Author Topic: Su'aal: Waan iska matagayaa bilaa yalaalugo  (Read 3319 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waan iska matagayaa bilaa yalaalugo
« on: June 13, 2015, 05:59:30 PM »
Marka hore waxaan salaamayaa walaalahayga igu qaaliga ah ee diktoorada ah.

bacda salaam suaashan iiga jawaab fadlan

Cuntada markaan cuno waan iskasoo matagayaa xitaa aniga oo aan yalaalugoba dareemin ayuu matag i qabanayaa.
Maxay noqon kartaa diktoor?.

meel i xanuunaysaana ma jirto, hadda waxaan arrintaa dareemayay dhowr asbuuc.

marka aan cuntada aad u yareeyo waxba ma dareemayo, mana jirto cunto dheeraad ah oo aan beryahan isku soo siyaadiyay laakiin wixii aan hore u cuni jiray uun baan cunaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waan iska matagayaa bilaa yalaalugo
« Reply #1 on: June 17, 2015, 11:30:11 PM »
Qasab ma ahan markasta aad matagayso in yalaalugo ama lalabo ku qabato, way dhacdaa marmarka qaar in aad matagto lalabo ama yalaalugo la'aan sida xaaladahaan oo kale:
1- Gaas calooleedka
2- Caabuqa ama bukashada caloosha
3- Caabuq ganaca
4- Cunto ku sumoobid.

Badana matagaas waa inuu la socod astaamo kale si loo dhaho xanuunadaan mid ka mid ah ayaa keenay sida xanuunka, dibbiro, caloosha oo fadhiso ama shuban ama qandho.

Haddii intaasba aysan jirin, way sahlan tahay inuu iska istaago ayaa dhici karo.

Laakiin haddii ay sii socdaan ama aad isku aragtid madax xanuun ama aragtida oo ku cawlan ama wareer waa in sida ugu dhakhsiyaha badan takhtar ula xiriirtid, waxay noqon kartaa cillad madaxa ka socoto sida meningitis-ka ama xanuunnada kale oo siyaadin kara cadaadiska maskaxda.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waan naxaa markaan hawl aanan hore u qaban jirin qabanayo?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7005
Last post October 05, 2015, 11:40:31 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Hore iyo imika wakhtiyada qaar waan kacsadaa balse........?

Started by CaaqilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17609
Last post December 27, 2010, 07:13:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6597
Last post March 02, 2016, 01:48:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gaas ayaan qabaa, qabawne waan iskaga baqay?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6705
Last post October 10, 2017, 09:05:34 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Imtixaanka markaan naxo waan biyo-baxaa?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7076
Last post May 16, 2015, 04:38:30 PM
by SomaliDoc