Author Topic: Su'aal: cudurada la isu gudbiyo iyo asaxaabta kugu dhoow?  (Read 5425 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Su'aal: cudurada la isu gudbiyo iyo asaxaabta kugu dhoow?
« on: May 25, 2015, 11:17:07 AM »
Walal marka hore dhakhtarada waan salaamayaa. Bacda salaan,

Xaqiiqdii garan maayo walaalahay waxaan ugu mahadceliyo gaar ahaan walalkayga isticmaala acount-ka somalidoc oo runtii ah ma-daale iyo halyey soomaaliyeed oo dadkiisa anfacay, maasha allaah.

Intaa ka bacdi su'aasha koowaan, waxaan dhakhtarka waydiin lahaa xanuunada la isu gudbiyo ma lagu kala qaadi karaa taabashada iyo alaabada la wada isticmaalo, sida: moobilka, shukaanta gaadhiga, weelka wax lagu cuno iwm.

Walal waxaan la deris ahay ama aan jiiraan la ahay dhowr qof oo ka cabanaya ama sheega in hepatetis b ay qabaan oo laga helay.

Sida aad la socotidna soomaalidu waa dad is jecel khaasatan deris ahaan, oo qofku wuxuu doonayaa inuu waxkasta kula qaybsado

oo hadduu casuumad sameeyo iyo hadduu ku arko adigoo qadadii ama quraacdii ka habsaamay wuxuu doonayaa in uu cunto kuu keeno,
hadaad diididna qofkaasi cuqdad buu qaadayaa oo wuu ka xumaanayaa.

haddaba maxay dhib leedahay in wax lala cuno ama alaabada lala isticmaalo dadka hepatit..b qaba?.

su'aasha labaadna waa: ilmaha yar waxa jirta in jiiraanta ama asaxaabtu xambaaraan ama faraha ku qabtaan oo ay maanta oo dhan hayaan iyagoo iskala ciyaaraya ama adigaba ku caawinaya, haddaba suaashu waa xanuun ma u gudbin karaan hadday ilmaha isku dhididaan ama ay cunto siiyaan.
NB... talaalku wax maka caawinayaa ilmaha yar markan oo kale.?

Su'aashayda sadexaadna waa:
Waxaan ka shaqeeyaa goob caafimaad had iyo goorna waxaan injections iyo infusions ku duraa ama ku mudaa dad xanuunsanaya,

haddaba dhibaato maxay leedahay dadka aan taabanayo ee dhiigooda iyo dhididkooduba isoo gaadhi karo marka aanan gloves isticmaalin?.

Dhakhtarada aanu la shaqaynaa markasta gloves ayay nagu waaniyaan in aan xidhano, haddana waxa dhacda marmar aanay kuu suurto gelayn in aad xidhato, sida marka xaaladu degdega tahay oo kale ama aanu meesha kuu oolin gloves.

Waad Mahadsan Tihiin Walal Dhammaan Bahda Somalidoc.com

Qoraalka waan badiyaye ha la iga raali noqdo wll.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: cudurada la isu gudbiyo iyo asaxaabta kugu dhoow?
« Reply #1 on: May 28, 2015, 11:07:09 PM »
Cagaarshowga kama mid ahan cudurrada taabashada lagu kala qaado, waxaa lagu kala qaadaan in dhiig lagugu shubo qof cagaarshow qabo, ama calyadiina is gaarto oo aad afka isla gashaan ama isu galmootaan.

Way jiraan xilliyo ay dhici karto in lagu qaado taabasho sida markuu cagaarshowga qofka Active ku yahay oo isagoo dhididsan iyo adigoo dhididsan aad isi salaantaan ama jirkiina oo qaawan is taabto, laakiin waa wax dhif ah.

Sidaa awgeed, cudurka hadduu ilaahay kuugu talagalay si kasto aad iskaga ilaaliso waad qaadi kartaa, laakiin dadaal ayaa nala faray, takhaatiirta oo is ilaaliya oo isbitaalka joogo xitaa way dhacdaa in ay si kadis ah wax u soo gaaraan waana sababta keentay in lagula taliyo in ay tallaal ka qaataan cagaarshowga.
Waxaa jiro cudurro badan oo lagu kala qaado neefsashada oo hawada kuu soo mari karo, waxaan ka mid ah tiibishada mana ahan wax aad iska ilaalin kartid, hadduu qofka xanuunsan uusan isaga taxaddar muujinin.

Dadka qabo xanuunada sida fudud lagu kala qaado waa in laga wacyi galiyaa siyaabaha ay dad kale ku qaadsiin karaan si ay uga fogaadaan.

Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Cagaarshowga B iyo C: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html

Ilaahay talo saara in xanuun kaa ilaaliyo mid aad iska ilaalin karto iyo mid aadan iska ilaalin karin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: cudurada la isu gudbiyo iyo asaxaabta kugu dhoow?
« Reply #2 on: May 31, 2015, 05:52:20 PM »
Walalkay aad iyo aad baan kuugu mahadcelinayaa. waxaad i siisay jawaab miisaaman oo xikmadaysan.

waxaan aad ugu farxaa sida aad cilmigaaga iyo caqiidadeena suuban isugu xidhiidhisid ee aad waxkasta halkii looga baahnaa iyo sidii ugu fiicnayd ugu dhigtid.

walal waan kuusoo ducaynayaa alle hakuu siyaadiyo cilmiga, caqliga wanaagsan, caqiidada toosan iyo caafimaadka.

alle haku oo haku sharfo oo haku barakeeyo maalinkasta tobanaan su'aalood oo aad ka jawaabtay  baan ka faa'iidaystaa aniga iyo dhammaan soomaalida ku xidhan web-kan www.somalidoc.com.

mahadsabid wll mar kale.


 

Su'aal: Cudurada ku dhaca cunaha iyo finanka kasoo baxa hunguriga?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13825
Last post September 20, 2011, 02:37:21 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurada ku dhaca xiliga uurka iyo kadib?

Started by AaminaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9872
Last post July 05, 2010, 11:06:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaaa Dr qaabilsan cudurada haweenka?

Started by UmuxafsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4937
Last post June 23, 2015, 01:30:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurada indhaha marka aad wax badan aqriso?

Started by Action powerBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2871
Last post April 13, 2016, 03:33:10 PM
by SomaliDoc
Genetical Diseases - Cudurada Hidde

Started by Zohrah_3Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6045
Last post November 10, 2012, 03:07:39 PM
by SomaliDoc