Author Topic: Su'aal: Cudur maqaar oo igu dhacay?  (Read 6209 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mudahne

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cudur maqaar oo igu dhacay?
« on: June 06, 2015, 02:47:09 PM »
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Walaalayaal waxaan rabaa in aan idin ka waramo taariikh dheer oo uu isoo hayay cudurka allergic skin oo ah mid jirka intiisa badan ay isku badashay boogo sida wajiga laalaabadka gacmaha, iyo meelaha jilcan ee jirka iyadoo uu aad ii cuncuni jireen, marada aan ku seexdo waxaa lagu arki jiray maqaarkayga wax ka so daatay oo laga hurgufi karo iyadoo jirkii soo daadanayo. waxaana xanuunkan igu bilowday ilaa 4 ama 5 sano anoo jira.  markii la ii geeyo dhaqaatiirta ku taqasustay cudurada maqaarka waxay ii so qori jireen daawooyin fudud oo aan ahayn kuwo si fiican ii caawiya. mana jirin in la isku howlay in la oogaado waxa uu iga daba socdo cudurkan joogtada igu noqday, waxaa kaloo feer socday in mararka qaar neeftu igu cuslaato iyo allergic ka gooni ah midka joogtada ii haya, kan goonida ah waxaan ka qaadi jiray 4 cunto oo kala aha 1. caanaha geela 2. hilibka digaaga 3. ukunta 4.iyo kaluunka. markay xaaladayda caafimaad qatar taas gashay o waliidkey ay ku daaleen in ay itusaan dhaqtaradii maqaarada Saudi Arabia ee dhexbartankii sagaashamaadkii joogay, ayaa dhaqtar sudani ah kula taliyay aabahay in la iga kaxeeyo wadankan oo la i geeyo wadan ama magaalo aan bad lahayn. markii taas la raacay waxaa la i geeyay gobalada dhexe ee soomaliya. Alxamdulilaah xiligaas waxaan aad uga nastay kulkii uu xanuunkan igu hayay oo aad ii dhibateeyay ilaa intii aanan qaangaadhayay markaas oo xiligii aan qaangaaray jirkayga inta wahjiga ah iyo garabaha ay hadheeyeen finan ay dadku igu sheegeen fin doob iyo maqaarkaygii oo aad u madoobaday iyadoo ay jireen cuncun badan balse aan dhibaato badan aan ku qabin. mudo kadib waxaan wax barasho u aaday dalka ethiopia magaalo madaxdooda Addis Ababa oo ah magaalo aad u qabow, wax yar mrkaan joogay waxaan isku arkay in jirkaygii finankii ka sii baaba'ayaan oo u muuqatay in aan ku soo raysanayo, balse waxaa markiiba dhacday in jirkii ka soo baxeen finan yaryar oo cad cad oo ka so baxay laalabadka gacmaha. waxaan u tagay nin dhaqtar aad ugu taqasusay cudurada maqaarka waxaana uu isiiyay irbad DIPROFOS 2ml ah iyo daawooyin jirka la marinayo oo pharmacy uu leeyahay lagu sameeyo, markaan isticmaalay kadib waxaa dhacday in ay iga tageen xanuunkii balse mudo kooban kadib waxaa dhacday hadana in ay soo noqdeen taas oo aan hadana ku noqday ugana waramay tariikhdii hore iyo isbadalkan hada yimid waxaana uu  isiiyay daawe kale asagoo igu dhahay waxaa macquul ah inaad cimiladan ku tahay allergic, waxaa markaas ku jiraa jaamacad aanan ka tagi karin oo aan fursad deeq waxbarasho ah aan ku dhigto markii aan inta xanuunkii soo laabtay daawadii danbe kadib ayaa hadana uu noqday mid jirka dhani i qalaalayo ilaa uu bilaabo in uu sida jidhiftii soo daato xitaa madaxa maqaarkiisu wax walbana ay dhib igu yihiin ayaan bilaabay in aan iska isticmaalo daawoyinkiisi uu isoo qoray si ka baxsan qaanuunka anoo soo gadanaya kadibna iska isticmaalaya, waxaa dhacday in aan joogtaystay irbadii DIPROFOS ta ahayd oo ah storied ay side effects keedu aad u xunyihiin. xiligaas aan iska isticmaalayo uma lahayn ama kama haysan wax fikir ah. waxaa dhacday anoo ku jira sanadkii ugu danbeeyay ee jaamacada in nin pharmacy haystay oo aan ka iib saday dhowr xabo uu igu dhahay dawadan waxay leedahay waxyeelo aad u xun, kadibna waxaan internet ka ka badhay side effects keedi, hada kamaanan maarmi jirin oo hadaan iska dhafo wax barashadayda ma sii wadan karin. kadib waxaa dhacday in aan isku arkay jidhkayga meelo lines ah oo igu sii fidaya oo maqarka ka ah waliba bowdyaha oo guduud ah, kadib mrkan dhqatar u tagay kale oo somali ah wuxuu igu amray in aan joojiyo irbadaas oo aan isticmaali jiray bil kasta hal xabo mudo 3 sano ah, baarid uu igu sameeyay waxa uu iga waayay diabates oo ay keento irbadani marka la iska badiyo laakin waxaa jiray oo kale in ay lafaha ama korinkaygii uu noqday gaabis ama aan noqday qof ka muqaal yar intii aan ahaan jiray awal iyo in wajigii i bararay sidii qof cayilay, markaa kadib waxaa joojiyay irabadii ayadoo xanuunkii igu soo noqday waxaana kulaabtay magaaladii aan somaaliya ka daganaa ayadoo uu iiga soo daray xanuunkii  oo uu maqaarkaygii noqday waqtigii iigu xumaa ayadoo oogada dhan i qalashay waliba surka iyadoo ay soo daadanayso wax aa moodo qolfo oo maqaarka ka soo dadanaya markaan ka kaco hurdada ayaan ku arkaa maradaa ku jiifay waxaa kaloo jira inay jirkii xooga barar ah ku siyaadeen iyo waliba ur qadhmuun oo ka soo baxaya jirka cun cun siyaado ah iyo cad ceeda oo anan xitaa istaagi karin daqiiqad hurdo badan oo malintii ah iyadoo hadaan ka baxo mara kaneecada aan arkayo duqsiga oo igu soo xoomaya sida nabar oo kale. marka doctor hada xaaladayda aad bay uga dartay ayadoo sababo u yihiin daawoyin aan si qaldan isaga badiyay. waxaa kaloo jira wax ka soo kuusan naaska bidix korkiisa oo markii aan allergic ga kaco isna waynaada markuu dagana isna dagaaya. marka waxaan garan waayay markaan tagay addis ababa in uu igu soo noqdo allergic gii waaga yaraa mid ku dhaw, mararka qaar waxaan ka shakiyaa ma biyaha chlorine ta leh oo labada wadan ba ka sinaayeen miya maadama kuwa soomaliya aysan lahayn waliba magalada aan joogo ee Gaalkacyo marka doctor hada waxaan ku socdaa dalka india si aan u soo hubiyo meesha la iga daba socdo waxaa kaloo rabaa in aa Qur;aan isasaaro aana isticmaalo daawo dhireed la Qur;raan saaray. marka talo isii bal waxa uu yahay xanuunka qiyaastada iyo waliba dhaqaatiir fiican oo aad garanayso haday jiraan oo aad ii tilmaami karto si aan ugu tago hadaan awoodo
WABILAAHI TOWFIIQ




