Author Topic: Su'aal: Dhibka sigaarka agtaada lagu cabo?  (Read 8712 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhibka sigaarka agtaada lagu cabo?
« on: May 28, 2015, 08:04:18 PM »
asc somalidoc, salaan ka dib, waxaan cabi jiray mudo dheer sigaarka waaan joojiyay alxmd hada sigaar ma cabo, laakiin waxaan guri la qaybsadaa dad cabo sigaar laakiin qolkayga ilama degana oo jikada iyo suuliga baa inaga dhaxeeya,marka waxaan rabaa inaan ogaado qofka sigaarka lagu ag cabo oo dhibka keena makan agtaada lagu cabaa oo qiiiqa oo aad laqdo ama sanka kaa galo mise haduu qofka ku cabay  jikada after 5 minute hadaa imaado wali ma jiri karaa dhibki qiiqa sigaarka  taas inaan  ogaado ayaan rabaa some times waxaa dhacdo qof inuu suuliga sigaar ku cabo anigana markaas ka dib aan u baahdo wali sigaarki wuu ka soo urayaa markaa taas dhib miyee ii keeni kartaa  tnks somalidoc.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhibka sigaarka agtaada lagu cabo?
« Reply #1 on: May 28, 2015, 10:08:02 PM »


Sigaarka lagugu agcabo waxaa laga qaadaa dhibaatooyin caafimaad, waxay cilmibaarayaasha sheegaan inuu ka dhib badan yahay kan aad adiga cabtid, maadaama midka aad cabtid aad la qaadatid hawo oksajiin, dhibka sigaarka kaa soo gaarayo kaliya ayaa halis ugu jirtaa, hawada oksajiintu waa hawo fiican., laakiin kan lagugu agcabo waxaa la socoto hawo jirka sun ku ah oo loo yaqaano "carbon dioxide" ama Co2 sida dadka qaar u yaqaanaan, marka sigaarkii suntiisa iyo hawadaas halista ah oo isla socoto ayaa dhuuqaysaa.

Dadka dhibaatada ugu badan soo gaarto waa caruurta yaryar iyo haweenka uurka leh, oo aanan u adkaysan karin halista suntaas, waxaa dhici karto in hooyadu ay dilanto hadii dhowr jeer lagu agcabo sigaarka, ilmuhuna ay ka qaadaan cudurro sambabka ku dhaco.

Laakiin midda ku saabsan haddii meel lagu cabay aad soo gashid, dhib ma kuu keeni karaa?
waxay ku xiran tahay xilliga lagu cabay, qadarka la cabay iyo meesha in ay hawo xiran tahay iyo in kale, haddii weli qiiqii aad ugu tagtay meesha aad ka dareentay urka sigaarka, halistu way badan tahay.

In aad ka qaadi kartid kansar ama dhibaato kale ku neefsashada qol sigaar horay loogu cabay, qof sheegi karo ma lahan, laakiin wuu ka dhib yaryahay mar kasta kan lagugu agcabay ama lagu cabay qol xiran oo aad ku jirtay ama baabuur aad saaran tahay oo daaqadaha u xiran yihiin.

Dhibaatooyinka kale ee laga qaadi karo sigaarka lagu ag cabo, waxaa ka mid ah, xanuunka goonjabka, neefta, qabatinka nikotiinka oo ah macnaheedu in aad adigane sigaar ku walfi doontid, waxaa kaloo diraasad la sameeyay dhawaantaan lagu arkay in gabdhaha iyagoo yaryar waalidkood sigaar ku agcabi jiray lagu arkay madhalaysnimo markay guursadeen, taaso oo la ogaaday in sigaarku uu baab'iyo ugxanta dumarka!!!.

Akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo sigaar cabista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.0.html
Akhriso cudurka Kansarka uu sigaarka keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1862.0.html

Haddii aad su'aalo caaafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107031
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64499
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29309
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53680
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34587
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca