Author Topic: Sidee uur loo qaadaa? Xilligee Ayaana Ugu Fiican?  (Read 284538 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee uur loo qaadaa? Xilligee Ayaana Ugu Fiican?
« on: June 24, 2015, 04:10:08 PM »


Marka hore uur qaadista waa arrin awoodda rabbi ku xiran, isagaa waqtiga aad uur qaadaysid iyo sidaa u qaadaysid og.

Midda xigta waxaa muhiim ah in aad ogaatid dhowrkaan arrimood oo kaa caawin kara fahanka waxyaabaha ku hareeraysan ama saamaynta ku leh uur qaadista iyo waqtiga aad u baahan tahay in aad takhtar raadisid.

1- Marka hore, waxyaabo badan oo isbadal ah jirka waa inuu sameeyaa si uu uur iskugu diyaariyo kuwaasoo ay ka mid tahay hormoonnada ku shaqo leh uurka iyo xaaladda caafimaad iyo midda nafsiyadeed ee aad ku sugan tahay.

2- Midda ku xigta waa in aad lammaanahaaga aad si joogto u kulantaan si ay rajada in aad uur u qaadid u koroto, qof safar ku maqan ama muddo gaaban aad isla joogtaan laguma dhisi karo go'aan ah in aadan uur qaadi karin, waxaa laga yaabaa muddadaas aad is arkaysaan in jirkaaga ma xaaladdaada in aysan diyaar u ahayn in aad uur qaaddid.

3- Midda sadaxaad waqtiga ugu habboon ee uur la qaado waa xilliga ugxanta la soo daayo oo ay diyaar u tahay in la bacrimiyo, inkastoo haweenka ku kala duwanaan karaan waxaa maalintaas lagu qiyaasaa in ay ku aadan tahay maalinta 14-aad wareegga caadada, si aad maalinta saxda ah u ogaato waa in marka hore caadadaada ay tahay mid saxan oo aan khalkhal ku jirin, haddii khalkhal ku jiro halkaan ka akhriso sida aad ku saxi karto iyo waxa badanaa keenaba: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145
Haddii ay caadadaadu saxan tahay waxaad calaamaysataa ama meel ku xarriiqataa maalinta ugu horreyso oo dhiigga ama caadada kugu dhacdo, kadib maalintaa markii laga xisaabiyo kala bartanka ama maalinta ugu dhaxaysa ayaa fursadda ugu fiican jirtaa.
Maalintaas maalmaha ka horreeyo waxaad dareemi kartaa xoogaa qoyaan nadiif ah oo xagge hoose ka yimaado, Labada maalmood ee ka dambaysane waxaa dareemi doontaa xoogaa qandho ama heerkulkaaga inuu sarreeyo.
Haddii aad rabtid in aa sii ogaatid xilliga ugu habboon ee aad uur yeelan kartid, waxaa jiro qalab kaadida lagu baaro oo aad farmashiga ka soo gadan karto oo loo yaqaano "OVulation predictor kit" oo howshiisu tahay in xilliga ugxanta la soo deynayo inuu kuu xisaabiyo iyadoo kaadida laga eegayo hormoonnada heerarkooda.

4- Midda afaraad, waa inaa ku dadaashaa in aad caaafimaadkaaga adigoo ka fogaado daawooyin aanan dhakhtar kuu qorin, waa in aad cunno isu dheellitiran aad cuntaa, waa in aad joojisaa jimicsiga iyo wixii jirdhis aad samaysid, waa in aad ka fogaataa wixii balwada ah, haddii aad leedahay sida sigaarka, jaadka iyo wixii la mid ah.
Haddii aad nafaqo darro ama cunno xumo ku hayso waa in aad takhtarkaaga kala tashataa wixii daawo oo caawinaad ah inuu ku siiyo sida fitamiinnada oo kale.
Halkaan ka akhriso cunnooyinka fitamiinnada laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

5- Midda shanaad, waxaad takhtarka la xiriirta 2 sano kadib haddii ay da'daadu ka yar tahay 30 sano oo aad adiga iyo xaaskaaga aad caafimaad qabtaan, si joogtane aad isku aragteen, si loo baaro haddii ay jiraan xanuuno ama cillado kale oo ka hortagi karo uurka.
Haddii aad 35 sano ka wayn tahay, takhtarkaaga la xiriir 1 sano ka dib.

Midda ugu dambaysa, Ogow mar walaba in aad alle waydiisato in uu caruru ku siiyo, takhaatiirta waxay awoodaan in ay baaris kugu sameeyaan, daawane kuu qoraan haddii ay cilald jirto, laakiin alle ayaa caafimaad iyo ubad bixiyo intaba.

Caafimaad baan kuu rajanayaa.
Haddii aad su'aal la xiriirto qoraalkaan aad qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21127
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53605
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26245
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22603
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50536
Last post May 19, 2012, 12:50:12 PM
by SomaliDoc