Author Topic: Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?  (Read 7579 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?
« on: May 13, 2015, 07:57:03 PM »
Acs waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa doctarada u huray dadkoda wakhtiga qaaliga ah ilahay a ka abaal mariyo
waxan idin soo kudbin lahaa idinka oo mahadsan waxaan daremaa xanuun badan oo jidhkayga ah wax ii kenana ma aqaano wanan adaa inta badan  dhakhtarka inbta badan wax xanun babiye dhafsana ima siyaan oo ima sheegan wax ma quula anigana marka xanunka i hayo aad iyo aad ayuu ii qabanayaa mar ba marka ka danbaysana waa igu sii kordhaa xanunkan oo ah in jidhkayga oo dhan iga xanuno muruqyada sida aan u fahmay inkaste oo ay igu adag tahay in aan garto mesha uu u badan yahay ama i xanunaysa wa ayo waa i xanunayaa jidhka oo dhan waxanan daremaya in xididada dhiiga marayaa uu cidhidhi aan ka daremayo wana mudo badan waxa xanunka i hayo marka sidaa i xanunayo jidhka xataa waa gubanayaa oo waxan radinayaa meel qabow wanan diqadaysanahay ilaa xaad waxanan jeclahay in aan biyo ku dhexjiro si jidhkan ii qabobo markan sidasi ahay kordhayga odhana waa kulayl oo waxaad modaa in ay qandho ihayso  markaa dhibkasi ayaa i ahysta in mudo badanaba wax xanuno ah oo aan qabo oo doctarku igu sheegayna waa Thrombocytopenia iyo xanuun ayna ii qorin magaciisa blse ay igu fah faahiyeen waxa mesha ka baxay difacagii jidhka oo is tagalaya isaga jidh kagana la dagalamaya markaa bal iga soo sii ya fah faahin waxasi waxa keena mase kenan xanunadan i haya ee dhiiga sideen se iska dawayn karaa?
Asc wr br waad mahasanitahiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?
« Reply #1 on: May 16, 2015, 04:53:42 PM »
Sida su'aashaadii horayba aan uga jawaabay waxa ay tahay "thrombocytopenia" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5592.0.html

Waxaa warbixintaada hadda ka muuqato in jirkaaga uu is la dagaalayo waa cillad is-difaacis oo loo yaqaano "Autoimmune disorder", waxaana jiro nooc u gaar ah unugyadaan jirkaaga ku yaraaday ee "Platelets-ka" waxaana loo yaqaanaa "Immune Thrombocytopenic Purpura", loona soo gaabiyo "ITP" cilladaan markii qofka lagu arko waa in baaritaan dhowr ah la marsiiyaa oo xittaa dhuuxa lefta dheecaan laga qaado si loo fiiriyo waxa keenay iyo haddii ay jiraan cudurro kale oo la socon karo.

Maxaayeelay xanuuanda difaaca jirka la xiriiro hal meel kaliya ma saameeyaan, waxaa dhici karto in qofka uu u keeno Sonkorow, Howlgabka thryoid-ka, Xanuunada roomaatiisamka ama xanuuno kalaba.

Si aad faahfaahin u hesho waxaan kugula talin lahaan in aad u tagto takhtarka ugu habboon xanuunkaaga oo ah "hematologist"ama "General Physician" ku taqasusay "Internal Medicine", maxaa yeelay waxaad u baahan tahay baaritaanno badan inkastoo aan garanaynin inta baaris aad hadda soo martay.

Haddii faahfaahin dheeraad ah naga siin karto baaritaannada aad martay noocyadooda, waxa takhaatiirta ay kugula taliyeen iyo haddii ay daawo kuu billaabeen iyo wixii kaloo warbixin ah oo taladeenna lagu dhisi karo waan soo dhawaynaynaa.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?
« Reply #2 on: May 22, 2015, 10:58:36 PM »
wall aad iyo aad ayaad ugu mahadasantahiin sida ficn ee ad markaste bulshada bukanka ah ula talisan ama u fah fahisan xanunka
 
kadib aniga wan adaaa dhakhtar wanan la xidhidhaa kaas hematologist markaa hada waxan la xidhayaa mudo ah 4 sano markii ugu horaysay waxay igu dhaheen xanunkaas ku dhacay xin jirowga waxba kama qaban karno oo haduu khatar keeno uunban eegayna blse hada ma jogo meshii xumayd marka uu ugu hooseyana waxay dhaheen waa 75 ayuu jogay adiga marna wa kordhaya oo 100 ayuu jogsadaa markaan kantarol kusamayno sidasi ayay ii sheegeen blse kan difaca wax fah faahin ah ima sheegan aan ahayn waxa khal khalay difacagii oo u shaqaynaya qalad markaa wali intaas unbayna igu dayaan anigna jiraba kama baxo oo malina wan ficnahay malina wan xanunsanayaa kan kalena waxa uu igu keenaa ba mar mar ka aan cadada leeyahay dhiig bax badan waxayna iga qoreen nin  dhiig jojiye ah on cuno malintii 12 xabo ilaa 4 ta cisho ee ugu horaysa markaa wakaa iyagana waxay isoo jeediyeen in aan xidho tan la iska ilasho urka ee makanka lagashado marka waa uu yaraynaya oo ma dhig baxaysid ayay igu dhaheen markaa anigna wan ka diday taladasi oo waxa jirta in aan aad iyo aad u xanunsado marka cadadu ay soo socoto ilaa labo weeg ka hor waxana iqabata jiro daran taasi ii sheeeg ayaan dhahay markaa waxba mayna ii shegin sidasi ayanan u qadan dawadasina asc

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?
« Reply #3 on: May 23, 2015, 04:31:44 PM »
Waxaan eebe kaaga baryayaa caafimaad buuxa, isagaa awooddaa iska leh, biniaadanka aqoontiisa way iska yartahay, waxyaabo badanoo dhakhaatiirta gacmaha ka taagaan ayaa iska caafimaaday daawo la'aan.

Inta aan ka naqaanno xanuunkaan haddii aan dhakhaatiir nahay, waa xanuun aanan bixin oo u baahan la tacaalis joogto, in aad ka fiicnaatidne way dhici kartaa.

Talo ahaan waxaan kuu soo jeedin lahaa, in aad xanunkaaga aqoon dheeraad ah u yeelato, dadka qabo iyo waxyaabaha dabiiciga ah ay isticmaalaan aad kala sheekaysatid, waxaa jiro website ay leeyihiin dadka xanuunkaaga oo kale qabo oo ay fikradahooda isku dhaafsadaan, wixii warbixin dheeraad ah ee ku soo kordho baaris ama daawo ahne iskula socodsiiyaan iyo haddii ay jiraan cunnooyin dabiici ah oo soo kobci kara unugyada xinjiroobista dhiigga u qaabilsan.
Website-ku wuxuu ku qoran yahay luqadda english-ka waxaana la dhahaa: http://www.pdsa.org/

Waxaa intaa sii dheer in aad xoogga saartid waxyaabaha la hubo in ay daawo yihiin sida: Malabka, Xabadsowdada iyo waxyaabaha kale ee rasuulka isku daaweyn jiray "Prophetic Medicine".

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33236
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32274
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23467
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25766
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29395
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc