Author Topic: Su'aal: Qof qaato Aspirin oo dhagahane guuxaan?  (Read 3326 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sahra Cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qof qaato Aspirin oo dhagahane guuxaan?
« on: May 29, 2015, 10:30:10 PM »
Asc walal waxan rabay qof hada ko hor ku dhacay stroke oo qata aspirin lana yiri inta naftu kugu jirto ma jojinesid guuxa dhahana hal dhag ka qaba muxu sameyn karaa mana jojin karo aspirin kee. Mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qof qaato Aspirin oo dhagahane guuxaan?
« Reply #1 on: June 05, 2015, 07:02:10 PM »
Daawada asprin-ka waxuu ugu horreeyaa daawooyinka dhaga-guuxa keeno, laakiin badanaa waa haddii cabbirka "Dose" uu qofka ku badan yahay.
Haddii ay daawada asprin-ka ee looga hortago stroke iyo wadna qabadka waa 75 mg, maalintiina waa hal xabo, hadduu intaa ka badan yahay, waa in laga yareeyaa oo aad la xiriirisaa dhakhtarka.
Hadduu cabbirka intaa yahay, guuxane uu qofka dhibaato ku hayo waxaa jiro daawooyin gali kara booska Asprin-ka, laakiin way ka qaalisan yihiin meel kastane lagama heli karo, waa in aad kala tashataa takhtarkeeda arrintaasne.
Midda kale haddii ay jiraan daawooyin kale oo qofku uu la qaato Asprin-ka way keeni kartaa in ay cabbirka asprinka uu ku siyaado qofka oo daawadaas kale ay kordhiso, taasna waxaa habboon in la ogaado daawooyinka kale ay la qaadato, maxaa yeelay qofka Stroke ka soo kaco, daawoyin badan oo kala duwan ayaa badanaa takhaatiirta u qoraan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?

Started by Fadxi2019Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35861
Last post January 23, 2016, 01:13:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxey cirbada garbaha laga qaato ee Testenon?

Started by Maxamed.gureeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 4738
Last post December 12, 2015, 08:03:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Talaalka xilliga uurka la qaato waa imisa?

Started by ShaxshaxleeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8276
Last post January 27, 2015, 12:48:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawo layska qaato dhaqtar la'aan iyo dos la'aan

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4672
Last post November 21, 2011, 11:31:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada TB-da 2 sano la qaato ma jirtaa?

Started by SaneetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2685
Last post September 22, 2015, 02:13:30 PM
by SomaliDoc