Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

(1/1)

Jiidhe:
ASC Dr,
Fixisada an jeeda waa ta marka daqiiqda la qoosho ama la xasho lagu daro si ay hore u faxdo.

SomaliDoc:
Fixisada ama khamiirisada sida dadka qaar u yaqaanaan, wax dhibaato ah oo ay caafimaadka u keento ma jirto.
Khamiirisada waxaa ku jiro maaddo loo yaqaanno "Beta 1 3 Glucans " oo difaaca jirka sare u qaaddo sida ay cilmibaarayaasha ay sheegaan, Asal ahaan fixisada waa dulkunoole ka mid ah noocyada fangaska, dhibaato caafimaadne ma keeno.
In jirka la mariyo ama ilkaha lagu cadaysto waa arrin ay dadka qaar sameeyaan, wax dhib ahne ma keento.
Way jiraan dadka qaar xasaasiyad ku qabo oo ku xanuunsado markii ay cunaan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version