooc gooni ah waxaana loo yaqaanaa "Sensory-Neural Hearing Loss" oo ah macnaheeda in ay dhaawacdo neerfaha u qaabilsan maqalka.

Daawooyinka kale badanaa dadka way ka soo kabtaan laakiin daawadaan way yartahay oo dhagoolnimada ay keento waxay noqon kartaa mid joogto ah "irreversible".

Sidaa awgeed waxaa habboon markii qofka lagu arko in daawada laga joojiyo, haddii ay jiraan daawooyin kale oo uu qofka qaadanayane in loo badalo haddii la badali karo, haddii aan la badali karine in la miisaamo khasaarada joojinta daawadaas iyo faa'idadeeda.

Taladayda waxay tahay haddii aad rabtid in aad ka sal gaartid, dhibaatadaan in wax laga qaban karo in in kale in baaritaanno dhowr ah lagu marsiiyo khaas ahaan kuwa la baarayo neerfaha iyo heerka uu gaarsiisan yahay iyo rajadaada inta ay la egtahay.

Waana in ay arintaas iska kaashadaan dhowr dhakhtar, Neurologist, E.N.T iyo Audiologist.

Haddii rajadu ay yartahay waa in talo aad waydiisaa si maqalkaaga kor loogu qaadi lahaa adigoo isticmaalaha qalabyada loogu talagalay oo kala duwan.

Qalabyo aad u yar oo la sameeyay oo dhagta la galinayo oo aan la arkaynin xitaa way jiraan, ha ku fakarin kaliya qalab dhegta dusheeda la saarayo oo dadka u muuqdo.

Midda ku saabsan qaaxada aad daawada karin, si gooni ah ayaan kaaga soo jawaabi doonaa, waana kula socodsiinaynaa qoraal ku saabsan markaan soo diyaarinno.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaa
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #2 on: May 20, 2015, 11:47:10 PM »
Mahadsanid walaal,
laakin Dictore Asago Guuxii dhagaha kashidan yahy miyaa samecadaha dhagaha laqadan karaa? Mase waa in marka hore guuxa ladaweya oo xal loo helaaaa? Bal iga jaahil bixiya idinko mahadsan,

Ok. Mida Qaxada TB kusabsan Marki aad soo diyarisan wan idinka sugaa yaa iyada, mahad balaarana ha.idinka garto

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #3 on: May 23, 2015, 03:51:42 PM »
Maqal xumida waxay ku imaan kartaa guux ahaan, waxaa laga yaabaa hadalka oo safiican dhegta u soo gaari karin inay guuxaba tahay, dad guuxa kaga fiicnaaday markii codka loo weyneeyay waa la arkay.
Taasi waxaa kuu sheegi karo 'Audiologist-aha'
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #4 on: May 23, 2015, 11:54:10 PM »
Aaaaaaad & Aaaaaaad baad u mahadsantihiin walalay,

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #5 on: July 12, 2015, 06:33:22 PM »
Asc Ramadan kariim,
Bacda salaaam,
Walalyal. waxan wali idinka sugayaa su.ashi? ku sabsaned Tiibishada aan dawada karin, ama (Resistant), oo aan horay idinku shegay in aan mudo 2sano ku dhaw dawadeda so qaday alx ana ka bogsaday, lkn aan rabay in aan wax ka barto, waxe tahy? sida loga hortago in aaysan dib iguso laban,
mase dhacdaa qof daweda dhamestay in aay dib ugu soo labado? ilahy ha'inaga xifdiye,
qofki aay kuso labadase malasii dawen karaa? mase!
ugu danben waa ku mahadsan tihin howsha aad umadina u haysan illahay ajar io xasanad ha idinja siiyo,
FADLAN hadi aad tiyarisen qoraal aad kaga hdlaysan halkan hoose isoo dhigo. mahasanidin markale,

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #6 on: July 13, 2015, 04:12:42 PM »
Zaki, qaaxada aad daawada karin qoraal ka hadlayo halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5858.0.html
Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan qoraalkaas ama faahfaahin aad uga baahan tahay ku soo weydii isla boggaas.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #7 on: December 27, 2015, 07:14:44 PM »
Asc  dhaqatirta qimaha bdan io walalaha ku xeran pegka,
Bacda salaam,
Dr waa aniga oo kuso labta isla mowdici ku sabsana dhagaha oo aad horay taloyin qima bdan aad iga sisay,

Intas kadib hadi an guda galo, Dr sidaa horay igula talisayba waxn u tagay dhaman dhaqaqatir aad i fartay in xaladayda dhagaha iska ka shadan hadi ay ahan lahed,
Neurologist, E.N.T iyo Audiologis, dhamaan wan maray alx,
jwbata ugu danben aan helay waxe ahed in uu jiro qalab loogu tala galay dadka nucan oo kale  dhagaha ka naqda oo gooni ah, ma'aha samacedaha cadiga ah ee dadka jiglayasha isticmalen ee waa mid tas ka duwan bay nagu yirahden, kaaso magacisa ladhaho (cochlear-implant) walow aynan laga halaynin dalka an jogo ee ah UGANDA balse hdi ad rabtan wan ku dalbi kara buu nagu yiri, inkasto qimo ad u saraya ku cayaan,
sidas tarted waxn idin karaba walaly in aad dhor kan su'al jwb iga sisaan,
1) majirta samacdaha nucan ah oo ladhaho (cochlear-implant)? fah fahin iga siya,
2) ma qalb dhagta dushisa si cadi ah loo dulsaraya mase waa mid qalin lagu galinaya oo dhagta qalin lagu subinaya?
3)madal ban karaa oo mayahy qlb aan ani iskay yurub inta ugu dalbado lee keeni karo mase waa in DR Kaliya dalbi karo oo cabir u bahaan,
4) hadi ay tahy wax qalin u bahan oo qalin lagu galiya Dhaqatirta dalalka africa ka howl gasha ma'qban karan oo fulin karan qalin herkas garsisan? dalkese laga heli karaa?,,

ugu danben waxn idinka codsanaya walalha qimaha bdan io dhaqtirta sharafta leh ee wepkan ka howl gasha. in ay si faah fahsan iga so wada jawban su'alahas kor ku xusan. Runtii aad baan ugu bahanahy ina mar uun wax maqko muda 2sano ah oo aan ka dheraday dhaman asxptayda io bulshadi aan ku dhaxjirayba cilada dhagaha awged!!
Balse wax kasta waa qadar alla sabarna u bahan, ishallah walalaha waxn idinka codsanaya inaa iidadashan oo xata wax ybaha adan kawar haynin sida mesha laga heli io inaad iibaartan oo xogag bdan i bartan oo ku sabsan qalabkas iyo sida loo heli karo io sida loo isticmalo, Anigo ku kalson in adan waxba iga hagra donina waa mahadsan tihin inbadan,

waxi ka garan waysan qoralkayga dib waa iiso waydin kartin walaly,

Waxn sugba waa jwbihina qimaha bdan,,

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #8 on: January 14, 2016, 02:14:59 PM »
A cochlear implant is an electronic medical device that replaces the function of the damaged inner ear. Unlike hearing aids, which make sounds louder, cochlear implants do the work of damaged parts of the inner ear (cochlea) to provide sound signals to the brain.

cochlear implant waa qalab electronic ah oo qabto shaqada dhegta qeybteeda gudaha haddii ay howlgabto.
Wuu ka duwan yahay qalabka samaacadaha oo howshoodu tahay in ay codka weyneeyaan ama waadixiyaan, laakiin qalabkaan wuxuu maskaxda u gudbiyaa dhambaalada codka markii wax la maqlo, taasoo ka maqnaata markii qofka uu dhegta qeybta howshaas qabato ay halawdo ama howlgabto.
Waana qalab lagu galliyo qalliin, waana muhiim inuu kuu galiyo qof khibrad u leh galinta qalabyadaas ee dhakhtar qalliin guud ma galin karo, xitaa dhakhaatiirta qaar ku takhasusay qalliinta dhagaha qaarkood ma galiyaan.

Ma ahan wax aad si shakhsi ah u dalban kartid laakiin isbitaal ama clinic wuu kuu dalbi karaa, waa laga yaabaa in Africa laga helo, laakiin ma kuu tilmaami kari meel gooni ah.

Haddii ay kaa go'an tahay in aad qalliinkaas samaysid waxaa kugula talin lahaa in aad India u aadid, maadaama qalliimada noocaas ah aanan wadamada Africa aysan ku badnayn, waxaa dhib noqon kara in aad hesho dhakhtar howshaas u gaar ah.

India waa laga heli karaa dhakhaatiir u gaar qalliinka noocaan ah, haddii ay kaa suuragalayso waa ila soo xiriiri kartaa mar kale, waan kugu xirayaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12537
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca

Started by Hussein FowzzyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 12950
Last post February 17, 2016, 03:42:08 PM
by SomaliDoc
Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)

Started by JamayassinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 63235
Last post May 28, 2015, 10:12:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qaabkee loo daweenkaraa maqalka dhagaha?

Started by FeysalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5149
Last post November 29, 2016, 03:32:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhagaha oo leh malax ama dhecan?

Started by SahilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4785
Last post April 07, 2019, 11:38:47 PM
by SomaliDoc