Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Mindhiciraha kacsan daawo ma leeyihiin?

(1/1)

Aamino:
wan idinsalamay ramadan karim           waxan idinwaydinaya sual   ah xanun layirahdo   IBs  ama afsomali lagu dhaho midhiciraha kacsan  aya laygu dhahay wad qabta marka wax dawo ahna laymasin waxa uu idhahay dhakhtarki iska ilali cuntoyinka qar sida  shaha kafayga waxyabaha macan gidirta misirta iyo waxyabokale sida hadi ad qabto istarays  inad iskayarayso  waxas oo dhan waxba igama cawin waxan raba bal inad ifah.fahisan xanunkan iyo in uu dawo leyahay hada waxan leyahay ur 3 bil ah waxan daremaya in uu igu sibatay oo ay caloshi wax walba dhibsanayso oo ay igu foorayso musqushana maba gelayo macnaha saxaro way iqabanaysa lakin igama imanayso fadlad waxan idinka codsanaya hadi ay jirto wax dawo ah oo logu talo galay xanunkan inad iso shegtan magaceda si an ulatago  dhakhtarkayga oo an dhaho dawadan aya jirte maxad igu qoriladahay wad mahadsan tihin

Aamino:
asc maxa su ashayda la iga jawabiwayey  sowta tirahden 3 malin ee ugu horaysa ramadan waxan ugu jawabayna olayn su alaha malinti ugu horaysay rabadan ayan idinso diray su al ilahadana imaydan jawabin su ashayduna wa midhicirada kacsan dawo maleyihin fadlan ha layso jawabo

SomaliDoc:
Aamino, ma aadan fahmin farriinteena, waxa fursadaan loogu talagalay dadka aanan aqoonin isticmalka boggaan iyo qaabka wax loogu soo gudbiyo, waxa su'aalaha online looga jawaabayay waxay ahayd qebta farriimaha ee page-keenna Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia
Laakiin dadka sidaadoo kale su'aalaha ku soo gudbista halkaan, sidii joogtada ahayd oo aad nooga barateen baa la idinkaga sii jawaabi doonaa.

Haddii aan u soo gudbo su'aashaada, Mindhicirrada Kacsan waa cilald ka jirto xagga neerfaha mindhicirrada waxa kiciyane waxaa ka mid ah inta aad sheegtay, marka ugu horreyso qofka waa in lagula taliyaa in uu cuntada habeesto, welwelkane iska yareeyo, haddii intaa wax ka tari waysane daawooyin loo qaato ayaa jira, laakiin maadaama aad uur leedahay waa in aad takhtarkaaga kala tashataa midka aad qaadan karto iyo midak aadan qaadan karin.
Takhtarka kugu sheegay xanuunkaan, wuu ogyahay daawo in ay jirto iyo heerka la qaato iyo wixii kaloo la xiriiro waxaa habboon in isaga aad kala tashatid wixii tillaabo kale aad qaadi lahaydeen.
Halkaan ka sii akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version