Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Kaadida ma xajin karo?
(1/1)
Maryam22:
Kaadida oo aan la xajin karin ama la ceshan karin marka wax qaboow lacabana ama biyo lacabana kaadida horay kaa qabaneeyso maxaa keeni kara infection kaadidayda waalaga waayay baaritaan kilyaha shaqadooda ahna oo dhiig la iga qaadayna dhoowr cisho kahor ayaan maray waana ok ayaa la igu yiri hadana kaadida markay iqabato ma xajin karo weey iga baxsaneeysaa
SomaliDoc:
Ma leedahay wax astaamo kale oo lagu yaqaanno Infekshanka, waxaa dhici karto marmarka qaar in kaadida wax laga waayo sababo dhowr ah dartood oo ay ka mid tahay in kaadida aad shaybaarka gaysay aysan ahayn mid subaxdii hore aad qaaday oo kugu barisay oo aad biyo cabtay ama maalintii dhexdeeda la baaray, waxaa dhici karto shaybaarka in ay cillad ka jirto, sidaa awgeed bal iska fiiri calaamadahaan kale oo halkaan ku qoran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
Midda kale waxa kale oo kaadida badin kara waa hadduu jiro macaan ama aad qaadanayso daawooyina ama cunnooyin kaadida badin karo ama ay jirto cillad kaadi heysta neerfaheeda la xiriirto oo kaa soo gaartay dhibaato fool hore la xiriirto ama in jawiga qabow uu kugu cusub yahay.
Waxyaabo badan ayaa keeni karo laakiin badanaa Infekshanka iyo Sonkorowga ayaa laga billaabaa baaritaannada.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version