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudur maqaar oo igu dhacay?
« Reply #1 on: June 10, 2015, 01:22:03 AM »
Marka hore ilaah ayaa caafmaadka hayo, bini'aadanka aqoontiisane way iska yartahay.

Midda xigta cudurrada maqaarka ku dhaco way fara badan yihiin, kuwa la xiriira xasaasiyadda waxaa badanaa lagu qaldaa xanuunno maqaar ka dhasho cillad isdifaacis xagga jirka ah.
Taasi oo macnaheeda ah in jirku isla dagaalayo, sida in unugyada maqaarka ay dhakhso soo daataan ama aysan cimillada qaar u adkaysan karin, waana xanuunno badanaa cilmibaaris ku socd oo inta laga yaqaanno way iska yartahay.

Xanuunadaan maqaarka ku dhaco waxaa la isku dhahaa "Autoimmune Skin Disorders".
Aqoonta hadda way ka hormartay sidii hore oo baaritaanno unugyada maqaarka ayaa la baaraa oo laga ogaadaa cilladaha jiro iyo nuuca ay tahay, daaweyntuna waa kaalmaati maadaama ay u badan tahay wax qofka ku dhasho.

Inkastoo garashada cudurka ay waxweyn u tarto qofka xanuunsan laakiin kuma dhihi karo xanuunkaas ayaa ku hayo, laakiin astaamaha aad sheegtay waxaan filayaa mid ka mid kooxdaas xanuunada aan kuu soo sheegay kama marno meesha, iyadoo aan ku dhisayo warbixinta dheer aad ii soo qortay.

Xanuunadaas maadaama ay xiriir la leedahay cillad difaaca jirka oo isku mashquulay, waxaa badanaa dadkuay ku nastaan markay qaataan daawada steroids-ka oo ah daawo hoos u dhigta unugyada difaaca jirka, waana sababta ay ugu nafisaan dadka qabo neefta, allerjiga, sanboorka, xajiinta iyo kuwa kalaba.

Laakiin sida aad tilmaantay dhibaatada laga dhexlayo ayaa kabadan khaas ahaan haddii sida aad u isticmaashay iyo nooca aad ka isticmaashay daawadaas oo qatar ah, halkaan ka akhriso warbixin ku saabsan xanuunka laga qaado 'steroids-ka': http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3223.0.html

Marka in aad la kulanto takhtar ku taqasusay cudurrada maqaarka oo heesto qalab casri ah oo baritaannada uu u baahdo kaa qaadikaro waa muhiim, waan garanayaa soomaaliya, garashada cudurrada waa aragti dhinaca cilladaha maqaarka, cudurkii la garan waayane daawo marba mid ayaa lagu fiiriyaa.
Haddii aad India aad u socotid waa fikrad fiican, waadna ka heli kartaa qalabyadaas aan isleeyahay waad ubaahan kartaa, laakiin ku dadaal sida aad warbixinta noo siisay si ka sii tafaasiilsan u sii takhtarkaaga si uu warbixn guud uga helo xaaladdaada caafimaad, warbixinta tafaasiilsan waxay takhtarka u sahlaysaa garashada cilladaada.

Haddii aad luqadda English-ka isku fiican tihiin, bal akhriso oo wax ka baro xanuun la yiraahdo "Psoriasis" oo inta aad sheegtaba leh, uguna badan xanuunada cillada difaaca maqaarka ka jirto, soomaalidane ku dhaco inkastoo aysan aad ugu badnayn.
Wixii talo ama faahfaahin aad u baahatane waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mudahne

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cudur maqaar oo igu dhacay?
« Reply #2 on: June 10, 2015, 01:34:24 PM »
Doctor aad ayaad u mahadsantahay, waxaa jeclaan lahaa inaa ii sheegtid dhaqtar joogo somalia hadaa garanaysid oo aan tuso ciladayda si aan talo uga qaato intaanan galin safarka... Hadii ay suurogal tahay in ay jirto meel aa idin ka soo waco aad baan u jeclaanlahaa in aa idin la soo xiriiro lkn web ka wali si fiican uma wada aqrin si aan uga dhex helo meel la idin kala xiriiro, mrka doc xagee idin kala soo xiriira Fadlan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudur maqaar oo igu dhacay?
« Reply #3 on: June 13, 2015, 02:42:27 PM »
Meel aan Soomaaliya dhexdeeda kuugu tilmaamo karo takhtar cudurrada maqaarka ku taqasusay ma garanayo, laakiin sida aan kuu tilmaamay waxaad u baahan tahay in aan daawo laguu qrin in la garto xanuunkaan aad muddada ku soo hayay.
Annaga waxaan kaa caawin karnaa wixii warbixin, wacyi galin iyo talo ku aadan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?

Started by QalbiyareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 10
Views: 43574
Last post April 15, 2018, 02:30:28 PM
by Muxya62
Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10944
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 19047
Last post May 20, 2012, 01:27:19 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 8410
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9210
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc