Mucaas, marka hore waa in la hubiyaa in aad sida aad dareemayso ay wax u jiraan, aniga inta aan ku arkay khibradeyda, dadka dhalinyarada ayaa sheegashadaas u badan, mana ahan wax si sax ah u jiro ee qofka ayaa ka dhaadhacsan inuu shiirayo, dadka kalane in ay dhibsanayaan qofka ayaa iska dhaadhiciyay, oo badanaa haddaa waydiisid ma jiraa qof ku dhahay: waad shiiraysaa ama qof dadka guriga kula daggan sida walaalaha ama waaldka uu dareemayo ma jiraa? badanaa jawaabtu waxay noqotaa maya.
Sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar marka hore u tagtid si shakkiga kaaga baxo hadduu jiro, haddii shakki aysan ahayn oo wax jira ay tahayne waxaa la ogaanayaa cillada meesha ay ka jirto, haddii tusaale ahaan infekshan jirka uu jiro oo dheecaan leh sida Fistulada oo kale ama sanbab malaxoobidda ama cilladaha af-urka keeno ama haddii qanjirrada dhididka ma kuwa subagga soo daayo jirka ay jiran yihiin.
Laakiin badanaa arrintaa haddii ay jirto xittaa waa dhif.