Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Vitaminska dabka ama karinta maku dhintaan?

(1/1)

Cali Asaaro:
Asc Somalidoc, salaan ka dib, waxaan ka maqlay dadka qaar oo ku dhahaayo vitaminka dabka wuu ku dhintaa  siiba kan khudaarta laga helo, marka arintaas maxaa ka jiro? mideeda kale ukunta hadaan kariyo si caadi eh vitaminska ku jira miyay burburayaan? tnks

SomaliDoc:

Sida aan wada ognahay fitamiinada waxay badanaa laga helaa khudrada iyo fruits-ka, labadane lama kariyo, maxaayeelay karintu waxay badalaysaa qaabkii aad uga faaidaysan laheed macaadinta ku jirto oo ay fitamiinada ka mid yihiin, khudrada biyo qanadac ah waa lala dhigi karaa, laakiin karintu way burburisaa fitamiinnada khaas ahaan kuwa biyaha ku milmo oo kala ah: thiamin (vitamin B1), riboflavin (vitamin B2), niacin (vitamin B3), vitamin B6 (pyridoxine), folate (folic acid), vitamin B12, biotin and pantothenic acid.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan fitamiinadaas waxa ay kala yihiin iyo cunnooyinka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

Ukunta waxaa ugu badan oo laga helaa maadada borotiinka, iyadane markii biyaha lagu kariyo ayay ka faaido badan tahay markii saliidda lagu shiilo, laakiin mar kasta faai'dada borotiinka wuu jirayaa.
Daawada Fitamiinka ma la iska qaadan karaa, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5769.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version