Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Digaaga lagu koriyo daawada faaido ma leeyihiin?

(1/1)

Cali Asaaro:
asc somdoc salan ka dib, waxaan idiin waydiinaa digaaga lagu duro  daawooyinka si uu dhaqso ugu koro  uu ukun ween dhalo  waxtar ma leeyahay macnaha xaga proteinska iyo vitaminska sida digaaga aan dawada lagu korin, ukuntiisana waxtar ma leedahay tnks.

SomaliDoc:
Digaanka la duro ama sida loo yaqaanno "Organic chicken" ama "GM chicken" waa digaag la farsameeyay, iyada keliyane ma ahan cunnooyin badan ayaa sidaas la yeelaa oo ay ka mid tahay khudaarta qaar, iyo miraha la cuno.

Cunno sidaa loo farsameeyay mar kasta way ka caafimaad xun yihin cunnada kale oo dabiiciga ah, qof ku dhici karo waa isku mid ama middaan la farsameeyay ayaa fiican ma jiro, oo xittaa markaa gadanaysid isku lacag ma ahan oo midda la farsameeyay mar kasta waa raqiis, mana ahan wax qarsoodi ah oo shirkadaha sameeyo iyagoo dhinac dhaqaale iyo baahi daboolis ka fiirinaayo ayay u sameeyaan.

Midda kale, dhibaatooyinka ay keenaan lama dhihi karo waa cudur hebel iyo hebel, maxaa yeelay waxyaabo cilmibaaris hadda ku socdaan, laakiin haddii aad awoodid ka fogow, way jiraan qoraallo ka hadlaya iyo ay kansar keenaan iyo waxyaabo kale laakiin hubaal ma ahan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version