Author Topic: Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?  (Read 16288 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiselamhaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?
« on: August 26, 2012, 02:50:19 PM »
a.c dhaqtar mahdi iyo dhaqaatirta kalaba waxan waydiinaya  walaalayal in mudaa waxaan la daalaan dhacaya feero xanuun mar laga joogo 11 sano ayaa jug dhabarka iiga dhacday balse mudo 4sano ka hor ah ayan dareemay xanuun feeraha ah anoo meel qabow badan jooga
 feeeraha garabka hoostiisa ayaan culays ka dareemi jiray hada waxay isku badashay in markaan rukuuco aay i daqnato lafuhu  waxaaan kaloo dhabarka kadareemaa markaan fadhiyo oon meel ku tiirsanahay hadan qoslo waxaa i jucaya sidii in aay hawo beer daraynayso feeraha danbe ee u dhaxeeya barida iyo garabka   xiliyada qabowgana badanaa way sii darnaadaan waxaana maalin kasta dareemaa inaan jucis u baahnahay oo maalinkiiba ugu yaran 80 mar waan juciyaa feeraha jac jac ayaan ka yeerayssa dhaqaatiir badan wan u tagay wxay i saareen raajo jabna way ka waayeen marka dhaqatiirka waxan waydiinaya  malaga yaabaa inay qabow tahay ama biyo ku  jiraan maxaase lagu kartaa burukiitada maxaase igula talinaysan cudurkaan aan shegayna maxaa loo malayn karaa
gunaanad:
feero xanuun  
jucis badan
qaybta danbe ee dhabarka oo i jucaysa hadaan qoslo sidi inay daloosho
qabowga iyo kulaylka badan oo aanan u adkaysan karin
intaani ma la dhihi kara waa burukito dhaqatiray
waad mahadsantihin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?
« Reply #1 on: November 10, 2012, 01:27:07 PM »
Horta haddii burkiito ay tahay ama biyo ay ku jiraan waxaa lagu arki lahaa raajada, cabashadaada waxay u egtahay in feeraha meelaha ay iska galaan in aad ka xanuunsanaydi taasoo loo yaqaanno cudurka "Costochondritis".
Calaamadaha aad sheegaysid dhanne iyadaa leh, raajadane badana waa normal oo dhibaato kama muuqato, qofkane wuxuu aad u jecelyahay inuu juciyo waana meesha kaliya ee feeraha ka jucsamaan.

Haddii dhibaatadaas ay tahay waxa ku hayo, waa mid la daaweyn karo, waxaadne u baahan tahay in aad la xiriirto "chest physician" oo takhtar guud inuusan ku baraarugin ayaa laga yaabaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdiselamhaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?
« Reply #2 on: January 08, 2013, 12:40:18 AM »
Diktoore marka  inta aanan u tagin dhaqtarka horta cudurkaan maxuu yahay aad sheegtay  soomali maleeyahay  mideeda kale maxaa kaalmaati ahaan u cuni karaa  dawo nuucee ah ayaana loo qaata qalijie maku jiraa     bal cudurkaan waxuu yahay iyo waxa sababa marka hore  iiga sheekeeya dhaqaatiirta sharafta lahow waana mahadsantihin dadaaalkiina qiimaha badan oo aad nagu haqab tiraysaan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?
« Reply #3 on: March 10, 2013, 12:48:17 PM »
Ma aaminsani wax la yiraahdo kaalmaati, haddii cudurka daawo uu leeyahay waa in lagaa daaweeyaa, shuruucda u dagsan madashaan ma ku jirto in aan daawo ka qorno, fadlan wixii aqoon dheeraad ah aad uga baahan tahay cudurkaas aan kor ku soo xusay waan kaa caawin karnaa laakin daawayntiisa kala xiriir takhtar ku taqasusay cudurrada feeraha ku dhaco.

Cudurka loo yaqaanno "Costochondritis" waa carjawda isku haysa feeraha iyo sakaarta.
Waa qeybta ugu jilicsan feeraha.

Marka haddii loo fiiriyo magaca cduurka waxay kalmaddu ka kooban tahay sadax eray oo kala ah costo-chondro-itis
Costo= waa feeraha, Chondro= waa carjawda jilicsan, Itis= waa xanuunka hurka ama balbalka ee ku dhaca.

calaamada waxaa lagu fahmaa in feeraha ay ku daqnanayaan markaa riixdid, laakiin waa daqnasho uu qofku u bogayo uuna jecelyahay in loo riixriixo, maahan cudurkaan mid halis ah, waxa keenane safiican looma fahansano, waxuuna ku badan yahay haweenka.

Waxyaabaha la aaminsan yahay inay ka dhalato ayaa waxaa ka mid ah jug hore oo gaarto feeraha ama caabuq feyras oo sanbabada ku dhacay hadda ka hor waxayna u badan tahay caruurta.

Jeermiska keeno cudurkaan waxay noqon karaan, feyras, bakteeriyo ama alji.

Xanuunkaan wuxuu la socon karaa cudurrada riixa, iyo lafa xanuunka noocyadiisa kala duwan.

Feeraha ugu badan ee xanuunka ku dhaco waa kuwa afaraad, shanaad iyo lixaad, xanuunka wuu siyaadaa markii neef siyaado ah la qaato.

Xanuunkaan badanaa dadka way iska wataan, waxaana lagula taliyaa in ay takhtar la xiriiraan haddii ay isku arkaan calaamadahaan soo socdo:
Neefsashada oo dhi leh, Qandho, Claamado caabuq sida in carjowda feeraha oo bararto ama malax gasho.

Xanuunkan ma lagu garto raajo ama dhiig la qaado, laakiin cabashada qofka iyo wiisata ayaa lagu kala gartaa.

Cudurkaan siyaabo kala duwan oo loo daaweeyo ayaa jira, sidaa awgeed la xiriir takhtar aqoon u leh.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fati

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Burukiito ayaan iskaga shakisanahay?
« Reply #4 on: July 23, 2015, 01:41:15 PM »
Asc wr wb,
Dhaqatiirka malin kasta nola tagan in aka baxno indha xirka aku jirno ama dawada badan aan qadaneyno aad bey u mahad sanyihiin.
Sida walalkey Abdisalemhaji uu hore ugu xusey mudo labo sano ah hada laga joogo ayaan isku arkay anoo is dhahayo lafaha dhan oo feeraha aaba ku jaban dhawaqa ka yerayo dartiis markan hoos u riifo lakin dhaqtarkeyha markan la xariiray waxa uu igu yiri 10kii qofoodba qof buu ku dhacaa dawo kaal mati buu isbuuc I siiyay ka bacdina soo labo buu igu yiri Alham dullilah xanuunkii saa idka ahaa wan ka fiicanahay lakin feeraha jucintiisa wili dhawaqa wuka yeerayaa oo hadan jucin waxan daremayaa inuu wax igu tagan yahay.lakin xanuun iguma haayo.illah baa mahadaas lleh

Dr Mahdi iyo dhaqatiirta kalaba aad ayaa u mahadsan tihiin shaqada iyo baraa rujinta aan lasoo kubi karin.


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 313859
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24383
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25912
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18131
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24208
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc