Author Topic: Su'aal: Waa maxey testosterone ?  (Read 26495 times)

0 Members and 10 Guests are viewing this topic.

Offline Gedi20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxey testosterone ?
« on: June 06, 2015, 12:49:12 PM »
Asc Dr iyo hool wadayaash wabsite,
 waxa aan raba in aan wax badan ka ogaado ...testosterone... waa maxey testosterone? maxa sababo in u yaraado ? sidee lo kordhin karaa hadi u ku yaraado jirka ? yaraanta testosterone malaka daramee jirka bini adanka  ? cunoyinke laka helaaa testosterone ? qofka cabir inte la eg aya jirkiisa laka raba in u ku jiro testosterone ?
 waad ku  mahadsantiin sida aad u cawineysan walalihina somaliyeed




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxey testosterone ?
« Reply #1 on: June 10, 2015, 01:08:16 AM »


Waa maxay Testosterone?
Waa hormoon ka tirsan hormoonnada ragga ee loo yaqaano "Androgen" waxaana laga helaa dadka iyo xoolaha intaba, badanaa waxaa laga soo daayaa xiniinyaha.
Haweenka laftirkooda way qabaan hormoonkaan laakiin aad ayuu ugu yaryahay.
Waa hormoonka u qaabilsan korriinka xiniinyaha, qanjirka ragga, soo saarka tinta ragga lagu garto iyo qaab u samaynta murqaha iyo lafaha ragga.
Hormoonkaan wuxuu muhiim u yahay caafimaadka, hadduu yaraado dhibaatooyin badan ayuu keenaa, wuxuuna xittaa ka hortagaa cudurka lafo-beelka.
Haddii haweenka uu ku bato hormoonkaan codkooda wuxuu u ekaadaa sida ragga, xabadka ama shaarbaha timan ayay ku yeelan karaan, qaab dhismeedka jirkoodane ragga ayay u ekaan karaan.

Maxaa sababo inuu yaraado?
Waxa ugu horreeya ee yareeyo waa da'da, waxaa ku xigo haddii xiniinyaha aynan shaqeynaynin ama cillad qanjirrada hormoonnada kontoroola ee maskaxda ku yaalo ay cillad ka jirto, waana xanuuno lagu dhalan karo ama iyadoo la weyn yahay qofka ku dhici karo.

Sidee loo kordhin karaa? Hadduu yaraado maxaa lagu ogaadaa?
Haddii hormoonkaan uu yaryahay waa in qofka la baaro iyadoo la firinayo hormoonno kale ee xiriir la leh hormoonkaan oo kala sheegi karo meesha cillada ay ka imaan karto, haddii ay tahay wax qofka uu ku dhashay ama cillad ku soo baxday isagoo weyn, sababta baaritaankaan iyo kala garashadaan muhiim u tahay waa in daaweynteeda nooca ay tahay la ogaado.
Marka waxaa muhiim ah in la ogaado xanuun la yiraahdo "Hypogonadism" inuu jiro iyo nuuca uu yahay waana cillada boqolkiiba 95% keento hormoonkaan inuu yaraado.

Cunnooyinka laga helo Testosterone?
Way jiraan daawooyin loo qaato oo badalkeeda gali karo, laakiin waa qassab in takhtar kuu qoro, cabbirka aad u baahan tahayne kuu xisaabiyo maxaa yeelay ma ahan daawo la iska qaadan karo oo dhibaatooyin badan ayaa ka dhalan karo una badan dhinaca wadnaha haddii aad iska badiso.
Cuntooyinka laga helo waxaa ugu horreeyo fitamiin D-ga, kalluunka Tunada la dhaho oo gasacadaha ku yimaado, caanaha, jaallaha ukunta, aargoosatada, beerka lo'da iyo lohodka.

Qofka cabir intee la eg ayaa jirkiisa laga rabaa?
Cabbirka waxay ku xiran tahay da'da aad jirto.
15-16 jir: 100 - 1200 ng/dl
17-18 jir: 300 - 1200 ng/dl
19+ jir: 240 - 950 ng/dl
30+ jir: 270 - 1,070 ng/dl


Akhriso qoraal ku saabsan cunnada ragga u roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html
Fadlan la xiriir takhtar ku taqassusay cilaldaha hormoonnada ee loo yaqaanno "Endocrinologist".

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 29018
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Low testosterone in men linked to earlier death!

Started by PharmacistBoard Health News and Events

Replies: 2
Views: 16052
Last post October 24, 2007, 10:24:21 PM
by Pharmacist
Su'aal: Ma la cabbiri karaa Testosterone hormone?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4323
Last post February 28, 2017, 12:54:22 PM
by SomaliDoc
Jokes and Testosterone

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 6
Views: 8037
Last post July 10, 2008, 11:32:41 PM
by PrincessMuni
Waa maxay testosterone?

Started by Mohamed saxaneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4008
Last post March 02, 2016, 12:38:34 PM
by SomaliDoc