Author Topic: Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa?  (Read 30199 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilhaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
asc walalayaal  salaan kadib waxan rabay inan idin waydiyo hal suaal oo aad iga jaahil bixidaan waxayna tahay suashayda
shahwada inee bananka uso daadato markasto wax dabiici ah miyaa tankale  haduu safar iga aado xajiga ilaa sadax maalin oo kale ayee igasii socota shahwadi oo tartiib tartiib ayee bananka uguso laabataa marka sidee ku celi karaa shahwadaas ineesa soo noqon maxaase keeno
iga rali noqda hadii horay la idin waydiyay suashan oo kale maxa yeelay waanku cusbahay meshan wcs




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa?
« Reply #1 on: June 23, 2015, 01:35:41 PM »
Shahwada oo banaanka u soo daadato galmada ka dib waa arrin dabiici ah wax dhibaato ahne kama dhalato.
Inay si aayar kaaga socoto muddo dhowr saacadood way dhacdaa dumarka qaar, waana arrin badanaa ay isku arkaan lamaanaha cusub. sababtuna waa biyaha shahwada oo badan ama murqaha haweenta oo adag khaasatan markay ugub tahay.

Waxa la rabo haweenta in ay uur ku qaado ma ahan biyahaas in gudaha ku ceshoomaan ama aysan soo daadan,  ee waa wax ku jira biyaha oo loo yaqaano Xawo "Sperms" oo indhuhu aysan arki karin.

Halkii milliliter oo shahwo ah waxaak u jira in ka badan 20 milyan oo xawo (sperm) ah. wuxayna ugxanta dumarka u baahantahay kaliya hal sperm inuu bacrimiyo si ay uur u qaaddo, Alle ayaana ugu talagalay in Xperm-ka iyo ugxanta is raadsadaan.

Taasi wax dhib ah ma lahan ee haka walwalin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ilhaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal
« Reply #2 on: June 25, 2015, 09:16:31 AM »
asc walal waxan idin waydinayaa dumarka markee shahwada ka baxeeso ma dareemaan sida raga uu dareman cml hadii aysa dhacdo inaan dareemeen  dhibaato wayn miyaa

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa?
« Reply #3 on: June 26, 2015, 02:38:58 AM »
Hadaan isku dayo jawaabta su,aashaada walaal  ruux walba dimar ama rag waxuu galmada u sameeyaa inuu ku nafiso oo igu dambayn uu helo waxuu galmada u sameeyay oo ah inay shahwo ama biyo ja yimaadaan, galmo walbo oo la sameeyo waxay ku soo idlaataa inaya 2ruux ee sameeyay ee shahwo ka timaado. Maka waxaan kuugula talin lahaa hadaadan dareemayn inay shahwo kaa imaanayn  inaad la xiriirto dhaqtar  gynoclogist eh.


 

Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35206
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?

Started by AnwarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21452
Last post July 10, 2011, 08:10:55 PM
by SomaliDoc
Biyaha ama Shahwada oo laysku celiyo dhib miye ledahay?

Started by IlyaasmaxamedBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 8275
Last post December 22, 2017, 03:27:38 PM
by Ilyaasmaxamed
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20106
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha shahwada ma dhamaadaan, maxaase lagu badiyaa?

Started by SaarsaareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 42116
Last post March 28, 2020, 11:46:42 AM
by Omarabdi