Waxaa jira dad maalmahaan Facebook soo galiyay muuqaallo ay uga hadlayaan in Tufaaxa laga sameeyay shumac, taasoo ay ula jeedaan midka la shito oo aanaysan ahayn midda la fidiyo dhulka, oo weliba middi ama wax kale inta ay soo qaataan ku fiiqo, waxaana Tufaaxa ay ka hoolayaan wax cadcad oo u eg shumaca.
Waxaa intaa la sii raaciyay in ay Tufaaxa laga sameeyay shumaca uuna halis ku yahay caafimaadka qofka oo laga qaado Kansar!!!.
Waxaan filayaa in su'aashaada ay arrintaan daba socoto.
Marka hore, biniaadanka awood uma lahan inuu sameeyo miro ama fruits noocey rabaan ha ahaadaan, awoodaas eebbe ayay u sugnaatay.
Midda xigta, waxaa jiro wax la yiraahdo "Waxing" ama "Wax Coating" oo ay yaqaanaan shirkadaha baakadeeyo fruits-ka ama qudaarta safarka dheer gasho si aysan isu badalin qudaartaas ama mirahaas waxaa la mariyaa wax loo yaqaanno oo "Wax" oo shumaca oo kale ah, waana wax qofka aanan waxna u dhibin hadduu cuno oo jirka maba nuugi karo oo saxarada ayay soo raacdaa.
Maadadaan iyadoo dabiici ah ayaa ilaahay ku abuuray qolofta furuuts-ka badankood, midkaan hadda la mariyane waa sidaas oo kale laakiin warshad ayaa soo samaysay, ka fiirso film-kaan hoose sida tufaaxa loo mariyo Shumaca inta aanan la soo dhoofin:
Miraha ama qudaarta la soo mariyay maadadaan way ka duwan yihiin kuwa kale oo way dhalaalaysaa midda la soo mariyay sida ka muuqato sawirkaan hoose.
Waxayna maadadaan ka hortagtaa in tufaaxa uusan qallalin ama dheecaanka uusan ku yaraan oo freesh ahaado inta uu ka gaarayo meesha loo wado.
Waxaa arrintaan caadi aya u tahay dadka ku nool meelaha badanaa loo dhoofiyo cunnada laga cabsi qabo in aysan is badalin.
Annaga dhulkeenna waa hodan, wax badan ayaa laga helaa, waxyaabaha hadda badanaa dibadda noo laga soo dhoofiyo waxaa ugu horreeyo tuffaaxa, marka yaanan lala yaabin wax aduunka oo idil laga isticmaalo oo hay'adaha caafimaadka ay ansixiyeen in soomaalida loogu talagalay in lagugu baa'biyo ama lagu cirib tiro.
Waxaa kaloo la mariyaa shumacaan liinta, baradhada, oranjada ama burtuqaalka, barbarooniga, yaanyada cagaaran iyo waxyaabo kalaba.
Haddii aad dhibsanayso tufaaxa waxa la soo mariyay waaxaad samayn kartaa labo siyaabood si aad uga qaadid xuubka shumaca ah ee saaran:
1- In aad ka hooshid maadaama dhaqis uusan ku nadiifsamaynin.
2- In aad biyo qandac ah dhex dhigtid si shumaca uga dhalaalo.
3- Ama qaboojiyaha aad galiso, si xuubka si sahlan uga qaadi kartid markuu soo muuqdo.
Tuffaaxa sidiisa kale waa miro muhiim u ah jirka, waxaana ku badan fitamiin C, fitamiin b1, b2, b5, b6, b9 waxaa kaloo ku badan maadada fiber-ka la dhaho oo caloosha jilciso, waxaa kaloo ku jira maadooyinka kaalsiyamka, bootaasiyamka iyo foosfeytka oo intaba muhiim u aha jirka qeybihiisa kala duwan.
Waxaa kaloo la isku raacsan yahay in caafimaadka maskaxda iyo neerfaha uu tufaaxa u fiican yahay, waxayna cilmibaarayaasha ay sheegaan inuu ka hortag u yahay,
kolestaroolka,
sonkorowga,
cudurka laleemada,
kansarka naasaha iyo
halista faalijka.
Yeysan sheekadaan kaa hor istaagin cunista tufaaxa.
Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com