Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
Zaki Cade20:
Asc wallaha wepkan qimaha badan io bulsho waynta ku xirinba
Bacda salaaaan,
Aaan u soo daa dago su.ashayda, oo aan kaga waramo xanunka i haya
Dictore waxaa dhagaha iga furmay guux oo ka yeraya labda dhagod dhaxdooda tasoo sababtay in gabi ahaan an maqalka gabo gaar ahan hdlka oo an fahmaynin xataa hadi uu qofka kor u hdlo. ama dhagda inta afka lasaro oo lagu hdlo xataa, kaliya buqa io guxa ka yerayo dhagaha ayaa saa'idaya markasan dhibsanaya qofka qayladeda lkn hdl kisa ma fahmayi waxa uu shegayo qofka hdladaya oo warka waxu ku qasma waxa dhagaha ka yerayo, dhibadadaan waxay i haysaa mudo 1sano 3blooda,
Waxayna ka bilaabaday markedi hore Cirbad TB oo aan 6bilood qaday. Magacedana layirahdo (Kanamycin,) io waliba dawo TB oo mudo 1sano io 8 bilood qada nayay, magacedana layiraah (Mult Drug Resistant), Guuxa ama dhawaqa dhagaha ka yeraya waxuu igu bilawday markan 5 bilod marayay qadashda cirbdan io kinigaba, Dhakhtar Kaygina markas waxu nagu yiri guuxa waxa sababay waa cirbada kolkii ay dhamadana Guuxa wuu yarana kadibna dhagaha sidoo dii bay kuso labanayaan, isla Bishii ku xigtayba cirbadihi waay noo dhamden wana lega jojiyay, lkn kaninigii baa ilaa 1sano io 3bilood isii socday mudadaas dherna guuxa inuu sii ziyado mooye naqus man arag! Xataa dhakhtarka dhagaha wan u tagay lkn waxba musan ka qbn xldayda oo wuxu yiri dawadan aad qaada noysid aa sababtay marka hdii aay kuu dhamado dawada markaas ayaga iska soo ficnaanaya!! lkn ilaa hda wax kaso rayn ah ma daremaayo,
Hada dawadi TB way ii dhamaday gabigedba alx oo 6 bishaan may aay igu aked, lkn xanuunki dhagaha ayaa wali ladaala dhacaaya, sida darted fadlan i cawaya allahba wax cawiye oo dhorkaan su.alna iga siya fah fahin,
1)Xanunka guuxa oo dhagaha ku furmaa majiraa muxuu yahay fah fahin igasiya?
2)Majiraa qalab lagu baaro guxa dhagaha ka yerayo oo uu dhakhtarka ku ogan karyo dhawaqa gudaha ka shidan herkisa intu la eg yahy qalab lagu baaaro oo u gaar ah? anaan aheen kan dadka jig layasha ama kuwo maqalkoda hosiyo lagu baaro cabirka ay wax ka maqlaan,
3)Guuxa dhagaha iga furan dawo maledahy loo qaado oo malada wayn karaaa?
4)waxan joga dalka UGANDA majirabaad isledahay Dhakhatir xalda haygan Qaabishan oo wax kaqaban kara?
5)TB ama QAXADA Nucaas lega daweyay ee ah (Resistant) layirahdo fah fahin igasiya?
Ugu danbeen waxan si naxiriis leh idin kaga codsanayaa in aad isiisan Jawabo io fah fahino dheerad ah oo ku sabsan xldahayga waliba si dag dag ah si aan taloyinka aad isii saaan aan horay ugu fuliyo, ilaahay kheer badan ha idinkasiyo,
Waxn sugaba wa jwb hina qimaha bdan wabilahi Towfiiq,
SomaliDoc:
Guuxa dhagaha iyo waxii ku saabsan kaga bogo qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html
Daawada Amikacin waxay ka mid tahay daawooyinka ugu daran oo dhagaha sumeeya, dhagoolnimada ay keenaan wa nooc gooni ah waxaana loo yaqaanaa "Sensory-Neural Hearing Loss" oo ah macnaheeda in ay dhaawacdo neerfaha u qaabilsan maqalka.
Daawooyinka kale badanaa dadka way ka soo kabtaan laakiin daawadaan way yartahay oo dhagoolnimada ay keento waxay noqon kartaa mid joogto ah "irreversible".
Sidaa awgeed waxaa habboon markii qofka lagu arko in daawada laga joojiyo, haddii ay jiraan daawooyin kale oo uu qofka qaadanayane in loo badalo haddii la badali karo, haddii aan la badali karine in la miisaamo khasaarada joojinta daawadaas iyo faa'idadeeda.
Taladayda waxay tahay haddii aad rabtid in aad ka sal gaartid, dhibaatadaan in wax laga qaban karo in in kale in baaritaanno dhowr ah lagu marsiiyo khaas ahaan kuwa la baarayo neerfaha iyo heerka uu gaarsiisan yahay iyo rajadaada inta ay la egtahay.
Waana in ay arintaas iska kaashadaan dhowr dhakhtar, Neurologist, E.N.T iyo Audiologist.
Haddii rajadu ay yartahay waa in talo aad waydiisaa si maqalkaaga kor loogu qaadi lahaa adigoo isticmaalaha qalabyada loogu talagalay oo kala duwan.
Qalabyo aad u yar oo la sameeyay oo dhagta la galinayo oo aan la arkaynin xitaa way jiraan, ha ku fakarin kaliya qalab dhegta dusheeda la saarayo oo dadka u muuqdo.
Midda ku saabsan qaaxada aad daawada karin, si gooni ah ayaan kaaga soo jawaabi doonaa, waana kula socodsiinaynaa qoraal ku saabsan markaan soo diyaarinno.
Caafimaad ayaan kuu rajaynaa
Zaki Cade20:
Mahadsanid walaal,
laakin Dictore Asago Guuxii dhagaha kashidan yahy miyaa samecadaha dhagaha laqadan karaa? Mase waa in marka hore guuxa ladaweya oo xal loo helaaaa? Bal iga jaahil bixiya idinko mahadsan,
Ok. Mida Qaxada TB kusabsan Marki aad soo diyarisan wan idinka sugaa yaa iyada, mahad balaarana ha.idinka garto
SomaliDoc:
Maqal xumida waxay ku imaan kartaa guux ahaan, waxaa laga yaabaa hadalka oo safiican dhegta u soo gaari karin inay guuxaba tahay, dad guuxa kaga fiicnaaday markii codka loo weyneeyay waa la arkay.
Taasi waxaa kuu sheegi karo 'Audiologist-aha'
Zaki Cade20:
Aaaaaaad & Aaaaaaad baad u mahadsantihiin walalay,
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version