Author Topic: Su'aal: Ur jirkayga ka soo baxayo?  (Read 3823 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mucaas Hassan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ur jirkayga ka soo baxayo?
« on: June 12, 2015, 07:32:26 AM »
asc dr walaal waxaan ku weydiinayaa arin dhib igu ah oo aan dadkii iyo bulshadii iyo ua dhexbaxay oo ay igu noqotay wax umadii dhib igala kulmayo waana (ur) urtani jidhkayga ayey ka imanaysaa markaa dadkiina wey dareemayaan waxkastanawaan sameeyeen waan meea dhar nadiifa gashtaa cadarada dhididka ismariyaa dhibtnina waxay ihaysay mudd o 7sanno digtoore maxaan sameeyaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ur jirkayga ka soo baxayo?
« Reply #1 on: June 13, 2015, 02:58:39 PM »
Mucaas, marka hore waa in la hubiyaa in aad sida aad dareemayso ay wax u jiraan, aniga inta aan ku arkay khibradeyda, dadka dhalinyarada ayaa sheegashadaas u badan, mana ahan wax si sax ah u jiro ee qofka ayaa ka dhaadhacsan inuu shiirayo, dadka kalane in ay dhibsanayaan qofka ayaa iska dhaadhiciyay, oo badanaa haddaa waydiisid ma jiraa qof ku dhahay: waad shiiraysaa ama qof dadka guriga kula daggan sida walaalaha ama waaldka uu dareemayo ma jiraa? badanaa jawaabtu waxay noqotaa maya.
Sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar marka hore u tagtid si shakkiga kaaga baxo hadduu jiro, haddii shakki aysan ahayn oo wax jira ay tahayne waxaa la ogaanayaa cillada meesha ay ka jirto, haddii tusaale ahaan infekshan jirka uu jiro oo dheecaan leh sida Fistulada oo kale ama sanbab malaxoobidda ama cilladaha af-urka keeno ama haddii qanjirrada dhididka ma kuwa subagga soo daayo jirka ay jiran yihiin.
Laakiin badanaa arrintaa haddii ay jirto xittaa waa dhif.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Jirkayga markaan qandhufto xanuun maleh?

Started by KamaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3788
Last post December 05, 2015, 01:44:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa jirkayga ku soo noqnoqdo qawid?

Started by ShibaneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5560
Last post January 16, 2017, 01:46:15 PM
by SomaliDoc