Author Topic: Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?  (Read 13393 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shucayb

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?
« on: May 31, 2015, 11:09:38 PM »
Ascdr
Waxaa  jirta  maamo eedaday ah  so waxaa haya  cudurka loo yaqaan macaanka afka qalaadna lagu yiraahdo "Diabates" sidaas ogtahay   cudurkani waxa uu fara ba'an  ku hayaa  umada somaaliyeed  mana  jirto dawlad  isku hawshay sidii  cudurkani loo  yaryn laha  walow  cudurkani yahay  cudur  dadka waawayn inta badan ku dhaca    Islaantan waa eedaday  waxa cudurkan  qabtaa mudo  dhowr sano ah  Dhakhaatiir badan baanu  gaynay  ilaa iyo hadana wax isbadal  ah kama hayno  wali   xanuunki wuu hayaaa    walow  maqaalo badan  an akhriyay  Waxaay maqaladasi  shegayan   inuusan jirin wax  dawo  rasmi ah oo  cudurkaas  uu leeyahay

Lkn wali kuma kalsooni  maqaaladaas oo shaki  baa igaga jira   dr  maamadu  waa  qiyaastii  50 jir  xanuunkana  way la dhibantahay  waxaa taaas u dheer waxay ku nooshahay somalia  oo aan lahayn  daawayn rasmi ah  ama  xanaano
Waxaan  rabaa  wax dawo ah oo aan siiyo maamadan??  iyo wixii  talo ah ee aad iga sinkarto sidii aan u xanaanayn lahaa  maamadan


By shucayb Awmuse

THNKS DR/DRS




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?
« Reply #1 on: June 05, 2015, 07:25:34 PM »
Marka hore Sonkorowga dad weyn iyo dad yarba wuu ku dhici karaa, siyaabo badan ayuu ku imaan karaa, daawo looga bogsado ma jirto laakiin daawooyin sonkorta lagu kontaroolo ayaa jiro oo noocyo badan leh.
Nooca uu qofka u baahan yahay waxay ku xiran tahay waxyaabo badan oo uu takhtarka qofka ka ogaan karo.
Midda kale takhtar aqoon u leh cudurka Sonkorowga u gey, adiga daawo ha siinin hana u soo gadin, maxaa yeelay waxaa dhici karto daawadaas in ay dhib hor leh u keento oo ay kilyaha wax ka gaarsiiso ama wadnaha ama meelo kalaba.
Fadlan ka faa'idayso qoraalladaan wacyi galinta ah oo sonkrowga ku saabsan, waxay kaaga jawaabayaan su'aalaha badanaa aad qabtid.
Waa maxay sonkorow ama kaadi-macaan?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,342.0.html
Warbixin dhameestiran macaanka?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html
Sonkorowga iyo daawooyinkiisa?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2924.0.html
Su'aalo iyo Jawaabo: Sonkorow: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12149
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin.. (WARBIXIN)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 34307
Last post April 21, 2011, 08:48:49 AM
by Drkheyre
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14200
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin
Impact of adverse drug reaction in Somalia ( waxyeelada daawada ).....????

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 5
Views: 27091
Last post October 17, 2011, 09:05:03 AM
by Abdicade
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11661
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc