Author Topic: Su'aal: Wajiga labada dhaban ayaa i casaada?  (Read 6226 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Samira_m

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wajiga labada dhaban ayaa i casaada?
« on: June 13, 2015, 05:21:56 AM »
Asc aad ban idiin salamayaa walaal waxan idiin weydiinayaa hadaad iga caawin kartaan wajiga labada dhaban ayaa i casaada kadib waxay isu badalaan finan yar yar oo adag markaan mudo joogaba siba hadan kuleyl ama qaboow dareemo ilaa sanad dhaqtarka markaan tagey wuxuu igu yiri waa rosacea waxa keena lama garanayo kiniin buu ii qorey waxba ima tarin marka walaal hadaad iga cawinkarto wuxuu yahay iyo waxan sameeyo ilahay khayr haydin siiyo aad mad u mahadsan tihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wajiga labada dhaban ayaa i casaada?
« Reply #1 on: June 13, 2015, 03:14:54 PM »
Rosacea waa cillad maqaarka ah oo aan daawo loo heynin, badanaa qofkane waxay heysaa muddo badan.
Takhaatiirta inta ay ka yaqaanaan xanuunkaan way yartahay.
Waxaa lagu gartaa dhabannada oo casaada khaas ahaan sanka labadisa dhinac, marmarka qaar wuu yaraadaa marmarka qaarne wuu soo kacaa.
Marmarka qaar waxaa la socon karo  cuncun ama indhaha oo gaduuto oo wuxuu u ekaan karaa allerji ama daaf oo kale.

Waxaa la ogyahay waxyaabaha dadka qaar ku kiciyo sida welwelka, fakarka, cunista cuntada basbaaska ama kuleelka ah.

Xanuunkaan badanaa kuma badno dadka madow oo dadka caddaanka ayuu u badan yahay.

Badanaa xanuunkaan garasho ayaa lagu ogaan karaa weliba hadduu takhtarka cudurrada maqaarka uu aqoon u leeyahay iyo inuu ka sooco cudurrada u ekaan karo laakiin ma jirto baaritaan loogu tala galay ee lagu ogaan karo.
Si loo hubiyo marmarka qaar way dhici kartaa in unugyo ama cad aad u yar oo aan la dareemayn laga qaado maqaarka.

Daawooyin kaalmaati ah ayaa loo qoraa dadka qaba cilladaan inkastoo takhaatiirta ay ku kala duwan yihiin daawooyinka ay qoraan.

Wayi jiraan xittaa kuwa si dabiici ah u daaweeyo sida in ay isticmaalaan khalka "vinegar" ama shaaha cagaaran "green tea".

Taladayda waa:
1- In haddii xanuunkaan kugu billawday mar aad isticmaashay wax jirka la marsado ama aad jirkaaga ku soo kordhisay ha ahaato daawo ama cunno ama waxyaabaha aad garanayso in ay kiciyaan in aad joojiso ama hadda wixii ka dambeeyaba in aad u nuglaato oo aad baarto.
2- In daawooyinka wajga la marsado noocyadooda kala duwan sida kareemyada in aad joojisid, waxaa dhici karto in ay kaaga sii daraan ama ayba badalaan wajiga.
3- Ku dadaal cunnada dabiiciga iskana ilaali waxyaabaha warshadaysan, haddii aad xanuunno kale qabtid sida allerjiga, neefta, sanboorka ma kuwa kalaba sida sonkrowga, xanuunka qanjirka thyroid-ka way dhici kartaa in ay xiriir la lahaato ee takhtarkaaga la socodsii.
4- Ku dadaal isticmaalka malabka haddii aad heli kartid isagoo saafi ah, diraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday in malabka cudurro badan oo wax looga garan waayay daawooyinka kiimikada in ay ku fiicnaadeen dad marsaday.

Wixii xaaladaada ku soo kordha ama talo dheeraad ah waad nala socodsiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Samira_m

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Wajiga labada dhaban ayaa i casaada?
« Reply #2 on: June 27, 2015, 08:49:52 AM »
asc ramadaan kariim  somalidoc aad ban ku salamayaa aadna wad ugu mahadsan tahay caawintaada wanan qadanayaa talooyinkaga drkaygana inta aad ii sheegtey buu ii sheegey ,waxkale oo xanuuna ma qabo waxa igu yar hurdada waxa ley qorey habeenkii aan qataa kiniinkan(amitriptyline)ilaa hadana maan garan waxaan dhibsanayo mar mar uun bey soo baxayaan ilahay ban caafimad weydiisanayaa adigana walaal ilahay janno hakugu badalo wad mahadsan tahay.