Author Topic: Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?  (Read 91150 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?
« on: June 26, 2015, 04:41:13 PM »


Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido u leh jirka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed laguma tiriyo midhaha lagu cayilo.

Qaraha waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno "Lycopene" waa maddoo ku yar midhaha kale, waxayna cilmibaarayaasha sheegaan in maadadaas inkastoo ay ku yartahay laga helo midhaha yaanyada, saytuunka gaduudan iyo cinabka gaduudan.

Maadada "Lycopene" waxay ka qeyb qaaataa caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga "borostaatada"
Waxay kaloo maadadaan la dagaallantaa sunta jirka ku jirto.
Markasta oo qaraha aad u bislaado oo aad u sii gaduutto, maadada "Lycopene" way ku sii badan tahay.

Borotiinka qaraha laga helo waxaa u badan nooca loo yaqaanno "citrulline" waxayna muhiim u tahay xididada dhiigga, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga.

Waxaa kaloo qaraha ku jira maadada kaalsiyamta iyo birta inkastoo ay ku yaryiihiin.

Caafimaadka iyo Qaraha / Xabxabka:

  • Caafimaadka wadnaha: qaraha wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo unugyada murqaha wadnaha in ay duqoobaan, wuxuu kaloo ka hortagaa in xididada wadnaha ay subag ama dufan ay ku samaysmaan, qoraal lagu daabacay joornaalka dhiig-karka ee ka soo baxa wadanka maraykanka waxay cilmibaarayaal ku soo bandhigeen in qaraha uu yareeyo cadaadiska dhiigga ku dhaca dadka buurbuuran.
  • Ka hortagga caabuqa iyo Qaraha / Xabxabka: sidaan horay u soo xusayba, maadada "Lycopene" waxay yareysaa halista caabuqa iyadoo hoos u dhigto waxyaabaha ka qeyb qaata caabuqa iyo inay yarayso sunta jirka, sidaa awgeed takhtaatiir ayaa kula taliso dadka qaba xanuunnada riixa, roomaatiisamka iyo murqa xanuunka in ay badsadaan cunista iyo cabista qaraha.
  • Fuuqcelinta iyo Qaraha: qaraha wuxuu ugu horreeyaa cunnada jirka fuuqceliyo maadaama ay ku jiraan biyo aad u badan, taasoo macnaheeda ah in kilyaha iyo qashinsaarkaba aad ugu roon yahay, waxaana loo adeegsadaa in qururuxa yaryar ee kilyaha ama kaadi mareenka ku jiro in uu soo saaro, wuxuuna ka hortagaa suuxdinta kuleelka.
  • Dheefshiidka iyo Qaraha: xabxabka waxaa ku jiro maadada fiber-ka ama buunshaha loo yaqaano taasoo dheefshiidka iyo mindhicirrada caloosha u roon.
  • Maqaarka iyo Timaha: Maadada fitamiin A: waxay u roon tahay kobcinta unugyada maqaarka iyo tinta, waxayna ka hortaggaa jir qallaylka.
    Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan fitamiinnada iyo cunnada laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
  • Kansarka borostaytka iyo Qaraha: cilmibaarayaal dhowr ah ayaa ogaaday in qaraha uu yareeyo tarmidda unugyada qanjirka borostaytka sidaasne uu ku yarayn karo halista cudurkaan, waxaan warbixintaan lagu soo bandhigay machadka ka hortagga kansarka.
    Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan kansarka qanjirka borostaytka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3162.0.html

Soonka iyo cunista ama cabidda Qaraha:

Faa'idooyinkaa kor ku xusan awgood, qaraha waxaa lagu xisaabiyaa midhaha ugu horreeya oo haddii la heli karo in lagu afuro ay fiican tahay, sababtuna waa sidatan:
1- Qaraha oo oonka u roon iyo fuuqcelinta jirka
2- Qaraha oo dheefshiidka u roon oo caloosha iyo mindhicirrada u diyaariya cuntooyinka aad ku afuri rabitd.
3- Qaraha oo qulqulka dhiigga kordhiyo taasoo qofka uu ka heli karo nashaad iyo firfircooni, khaas ahaan salaadda taraawiixda.
4- Qaraha oo leh faa'idooyin nafaqo jirka uu u baahan yahay.

Haddii aad su'aalo qabtid caafimaadka la xiriiro halkaan ku soo gudibso: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?
« Reply #1 on: November 10, 2016, 09:47:34 PM »
Akhriso Faa'iidooyinka Caafimaad ee Muuska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com