Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxyaabaha sababa in dhiigu yaraado?

(1/1)

Mohamedalhashi:
Asc somalidoc ramadaan mubarak waxaan allah idinka beryayaa inuu xasanaadka aad ummada u haysaan idin ka abaal mariyo jannatul  fardaws ayaan idinku ducyna INTAAS KA DIB WAXAAN LEEYAHAY DHIIG YARI JOOGTO AH WAXAANAN HALKAN KA AKHRISTAY QORAAL KU SAABSAN DHIIG YARIDA IYO ASTAAMAHEEDA MARKA WAXAAN IDINKA CODSANAYAA INAAD II SHEEGTAAN WAXA KEENA DHIIG YARAANTA.

Cali Asaaro:
 Dhiiga yaraanta waxaa sasabo oo ugu wayn waa in ay kugu yaraato birta ama iron  ama in uu dhaawac ku gaaro uu dhiig badan ka baxo marka almuhim waxaa kuula talin lahaa inaad cunto cunooyinka ay jirto iron  oo aad ku dadaasho markaad wax cunayso inaa cunto isku dheeli tiran.

SomaliDoc:
Dhiig yarida waxay ku imaan kartaa dhowr sabab oo kala ah:
1- Nafaqo darrida
2- Dhiig-bax (dhaawac, saxaro dhiig, kaadi dhiig ama caado furan)
3- Cillad samysanka dhiigga (in cillad ay ka jirto dhuuxa lafta ama wixii laga samayn lahaa dhiigga oo jirka ka maqan)
4- Cillad burburinaysa unugyada dhiigga cascas (waa cillad in unugyada dhiigga cascas ee burburaan taasoo ay keeni karaan cudurro badan)
5- In aad ku dhalatay xanuun dhiigyari oo cillad abuuris ay jirto

Waa muhiim in la ogaado asbaabta kuu keenta dhiigyarida joogtada ah, waxaa jiro baaritaanno kala duwan oo lagu ogaado nooca dhiigyaridaada waa muhiim in aad la xiriirtid dhakhtar cudurrada guud ama dhakhtar ku taqasusay cilladaha dhiigga oo loo yaqaanno "hematologist".

Halkaan ka akhriso qroaalladaan:
1- Waa mxay dhiig-yari: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html
2- Macdanka xadiidka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3041.0.html
3- Cuntooyinka dhiigga kordhiya: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version