Author Topic: Su'aal: Tubooyinka Qaada Ugxanta Ayaa Iga Xiran?  (Read 49738 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline Qaali10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Tubooyinka Qaada Ugxanta Ayaa Iga Xiran?
« on: May 26, 2015, 12:01:32 PM »
Asc Dr.ad aya u mahadsantin dadaalkin iyo howsha ad umada uu heesan ilaha hadin ka ajarsiiyo. walal waxan u tagey dhaqtor waxa uu i dhahey waxa ka xiran labada tubo , mark buufiska la buufiyo xal ma uu noqonkartaa hadise la  bufiyo ma ku furmaan? dhibaatoyinka buufinta wax ma iga sheegi kartiin ?adinkoo mahadsan walalyaaal

Asc waa mahadsantiin . bahda  noo dadaloa. Hormanada aya xooga igu badan heerkii laga rabey ayay ka badanyihiin  marka maxa lagu yareya Ama lagu dheelitiraaa. adinkaoo mahdsan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tubooyinka Qaada Ugxanta Ayaa Iga Xiran?
« Reply #1 on: May 28, 2015, 10:53:00 PM »


Tubooyinka oo xirma waxay ka mid tahay asbaabaha ugu muhiimsan ee keeno madhalaysnimada, waxaa la aamisan yahay asbaabta haweenka u keento madhalaysnimada, boqolkiiba 20% waxaa u sabab ah tubooyinka oo xirmo, haddii hal tubo xiran tahay dumarka way dhali karaan, laakiin haddii labada tubo xiran yihiin waa in qalliin lagu furo ama siyaabo kale.

Sababta keenta in tubooyinka xirmaan waxaa ugu horreeyo infekshanka ku dhaco dumarka, waxaa kaloo keeni karo xanuun loo yaqaano "endometiritis" oo ku dhaco gidaarka raximka, waxaa kaloo keeni kara qabsinka iyo caabuqa ku dhaca ubucda.
Jeermiska ugu badan ee u sabab ah arrintaan waxaa loo yaqaanaa "Chlamydia".


Buufiska aad tilmaantay wax hadda la isticmaalo ma ahan oo mar horaa la isticmaali jiray, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Tubal Insuffilation", dhibka ay keensan karto iyo rajada furitaanka intuu la egyahay is malahan, sidaa darteed dadka lagu lama taliyo.

Waxyaabaha keenay in tubooyinka ay xirmaan in la ogaado ayaa ku xigta markii la arko in tubooyinka ay xiran yihiin, maxaayeelay rajada furitaankeeda waxay ku xiran tahay waxa xiray iyo xeritaanka intuu la eg yahay.

Tubooyinka in ay xiran yihiin waxaa lagu ogaadaa raajo gooni ah oo loogu talagalay oo la saaro qofka markii haweenta hoos looga shubo dareere raajada ka soo muuqan karo.

Haddii ultrasound ama computer sida soomaalida u taqaano lagu saaray oo lagu yiri tubooyinka ayaa xiran, waxba haku dhisin baaritaankaas ee raajitada ama sawirka loo yaqaaano "HSG" waa in lagu saaraa.

Midda ku saabsan hormoonnada kacsan, waxaan u baahannahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hormoonnada nooca ay yihiin iyo kansanaantooda heerka ay gaarsiisan tahay in aad noo sheegtid.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qaali10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Tubooyinka qaada ugxanta aya iga xiran?
« Reply #2 on: May 30, 2015, 11:26:02 AM »
waa mahdsatihiin jawaabtad qiimaha badan runti lkn maxa igu la talin laheydeen tuboyinka labduba waa xiranyihin  aya la i dhahay,buufiska dhibadisa   wax ma iga sheegi kartiin. sidoo kale ma  ii sheegi katiin dawoyin ka lagu daweeyo  oo an qof u dirsado si uu igu soo gado u.s.a ga
mida hormoonada xilga ay ii so dhawdahay  cadada aya naasaha i bararan  iyo xanuun daran wali.  wan isbaray xogaa hormandayd ayaa kacsan sida prolctinka iyo ostraginka ay kala ahaa25,59 sida ay iskug xigaan

Offline Qaali10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Tubooyinka qaada ugxanta aya iga xiran?
« Reply #3 on: June 02, 2015, 09:54:01 AM »
Asc Dr.ad aya u mahadsantin dadaalkin iyo howsha ad umada uu heesan ilaha hadin ka ajarsiiyo. waxan isku arkey shahwad ninka markii ay igu dhacdo oo an xogaa joogo  waxan dareemaa xanuun dhinac pevlic pain ilaa kilida  oo igu soo kordho marka sameynta ma tuboonyinka i iga xiran miyaaa mise waa cilad kale

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tubooyinka qaada ugxanta aya iga xiran?
« Reply #4 on: June 05, 2015, 07:29:19 PM »
Fadlan la xiriir takhtar "Gynecologist" ah isagaa kuu sheegi karo daawo in aad qaadan kartid waxay ku xiran tahay xaaladada caafimaad iyo rajada inta ay la eg thay, midda kale ma ahan daawooyin laguu soo gadi karo inta aad qof u dirsato.
Tubooyinka oo xirma waxay calaamad u noqon kartaa xanuun khalal hormoonnada keeno oo dumarka ku dhaco, waxaana loo yaqaanaa "Endometriosis", calaamadaha aad dareemayso isagaa dhici karto, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qaali10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Tubooyinka Qaada Ugxanta Ayaa Iga Xiran?
« Reply #5 on: February 04, 2016, 10:53:52 AM »
asc walal ad aya u mahadsantihiin waxan idin waydiinaya  laperscopyg  ama camerida la galiyo gudaha haweenka  oo logu talagaley in ay soo xaliso am lagu qalo  qatarted maxey tahey? rajo intee le.eg bay ku furi karta tubooyinka hadi ay xiranyihin  xoga fahfahin ma iga siin karta in hadi ay qalinkas galo waxyabah dhibatad badan ee iga imaan kara. mise igula talin laheydeen adinku/

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tubooyinka Qaada Ugxanta Ayaa Iga Xiran?
« Reply #6 on: February 14, 2016, 02:26:31 PM »
Qalliinka kaamirada ee Laproscopy-ga waa qalliin fudud, wax dhibaato ah oo wayne ma keeno, laakiin rajada in tubada la furo waxay ku xiran tahay xerniinka heerka uu gaarsiisnaa, muddada ay xirneed iyo cillada keeni karto xerniinkaas.
Su'aashaas waxaa ka jawaabi karo kaliya dhakhtarka ku qali rabo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: